28th March 2024  admin  Category :

Maxaa ka khaldanWasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland ?

Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland, ayaa maanata shaacisay inay bishan 15keeda garoonka Mire Awaare ka furmayaan tartanka kooxaha heerka Kowaad ee Puntland.

Kulankan oo ay goob joog ahaayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Xildhibaan ka tirsan puntland, lataliyaha madaxwaynaha arimaha Ciyaaraha, gudoomiye ku xigeenka xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Puntland ayaa loogu quri tuuray sagaalka kooxood oo lagu sheegay inay yihiin heerka Kowaaad ee maamulka Puntland.

Kooxahan la sheegay inay ku wada tartamayaan Garowe ayaa waxa ka maqan dhalinyaraddii ka soo jeeday Sool iyo Sanaag oo haba yaraatee hal koox kaga jirin kooxahan.

Wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradaas ayaa intuba ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag, oo sida muuqata aan dan lahayn Caruur kala sooca ay doonayaan inay bisha 15keeda soo bandhigaan, oo degaano gaar ah tartan u qabtaan

Ugu danbayntii wada jirka Puntland iyada oo la ilaalinayo waa in Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland dib u dhigtaa tartanka degaanada gaarka ah laga soo xulay oo ay ku sheegayaan in Puntland loo qabanayo, waa in marka hore la raadiyaa dhalinyarada Buuhoodle iyo Badhan

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*