19th September 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Shirka horumarinta Beeraha Puntland oo socon doona muddo laba maalmood ah Kaasi oo maanta lagu soo aadiyay Maalinta cuntada Adduunka oo lagu xusay Garoowe.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay Dowladdu siinayso wax soo saarka, isagoo ku booriyay dadka Puntland in ay wax soo saarka badiyaan, Dowladuna ay diyaarinayso Qorshe lagu maalgelinayo si macquul ah ganacsata iyo dadka la yimaada hal abuurada ganacsi ee Beeraha iyo Horumarinta wax soo saarka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha oo soo diyaariyay Shirka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Wasiirada wadashaqeynta la leh Wasaarada Beeraha, lataliyeyaal Madaxweyne, Xildhibaano ka mid ah Golaha Wakiillada Puntland, Ururada Bulshada, Ganacsatada iyo Beeralayda Puntland.

May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 5 people, people standing, people sitting, headscarf and indoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*