30th April 2025  admin  Category :

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ka digtay halis amni oo ku soo wajahan caasimadda Soomaaliya gaar ahaanna in la beegsanayo goobo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ah goob lagu tilmaamo in ay tahay halka ugu ammaanka badan Muqdisho isla markaana dheegga ku haysa Xerada ay dalalka Shisheeye deggan yihiin ee Xalane.

Safaaraddu waxay joojisay dhammaanba dhaqdhaqaaqa shaqaaleheeda ilaa amar dambe iyada oo sidoo kale dadkeeda uga digtay in ay u Safraan Soomaaliya.

Kooxaha argagaxisada ee ka dagaallama Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay sii xoojiyey weerarada ay ku beegsanayaan saldhigayada ciiddamada dawladda iyada oo Maalintii Sabtida ay kooxdani weerar ku eekaysay magaalada Balcad oo caasimadda u jirto masaafo aan ka badnayn 35KM.

Dawladda Soomaaliya ayaa iyana xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha xagjir ah iyadoo kaashanaysa shacab iskood isu-abaabulay oo ciidanka dawladda ka barbar dagaallamaya.

https://t.co/WadJs91LEG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*