31st October 2024 admin Category :
Sida labadeydii xaas ay hal maalin guriga uga wada baxeen, habeenkiina qabri ugu hoydeen
Waxaa qoray: Sahnun Ahmed, BBC Somali
Banaanka magaalada Kismaayo, buur ku taalla oo laga jabiyo dhagaxa ayaa ahayd meel ay danyar badan u shaqa tagaan. Boqolaal haween iyo rag ah ayaa tagi jiray halkaas si ay u helaan dhaqaale ay ku biilaan qoysaskooda.
Balse qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa ku waayay noloshooda shaqadan.
Abuukar Cali waa aabe 15 caruur ah leh, laba xaas oo u dhaxday ayaa ku dhintay goobtaan iyaga oo ka shaqaynaya.
“Maalin maalamaha kamid ah islaamihii subax iyay quraac isiiyeen, duhurkii ayayna shaqo aadeen, balse markii ay tahay casarkii ayaa ciid ku soo duntay,” ayuu yiri Abuukar oo kursi caag ku fadhiya, oo meel agtiisa ah ay sijaayad ku fadhiyaan 15 kiisa cunug.
“Hal mar ayaa maydkooda la wada duugay, hal guri ayay ka wada baxeen,” ayuu yir Abuukar.
Labada xaas ee dhintay midi waxay ka tagtay 7 caruur ah, halka tan kalana ay hooyo u ahayd 8 caruur ah.
Abuurkar hadda kaligiis ayaa koriya ilmahiisa iyaga oo ku nool guri jiingad ah oo ku yaalla xaafad ay dadka danyarta ah dagan yihiin oo ku taalla magaalada Kismaayo.
Intii aan la joognay wuxuu u qubeynayay, oo uu sidoo kale dhar u galinayay ubadka.
Kadib dhimashadii labada qof ee dumarka ah, maamulka Jubbaland ayaa joojiyay in goobtaas loo soo shaqo tago, maadaamo ay halis galisay nolosha dad badan. Inta badan ciidamada booliska ayaa dadka ka ilaaliya in ay halkaan u soo shaqo doontaan. Laakiin muddo dheer ayay ahayd goob loo shaqo tago, sidoo kale waxay ahayd halka laga helo dhagaxda, dhoobada iyo jeyga loo isticmaalo dhismaha.
Maxamed Sheekh Cabdi wuxuu dagan yahay meel u dhaw buurtaan.
Wuxuu BBC-da u sheegay in uu goobjoog u ahaa muruqmaal badan oo ku nafwaayay dhagax culus oo ku soo dumay, dadkaas waxaa ka mid ahaa labadii xaas ee Abuukar.
Maxamed ayaa yiri: “ Dhacdadii iigu xanuunka badneyd ee aan xasuusto waxay ahayd, midii u dambeysay oo ahayd, laba gabdhood oo la wada qabo oo iyaga oo halkaas jeey ka guraya goor galab ah ay ku duntay. Dad ku dhinta kuwaas ayaa u dambeeyay”
Mararka qaar abuukar, wuxuu dib ugu noqdaa xusuus aad u xanuujisa , maanta wuxuu dul taagan yahay loorkii ugu dambeeyay ee jaygii ay gurayeen labdiisii xaas ka hor inta buurtii weyneyd aysan ku soo dumin oo aysan nolosha dhaafin. Wuxuu gacanta marba ku soo cantoobinayaa jayga, kadibna firdhinayaa.
Buurtaan waxay nolol u ahayd boqolaal qoys oo sabool ah, waxay ahayd isha laga quudiyo caruur badan, sidoo kale waxay noqotay dhamaadka nolosha hooyooyin iyo aabayaal korinayay caruurtooda.