14th November 2024 admin Category :
Sannad ka dib waa sidee Goojacadde iyo xaaladda Laascaanood
Ml Muddo sanad ah ayaa kasoo wareegtay markii ciidamada Khatumo ay la wareegeen saldhiggii Milateri ee Goojacadde ee ay fadhiyeen Ciidamada Somaliland, maalintaas oo ku beegneyd 25 August 2023 . Haddaba waxa aynu qoramadeena ku eegi doonnaa Sanad kadib maxaa iska bedelay Goojacadde iyo guud ahaan Magaalada Laas caanood.
Laga soo bilaabo 25kii August 2023 markaas oo ciidamada Somaliland lagala wareegay saldhigga Goojacadde iyo gacan ku haynta magaalada Laascaanood waqtigaasoo la sheegay in magaalada inta badan 75% ay soo gaareen khasaare kaga yimid dagaalka iyadoo dadka shacabka ahina ay ka qaxeen magaalada , hasa yeeshe markii Khatumo ay la wareegtay maamulka Saldhigga Goojacadde iyo magaalada Laascaanood, waxaa isbeddel uu ku yimid guud ahaan magaalada.
https://www.facebook.com/share/v/Y7neefc5xGjs6htn/?mibextid=G4Q45F
Feysal Jaamac Aadan oo ah Weriye deggan magalaada Laascaanod oo goob joog u ahaa tan iyo markii ay dagaalladu ka dhacayeen Laascaanood ayaa BBCda u sheegay in isbedellada ku yimid magaalada dagaallada ka dib ay ka mid yihiin in dadkii ka qaxay ay dib ugu soo laabteen iyagoo dib u dhisay guryahoodii uu soo gaaray burburka.
Waxaa sidoo kale ku soo biiray dad ka yimid qurbaha waxaana magaalada ka billowday dhismayaal sida hoteello aan markii hore ka jirin , waxa sidoo kale yimid ganacsato ka kala yimid qurbaha iyo dhinaca Puntland kuwaas oo sameeyay maalgashi “Xaaladda Magaaladu waxa ay u egtahay mid si buuxda uga soo kabatay muddadii sideedda bilood ahayd ee dagaalku uu ka socday Laascaanood iyo nawaaxigeeda”ayuu yiri Feysal
Markii ay Khaatumo la wareegtay magaalada Laascaanood waxa ay sheegeen in ay hoostagayaan dowladda Federaalka ah oo ay yihiin maamul madaxbanaan oo aan hoos tagin Somaliland iyo Puntland midna, taas oo ay dowladda Soomaaliya soo dhaweysay , gaar ahaanna Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya , haddaba maxaa iska beddelay dhanka adeegyada bulshada muddadii sanadka ahayd ee Khaatumo ay maamulka haysay .
Khaatuma waxa ay dooneeysaa in loo aqoonsado Maamul Goboleed madaxbanaan oo ka mid ah maamullada ka jira Soomaaliya si ay si buuxda ugu helaan adeegyada ay dowladda federaalka bixiso, hase yeeshee taasi ma aanay suurta gelin.
“ Ilaa iyo hadda adeegyada dowladda ee Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka ah ayaa si buuxda looga helay imtixaanaadkii iyo macallimiintii “ ayuu yiri weriye Feysal Jamac oo intaas ku daray in kasta oo Khatumo iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka ay leeyihiin xiriir wanaagsan, haddana ma jiraan wax muuqda oo maamulku ay sheegeen inay soo gaareen Laascaanood.
Dhibaatooyinka ugu badan ee hadda ka jira deegaanka waxa ka mid ah shaqo la’aan baahsan sida deegaannada kale, maadaama aysan jirin mushaarooyin toos ah oo ay bixiyaan maamulku “Markaa waxa laga dareemayaa in dad badani ay haysato dhaqaale xumo baahsan” ayuu yiri Feysal Jaamac .
Markii Khaatumo ay maamulka la wareegeen maxaa iska beddelay siyaasaddii Puntland ee gobolka Sool
Khilaafka siyaasadeed ee gobolka Sool uma dhaxeeyo Somaliland iyo Khaatumo oo kaliya ee Puntland ayaa iyaduna sheegata gobolka Sool in uu ka kamid yahay deegaankeeda, taas oo dastuurkeedana ku qoran, sidoo kale waxa jira xildhibaanno kasoo jeeda deegaan ahaan gobolka Sool oo ka mid ah Baarlamaanka Puntland iyadoo xitaa madaxweyne ku xigeenka Puntland uu ka soo jeedo deegaankaas.
Inta badan dadka shacabka ah waxa ay rabaan in ay ka madaxbanaanaadaan Maamul Goboleed kale laakin waxaa jira arrimo dhanka siyaasadda ah iyadoo wax badan ay iskaga xiran yihiin sida dhinac ciidamada, kaabayaal dhaqaale oo maamulku uu ka helo dhanka Puntland ayaa jira. “ Kumaan qof oo dad ah ayaa ka shaqeeya Boosaaso iyo Garowe iyo Puntland oo dhan oo deegaankan ka soo jeeda ilaa Madaxweyne ku xigeen , Agaasimayaal iyo shaqaale” ayuu yir Feysal Jaamac oo ah weriye degan Laascaanood. Isagoo intaas ku daray in ay muddo dheer qaadanayso sidii arrimahaas loo kala guri lahaa .
Colaadii ma dhamaatay mise weli way jirtaa
Weli waxaa is horfadhiya ciidamada labada dhinac ee Somaliland iyo Khaatumo , kuwaas oo kala jooga masaafo isu muuqata, deegaanka Oog, inkasta oo muddo sannad ah aanu wax dagaal weyn ahi ka dhicin halkaas haddana weli waxaa jira xiisad colaadeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanideeda ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan gaaray Degmada Oog ee Gobolka Sool, halkaas oo fadhiisin u ahayd Ciidanka Somaliland tan iyo 25-kii Bishii August ee 2023-kii, dagaalkii u dambeeyey ee ka dhaca Laascaanood.
Madaxweyne Biixi iyo Wafdi uu hoggaaminayey, oo khudbad ugu jeedinayey Ciidanka Somaliland ee fariisimada ku leh Caynaba iyo Oog, ayaa sheegay in Ciidanku door muhiim ah ugu jiraan ilaalinta nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, waxaa kale oo uu sheegay in aanu dagaalku dhamaan ilaa guusha la gaaro, sida uu hadalka u dhigay “Dagaalku ma dhamaado ilaa guusha la gaaro, wax yar oo maalin ku gaar ah iyo goob yar oo wax ka dhacaan ma aha in la yiraa waxbaa dhacay. Kuwa kalaa dhici doona, dagaallo kala ayaad geli doontaan ilaa la gaaro oo la helo Somaliland oo dhan, taas ayeynu wadaynaa” ayuu yiri Madaxweyne Biixi oo la hadlayey Ciidanka Somaliland ee Aagga Oog.
Khudbaddaas ayaa dhanka Khaatumo looga fasirtay in Somalland ay duullaan kusoo tahay Khatumo.
Hoggaamiyaha Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-cali “Firdhiye” oo maantay booqday furimaha hore ee ciidamadiisa ayaa khudbad u jeediyay “Annagu duullaan ma nihin haddiisee nalagu soo duulo waa aynu iska difaaci doonnaa” ayuu intaasi ku daray Firdhiye.
Maxaabiistii la kala qabsaday oo aan weli la is dhaafsan
Weli waxa jira maxaabiis ay kala qabsadeen laba dhinac oo aan weli la is dhaafsan marka laga reebo laba maxbuus oo dhaawac ahaa oo dhanka Khaatumo wax looga qaban waayey, kuwaas oo lagu wareejiyay hay’adda Laanqeyrat Cas ee ICRC, maxaabiista intii kale waxa ay weli ku jiraan jeelasha labada dhinac halkaas oo ay kaga warqabaan hay’adda Laanqeeyrta Cas ee ICRC.
Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Bulshada Rayidka ah ee Puntland ayaan weeydiinay sanad kadib Colaadii Goojacadde iyo Laascaanood xagee baa loo socdaa, xalkuse muxuu yahay, wuxuuna kaga jawaabay: “ Waxa aan is leeyahay hal sano kadib nabadgelyada, walaaltinimada iyo xasilloonida in ay tahay mid aan laga fursaneynin oo lama huraanna ay tahay oo ay mandiqadaasina ay u baahan tahay deganaansho, iskaashi qof walbana uu masiirkiisa uu madaxbanaanaado” Isgaoo intaasi kudaray “Khaatumo masiir iyo go’aan ay hadda qaateen baa jira oo ay mudan yihiin in lagu ixtiraamo, waan rajeynayaa in Somaliland masuuliyiinteedu ay ku fekaraan oo go’aanka ay qaadanayaan uu noqdo in mandiqadaasi ay hal sano kadib ay noqoto meel amni ah oo noloshii iyo isku socodkii iyo iskaashigii uu dib u bilowdo”.
Mar uu ka jawaabayey erayada colaadda keeni kara ee ay labada dhinac ay warbaahinta isku marinayaan, ma kuu muuqataa in mar kale ay keeni karto in uu dagaal dhaco ayuu kaga jawaabay : “Runtii waxa aan is leeyahay hal sano kadib in xalku uusan ku imaaneynin colaad ama dagaal meeshaasi ka dhaca, marka ma filayo in gobolkaasi ay colaad kale ka dhacdo , mar kastana baaqyada nabadda iyo xaslioonida iyo walaaltinimada ayaa haboon in codkaasi uu noqdo ayaan rabnaa kan nabadda lagusoo dabaalayo” ayuu yiri.
Si kasatba ha ahaatee inkasta oo aanay wax dagaallo ahi ka dhicin aaggaas haddana sanad ka dib weli ma jiraan wax waanwaan ah ama wadahadal ah oo colaadaasi lagu soo afjarayo