16th September 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC Mudane Abdirisak Ahmed Said ayaa maanta ka qaybgalay “SHIRKA BEESHA CAALAMKA IYO PUNTLAND” oo looga hadlayay nidaamka Dimoqraadiyadda Puntland ee Guddigu garwadeenka ka yihiin.

Kulankan balaaran oo uu shir Gudoominayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddigu kusoo Bandhigeen warbixin ku saabsan qorshaha Guddiga ee qabashada Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland iyo siday ugu diyaarsanyihiin inay Puntland ka qabtaan Doorasho Qof iyo Cod ah.

Wakiiladda Beesha Caalamka ee ka qaybgalay shirkan ayaa sheegay in ay ka go’antahay taageerada Hirgelinta Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Goleyaasha deegaanka Degmooyinka Puntland.

Kulanka waxa Gudoomiyaha ku weheliyay Cabdillaahi Cabdi Ducaale oo ka Mid ah xubnaha sare ee Guddiga iyo Xoghayaha Guud ee TPEC Ubax Abshir.

May be an image of 5 people, people sitting and people standing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*