10th October 2024  admin  Category :

Shirka Golaha Wasiirada Oo Looga Hadlay Amniga Iyo Abaaraha

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda oo warbixinno la xiriira xaaladaha Amniga dalka looga dhagaystay Wasiirrada Difaaca iyo Amniga Gudaha.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS, ayaa shirka uga war bixiyay halka ay marayaan hawl-gallada lagu baacsanyo argagixisada iyo guulaha wax-ku-ool ah ee ay gaareen ciidamada qalabka iyo  dadka deegaanka oo is-kaashanaya.

Golaha Wasiirada ayaa mamnuucay in Ciidanka Xoogga Dalka loo adeegsado wax ka baxsan waajibkooda Dastuuuriga ah.

Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo halka ay marayaan hawlaha gurmadka.

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira Isgaarsiinta iyo caafimaadka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*