20th September 2024  admin  Category :

Ciidamada Puntland oo Burburiyey Saldhigyo ay argagixisadu ku lahaayeen Buuraha Cal madow

Ciidanka PSF waxay shalay (27 June,2019) hawlgal ballaaran ka fuliyeen degaanada Dhagaxdhaabur, Madarshoon iyo Ceel Qaraar ee Buuraha Cal Madow; hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallo joogto ah oo ay muddooyinkan ciidanka PSF ka wadeen aaggaas oo lagaga hortagayey falalka argagixiso ee kooxda Al Shabaab oo damacoodu yahay waxyeelaynta shacabka reer Puntland.

Intii hawlgalkani socday ciidanka PSF waxay ku guulaysteen in ka saaraan waddada isku xirta Galgala iyo Madarshoon miinooyin ay ku aaseen halkaas cadowga Al Shabaab.

Sidoo kale, ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow.

Image may contain: outdoor
Image may contain: shoes and outdoor
Image may contain: shoes, outdoor, nature and water

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*