16th September 2024  admin  Category :

Muqdisho oo laga xusayo Micheal Mariano iyo koox diidanayd Xornimada ka hor in umadda Soomaaliyeed ee waqooyiga degtaa ay xornimo ka qaataan gumaysigii Ingiriiska.

Qoraal maanta ka soo baxay Guddi uu dhowaan magaabay Rai’sil wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo lagu magcaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya, Guddigan oo horay looga reebay beelaha Harti, madaxna looga dhigay SNM ayaa qoraalkoodii ugu horeeyey ku soo bandhigay kooxdii xornimo diidka ahaa oo hadda la leeyahay xornimay keeneen

Qoraalkan ayaan lagu xusin Daraawiishtii, Sayidkii, Soomaalidii lagu xasuuqay Diyaaradaha markiii ugu horaysay Afrika iyo Isimaddii Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa loogu xiray halganka gobanimodoonka.

Magacyada hoos ku qoran oo Maareeye oo guddiga ka shaqaynaysa qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya ka madax ah ayaa soo bandigay Koox Isaaq ah oo qaarkood Gumaysigii ka xumaayeen

Waa kan qoraalkii taariikhda gacan ku rimiska ahayd ee laga soo bilaabay 1960. Xornimada xisbiyo siyaasadeed kuma iman ee dhiig ayaa loo daadiyey

Maadaama ay foodda nagu soo hayaan Todobaadka Xorriyadda Soomaalida ayaa waxaan maanta ku soo qaadaneynaa halgankii Xoriyodoon ee Gobolada Waqooyi ee DalkaSoomaalida, Soomaalidu ma ahan Dad la gumeysan karo, waana kuwa Jecel Dhaqdhaqaqyada Xoriyad Doonka ee Dalka ka jiray ayaa hadana Sannadkii 1960-kii waxaa xoogeystay Dhaqdhaaqyada lagu doonayay Dhaqdhaaqyada Xoriyad doonka ee Guud ahaan ka soconayay dhulka Somaalidu degto, dhaqdhaaqasi waxaa uu mid si aad ah uga socday Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee Dalkeena.

Dhammaadkii dagaalkii labaad baraarug weyn ayay dadyowgii la gumaysanayay, gaar ahaan
kuwii Afrikaanku, la hanqal-tooseen. Yaboohintii xornimada ayaa na cirka isku shareertay oo loo
qalab iyo qaylo-dhaan dirtay.

Aasaaskii iyo hanaqaadkii axsaabtii siyaasiga ahayd ee xornimodoonka Dhammaadkii dagaalka waxa lagu dhawaaqay SNL oo hore na u ahayd SNC (1935). SNL waa Xisbigii ugu horreeyey ee siyaasi ah ee la yagleelo marka laga reebo ururradii Somali Islamic Association oo xiriir toos ah inta badan iyo mid dadban lahaa halgankii siyaasiga ahaa ee Xaaji Faarax Oomaar Ileeye oo lahaa yagleelka labada hore.
SNL waxana hormuudkeeda ka mid ahaa:


1. Sheikh Cumar Askar
2. Maxamed X. Ibraahim Cigaal
3. Yuusuf Ismaaciil Samatar (Gaandi)
4. Axmed Kayse Cabdalle
5. Yuusuf X. Aadan Qabille
6. Xaaji Xasan Geelle
7. Yuusuf Iimaan
8. Cabdiraxmaan Cali (Dubbe Cali Yare)
9. Maxamed Cali Faarax
10.Sheekh Cali Ismaaciil
11. Naasir Naxar
12. X. Ibraahim Cismaan Food (Basbaas).

NUF, oo hore u ahaa isir loo xilsaaray soo dhicinta Hawd iyo Researve Area, Ingiriiska na
arrintaas culays ku saarayey, ayaa isna wax yar ka hor gobannimada xisbi u dhalan doorsoomay,
waxana horseedkiisa ka mid ahaa:
1. Micheal Mariano
2. Axmed Xasan.

https://allsanaag.com/beesha-harti-maxaa-looga-reebay/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*