17th October 2024  admin  Category :

Safaaradda Shiinaha oo lacag ugu deeqday hay’adda maaraynta Musiibooyinka.

Safaaradda Shiinaha oo lacag ugu deeqday hay’adda maaraynta Musiibooyinka.Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya dalkeena Fea Shengchao .Kulanka guddoomiyaha iyo safiirka Shiinaha waxaa goobjoog ka ahaa xubno katirsan madaxda hay’adda SODMA,

Safiirka ayaa guddoomiyaha ku wareejiyey lacag ka badan 150,000 oo dollar oo ay ugu talagaleen in lagu daabulo gargaar mucaawino ah oo hore ugu soo wareejiyeen hay’adda SoDMA kuwaas oo loogu talagalay in la gaarsiiyo deeganada khawaarjta laga xoreeyey,kuwa laga xoreyn doono iyo dadka ay saameeyen Abaaraha.

Kulanka sidoo kale waxaa looga hadlay in dowladda Shiinaha hay’adda ay ka caawiso Mashaaricda Horumarinta,Qalabeenta iyo dhisida ceelasha biyaha, tababarada shaqaalaha hay’adda, iyo sii xoojinta Xiriirka hay’adda iyo safaarada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*