16th October 2024  admin  Category :

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel ayaa maanta furay shirka dib u eegista xogta cudurka HIV Aids, shirka oo soconaya laba maalmood ayaa dib loogu eegayaa wixii laga qabtay cudurka HIV Aids 3dii bilood ee la soo dhaafay.

Madaxa xakamaynta cudurka HIV ee Wasaarada Caafimaadka Casha Jamac oo ka hadashay furitaankiisa ayaa tiri:-

“ Wasiirka wasaradda caafimaadka Siciid Jamac Qorsheel iyo masuuliyiinta kale ee nagala soo qaybgashay shirka waxaan idinka mahadcelinaya soo ajiibidiina, shirkaan oo socon doona laba maalmood waxaa dib loogu qiimayn doonaa looguna eegi doonaa xogtii laga soo gudbiyay xarumaha caafimaadka, barnaamijkaan oo waqti dheer soo socday waxaa laga gaaray horumar badan waxaana wali jira caqabado ubaahan in la iska kaashado oo ay ugu weyntahay yaraanta helitaanka dawo ku filan bukaanada iyo siyaasadihii oo aan wali la dhamaystirin. Mashruuca waxaa nagala shaqeeya hay’adda UNICEF oo kaalin wax ku ool ah ka qaadata.”

Ali hassan oo ka socday hay’adda Unicef oo isaguna ka hadlaya ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo shirkaan muhiim ah ee dib loogu eegayo xogta cudurka HIV Aids oo kamid ah kuwa ugu mudda dheer ee ka socda wasaaradda marba marxlaladna soo joogay, wasaaradda caafimaadka ayaa lahayd kaalinta la dagaalanka iyo dawaynta lahayd iyo hay’adda PAC oo iyaduna lahayd qaybta dabagalka, shaqo wanaagsan ayaa ka qabsoontay xanuunka, waana mid is badbadal sameeya mar kor ukaca marna hoos udhaca, waxaan wasiirka ka codsanayaa in la dadajiyo siyaasadihii loogu talagalay lana mariyo golayaasha dawladda si dadka qabana loo ilaaliyo xuquuqdooda iyagana dadka looga ilaaliyo.”

Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey lataliyaha madaxweynaha ee caafimaadka oo ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan soo dhawaynayaa inaan idin kala soo qaybgalo shirkaan dib loogu eegayo xanuunka HIV, sidaan ogahay xanuunkaan waa fidayaa waana kordhayaan dadka uu laga helayo, waxaa jira dumar dalka ka shaqaysta oo xadka ka soo gudba ayna jiraan kuwa xanuunka qaba, waxaa la rabaa in la dabagalo korna loo qaado wacyigalinta, aduunku sidii uu markii hore taageerada balaaran usiin jiray xanuunka hadda uma siiyo, waxaan isleeyahay kuma filna 7xarumood oo kaliya marka aan ka hadlayno xaalada cudurka iyo fiditaankiisa iyo kororka dadka laga helayo oo shalay meeshii ay joogeen aan joogin”

“ Dadkaan wa dad nugul oo ubaahan in la xanaaneeyo laga ilaaliyo takoorka, marka waa muhiim in si dhakhso ah loo helo shuruuc iyo siyaasado lagu ilaaliyo.”

Mudane Siciid Jamac Qorsheel wasiirka wasaaradda caafimaadka DPL oo shirka furay ayaa yiri:-

“Farxad ayay noo tahay ka wasaraadda caafimaadka ahaan inaan ka soo qaybgalno shirkaan muhiimka kaasoo dib loogu eegayo xanuunka HIV Aids ayna ka soo qaybgaleen shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha dawada laga qaato iyo kuwa gobolada qaarkood, xnauunkaan waxaa mid kamid ah xanuunada dadka ku dhaca, waxaana jira xanuuno ka khatar badan sida kansarka dadkeena ayaa ubaahan in kor loo qaado wacyigalintooda qofka haddii uu dawada si joogto u qaato waa mid uu la noolaan karo.”

“ Waxaan rabaa in xooga lagu saaro shirka in dadka wacyigalin loo sameeyo si loo yareeyo fiditaankiisa loona xakameeyo, waxaan uga mahadcelinayaa shaqada wanaagsan ee laga qabtay cudurkaan, waxaana rajaynayaa in kor loo sii qaado, waxaan uga mahadcelinayaa hay’adda Unicef oo aan ka wada shaqayno mashruuca, ugu danbeyn waxaan raba in xooga la saaro iyadoo lala kaashanayo dhakhaatiirta inala joogta sidii loo diyaarin lahaa siyaasaddaha loogana ansixin lahaa golayaasha dawladda.”

Shirka waxaa ka qaybgalay wasiirka lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey iyo dhakhaatiirta khuburo ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*