17th October 2024  admin  Category :

Saraakiil boolis Soomaali Canadian ah oo telefoonnadooda la dhageystay

Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Canada, gaar ahaan kuwa magaalada Ottawa ee caasimadda dalkaas, ayaa aad wax looga xumaado ku tilmaamay, kadib markii la sheegay in Shan sargaal oo Soomaali ah oo ka tirsan booliska Ottawa la dhageysanayay hadalladooda, islamarkaana lala socday dhaq-dhaqaaqooda iyaga iyo qoysaskooda.

Hoggaamiyeyaasha jaaliyadda Soomaalida ayaa falkaasi ku sheegay handadaad iyo takoor lagula kacay saraakiishaas.

Saraakiisha ayaa hadda dalbaday magdhow gaareysa 2.5 milyan oo dollar-ka Canada ah.

Wariyaha VOA-Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Maxamuud Xaaji Aadan oo kamid ah hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee Ottawa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*