19th September 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta maamulka Hargeeysa oo shacabkooda u sheega been aan dhammaaneen taas oo hadba midab gaar ah loo soo ekeeysiiyo sida ineey yihiin dawlad la mid ah tan Jarmalka, ineey boqorada Ingiriiska ay yihiin qaraabo dhow, in Xabashida, Oromada iyo Tigreeyga ay yihiin meeshay ka yimaadeen iyo boqol qubxi oo kalle ayaa markan shacabkii ulla yimid mid kalle oo la doonayo in lagu dhaqo noloshii caadiga aheed.

Hadaba, wadada isku xireeysa Berbera iyo Tog-wajaale ayaa markii horre la sheegay in ay bixin doonaan lacagta ku baxeeysa Imaaraadka oo lagaga badashay saldhiga mileteri ee Berbera.

Hadana waxaa soo baxay warar kalle oo sheegaya in ay dawladda Itoobiya ay bixin doonto lacagta wadada ku baxeeysa badankeeda.

Taa waxaa ka daba timid war kalle oo sheegaya in wadada ay iska kaashan doonaan dawladdaha Ingiriiska iyo Imaaraadka.

Balse shacabka ku nool maamulka Hargeeysa ayaa u muuqda kuwo markan soo ilbaxaya, soona fahmaya riwaayada aan dhammaaneen oo ay jilayaan siyaasiyiinta ku aftirsada SNMta.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*