19th September 2024  admin  Category :

Shan dal oo dunida hoggaamin doona sanadka 2050-ka

Ka bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub fayrasak karona, dagaalka Ukraine iyo canshuuraha ganacsiga ayaa laga yaabaa in ay abuuraan xaalado dhaqaale, laakin inkastoo caqabadahaas ay jiraan haddana waxaa la qiyaasayaa in dhaqaalaha adduunka uu sii wadi doono koritaanka tobanaanka sano ee soo socda.

Dhab ahaantii marka la gaaro 2050-ka dhaqaalaha dduunka ayaa labajibaarmi doona sida la saadaalinayo in inkastoo Qaramada Midoobey ay sheegayso in tirade dadka caalamka ay kordhi doonto 26%. Koritaankaas ayaa keeni doono caqabado badan In kasta oo ay adkaan karto in la saadaaliyo sida uu mustaqbalka u dhici doono, haddana dhaqaala-yahannada intooda badani waxay isku raaceen hal shay: suuqyada soo koraya ee maanta waxay noqon doonaan kuwa berrito ah marka la eego quwadaha waaweyn ee dhaqaalaha.

Sida laga soo xigtay warbixinta The World ee 2050 ee shirkadda caalamiga ah ee adeegyada xirfadeed ee PwC, 30 sano gudahood, lix ka mid ah toddobada dhaqaale ee ugu weyn adduunka ayaa noqon doona dhaqaalaha soo koraya maanta, dhaqaalaha Maraykanka ayaa hoos u dhici doona . Japan waxay hoos ugu dhacday 4 ilaa 3 ilaa 8 iyo Jarmalka oo hoos uga dhacay 5 ilaa 9.

Xitaa dalalka dhaqaalaha yar yar sida Vietnam, Filibiin iyo Nigeria waxay la kulmi doonan koboc weyn heerarkooda sodonka sano ee soo socda, sida lagu sheegay warbixinta.

Waxaan la hadalnay dadka deegaanka ee ku nool shan wadan oo awood u leh inay koraan si aan u ogaano sida ay ula tacaalayaan isbedelada xawliga ah ee hadda ka socda, faa’iidooyinka ay ka helayaan ku noolaanshaha deegaanadaas iyo caqabadaha dalalkooda ay la kulmaan marka ay sare u kacaan.

Shiinaha

Kobaca dhaqaalaha ee Shiinaha oo ay shaaciyeen xisbiga talada haya ee Shiinaha ee PPP ayaa muujinaya in Shiinaha uu durbaba yahay dalka ugu dhaqaalaha badan caalamka. Waddanka awoodda badan ee ku yaalla qaaradda Aasiya ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay gaaray guulo la taaban karo oo dhanka dhaqaalaha ah, hase yeeshee dhaqaaloyannada ayaa carrabka ku adkeeyay in guushani ay tahay bilow un oo ay guulo badan soo socdaan.

Isbedello waaweyn oo dhanka dhaqaalaha ah ayay dadka Shiinaha marqaati ka ahaayeen. “Dalkeyga, sannadadii la soo dhaafay ayaa waxaa laga hirgaliyay Kaabayaal dhaqaale oo waaweyn kuwaas oo horseeday in maagaalooyin qurux badan ay dhismaan. Waxaa ka mid ah warshado, goobo laga dukaameysto oo waaweyn, maaqaayado iyo waddooyin. Waddanka oo dhan ayaa is baddalaya marka loo eego 15-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Rowan Kohl loo ah qoraaga buugaagta 1-Minute Chinese Books.

Hindiya

Hindiya waa dalka labaad ee ugu dadka badan dunida

Dalka labaad ee ugu dadka badan aduunka ayaa la filayaa in uu koboc weyn sameeyo sodonka sano ee soo socda,isaga oo celcelis ahaan gaari doona 5% kobaca wax soo saarka dalka sanad walba,sida lagu sheegay warbixinta – taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah wadamada ugu kobaca dhaqaalaha badan aduunka. Marka la gaaro 2050, Hindiya waxaa la saadaalinayaa in ay noqon doonto dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka oo dhaafi doona Mareykanka, waxaana ay ka dhigan tahay 15% wadarta guud ee GDP.

Natiijooyinka wanaagsan ee koritaanka ayaa durba bilaabay inay saameyn ku yeeshaan dadka deegaanka.

“Laga soo bilaabo dhamaadkii Qarnigii 20-aad iyo bilowgii Qarnigii21-aad, waxaan arkayaa Hindiya oo is baddaleysa inanga oo daawaneyna,” ayuu yiri Saurabh Jindal oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Hindia, isla markaana maamula barnaamijka la yiraahdo Talk Travel. “Kobaca dhaqaaluhu waxa uu horseeday isbedello badan oo ku yimid hab nololeedka dadka, laga soo bilaabo fir-fircoonida magaalada ilaa hab-dhaqanka bulshada iyo ugu dambayntii socodkii iyo wada sheekaysigii guud ee dalka iyo dadka deegaanka.”

“Tusaale ahaan, waxaa 15-kii sano ee la soo dhaafay horumar weyn laga sameeyay tayada telefishinnada, taleefoonnada gacanta iyo noocyada baabuurta,” ayuu yiri Jindal, iyadoo socdaalka hawada uu noqday mid la heli karo, guryuhuna ay noqdeen kuwo aad u deggan oo hodan ah.

Brazil

BRAZIL

Dalkan awodda leh ee koonfurta Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay noqdo dalka shanaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka marka la gaaro sanadka 2050-ka, iyada oo ka sara mari doonta dalalka Japan, Jarmalka iyo Ruuushka. Dalka Brazil oo uu ka buuxo kheyraad dabiici ah ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxa uu ahaa mid dhaqaalihiisa sare u sii kacayay,balse waxaa soo food saaray caqabado ay la daalaa dhacayaan dadka dalkaasi sida musuq maasuqa iyo sicir bararka ka jiray dalkaasi sanadihii u dambeeyay.

Brazil waa mid ka mid ah wadamada ugu weyn adduunka dhanka macdanta, beeraha iyo warshadaha.

Meksiko

Meksiko ayaa noqon doonta dalka toddobaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka 2050-ka

Sannadka 2050-ka, Meksiko waxa ay diyaar u tahay in ay noqoto waddanka toddobaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka, iyada oo afar meelood ka soo sara mari doonto kaalinta 11-aad ee ay hadda kaga jirto qiimaynta la sameeyay. Waxay diiradda saartaa wax soo saarka iyo dhoofinta taasi oo u horseeday kobac xoogan sanadihii ugu dambeeyay, inkastoo xaalada dhaqaale ee hadda jirta ay caqabad ku noqtay wax badan oo dalkan uu gaari lahaa

Haddii aad fursad hesho oo aad si adag u shaqeyso, horumar waad gaari kartaa.

Daryeelka caafimaadka iyo gaadiidka ayaa halkan ka jaban marka loo eego Maraykanka, Canada iyo Yurub. “Waxaan joogay magaalada Merida, Yucatan ee Meksiko, qiimaha gawaarida online-ka ku shaqeeya wuxuu ahaa $4 ilaa $10 [qiyaastii “ayay tiri Suzan Haskins, tafatiraha guud ee jariiradda Living International. Wadamo badan oo soo koraya, kaabayaasha iyo xaaladaha waddooyinka ayaa caqabad ku noqon kara, laakiin dawladdu waxay hadda bilowday maalgelin kaabayaal dhaqaale oo dhan $44bn, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, kaas oo la isticmaali doono afarta sano ee soo socota.

Nigeria

Nigeria

Mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan Afrika, oo ah Nigeria waxay diyaar u tahay in dhaqaalaheedu uu u koro heerka ugu dhaqsiyaha badan sanadka 2050, celcelis ahaan 4.2%.

Iyadoo dowladdu ay la dagaalantay musuqmaasuqa, dadka deegaanka waxay leeyihiin niyad ganacsi oo sii dhiiragalineysa dadka inay horay u sii wadaan howlahooda ganacsi. Marka loo eego xogta Monitoring Entrepreneurship Global, in ka badan 30% dadka reer Nigeria waa ganacsato ama milkiilayaal cusub – oo ka mid ah kuwa ugu horumarsan adduunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*