24th January 2025  admin  Category :

Shacabka Suuriya oo ku damaashaadaya Fagaaraha Umayyad ee bartamaha magaalada Dimishiq

Fagaaraha Umayyad ee bartamaha magaalada ayaa ah halka ay dadku ku damaashaadayaan – waxaa jira rasaas joogta ah oo ay jabhaddu hawada u ridayaan.Dad rayid ah ayaa ku wareegaya fagaaraha, iyagoo isa siinaya calaamadda nabadda, dhahayana intee in le’eg ayay noloshu sidaas sii ahaan doontaa, qaar waa ay qoslayaan, qaarna waa ay ooyayayaan.Waxaan sidoo kale la hadalnay laba nin oo dhallinyaro ah kugnaa meel ka baxsan safaaradda Iran. Waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin isbadalak, nolosha Bashaar Al-Asad-na ay ahayd mid aad u adag oo aysan dareemin wax bad-qab ah.La wadaag, Shacabka Suuriya oo ku damaashaadaya Fagaaraha Umayyad ee bartamaha magaalada Dimishq

  1. Waa kuma ninka hoggaaminaya kooxda Taxriir al-Sham ee udub-dhexaadka u ahayd dagaalka meesha looga saaray Bashar Al-AsadAbu Mohammed al-JulaniXigashada Sawirka,HAYAT TAHRIR AL-SHAMQoraalka sawirka,Abu Mohammed al-JulaniWarbixinadu waxay ku kala duwan yihiin magaciisa dhabta ah, taariikhda iyo goobta uu ku dhashay, taariikh nololeedkiisa iyo xitaa dhalashadiisa, taas oo sii kordhineysa wax badan oo qarsoon shakhsiyadiisa. Sida laga soo xigtay warbixinnada Qaramada Midoobay, waxa uu dhashay intii u dhaxaysay 1975 ilaa 1979, halka Interpol ay sheegtay in uu dhashay 1975kii.Sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta PBS ee Maraykanka, magaciisa dhabta ah waa Axmed Xuseen al-Sharaa, naaneystiisa oo tilmaamaysa Buuraha Golan ayaa ka tarjumaysa xiriirka qoyskiisu la leeyahay gobolkaas. Waxa uu waraysigaas ku sheegay in uu sannadkii 1982-kii ku dhashay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, halkaas oo uu aabbihii ka ahaa injineer shidaal ilaa sannadkii 1989-kii. Sannadkaas, qoyska al-Julani waxay ku noqdeen Suuriya, halkaas oo uu ku koray oo uu ku noolaa xaafadda Mezzeh ee magaalada Dimishiq.Warar ay baahisay warbahainta ayaa sheegay in Al-Julani uu ku dhashay magaalada Deir ez-Zor ee dalka Suuriya sanadkii 1981-kii, waxaana la sheegay in uu muddo labo sano ah uu cilmiga caafimaadka ku soo bartay magaalada Dimishiq, ka hor inta uusan ka tagin sanadkiisii saddexaad ee waxbarashada si uu ugu biiro ururka xagjirka ah ee Al-Qaacidada ee Ciraaq ka dib duulaankii Mareykanka ee 2003dii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*