29th November 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jubbaland oo Lakulmay Xubno Ka Socda Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka JubbalandMudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wakiilka Midowga Afrika Ambassador Fransisco Madeira iyo xubno kale.

Wafdigan ayaa shir la qaatay Madaxweynaha iyo qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada iyadoo kulankaas diirada lagu saaray arimo kala duwan oo ay kamid yihiin xal u helista khilaafka u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah kaas oo mudo soo jiitamayay iyo tageerada ay Bulshada caalamku siiso Soomaaliya.

Gaba gabada kulanka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahad celiyay booqashada ay masuuliyiintan Jubbaland ku yimaadeen iyo dadaalka ay ugu jiraan in xal loo helo xaaladaha taagan si gaar ah Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhexdhexaadinta labada dhinac ayna qasab ahayn in Beesha Caalamku ay noqoto cida dhexdhexaadinta samaynaysa oo ay noqon karaan Aqalka sare oo hada dadaalka qayb ka ah.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in dhamaan Warqadaha ay soo saarto Dowlada dhexe ee isugu jira marti qaadyo ama arimo kale oo lagu sheegay xisaab celin aan lasoo marsiin habka rasmiga ah ee xiriirka Dowliga ah oo ay ku arkaan oo kaliyah baraha Bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*