7th September 2024  admin  Category :

Saaxiibbadii Erdogan ee hadda ka raacay mucaaradkiisa

Shacabka Turkiga ayaa Axada codkooda ka dhiiban doona doorasho lagu tilmaamay tan dunida ugu muhiimsan sanadkan 2023.

Rajab Tayib Erdoğan oo Turkiga xukumayay labaatankii sano ee la soo dhaafay ayaa doonaya in xilka mar kale loo doorto shan sano oo cusub.

Waxaa la saadaalinayaa in loolanka ugu adag uu dhexmari doono Erdoğan iyo Kemal Kilicdaroglu oo ah musharaxa ugu awoodda badan mucaaradka ee isbahaysiga qaran.

Sidoo kale, afar iyo labaatan xisbi iyo 151 musharraxiin madax bannaan ah ayaa u tartamaya ka mid noqoshada baarlamaanka Turkiga oo ka kooban 600 oo kursi.

Hadaba hogaamiyayaasha xisbiyada isu bahaystay Erdoğan waxaa kamid ah laba nin oo saaxiibbo ay ahaayeen, wax badana ay ka soo wada qabteen Turkiga. Waxa ay kala yihiin Ahmet Davutoğlu iyo Ali Babacan.

Ahmet Davutoğlu

Waxa uu ahaa ra’iisal wasaarihii Turkiga mudadii u dhaxeysay 2014 iyo 2016. Waxa uu mudadaas sidoo kale ahaa hogaamiyaha xisbiga talada haya ee AKP. Sanadihii 2009 ilaa 2014 waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Turkiga.

Kadib markii uu ka baxay xisbiga talada haya 2019 ayaa waxa uu isla sanadkaas samaystay xisbi cusub oo lagu magacaabo Future Party.

Waxa u uku eedeeyay maamulka Erdoğan in uu dhibaato badan gaarsiiyay dhaqaalaha Turkiga, isla markaana loo baahan yahay in dib loo soo celiyo awoodda dhaqaale ee waddankaas.

“Sanadkii tegay, dalkan waxa uu lumiyay hal milyan oo lo’ ah iyo 1.3 milyan oo ari ah. Waa sababta uu cirka u galay qiimaha hilibka aad cuntaan,” ayuu u sheegay taageerayaasha mucaaradka oo uu la hadlayay Axadii la soo dhaafay.

Madaxweyne Erdogan iyo Ahmet Davutoğlu

Dadka dhaliilsan ayaa u arka nin muddo dheer ku soo shaqeeyay fekerka Erdoğan, isla markaana aan laga fili karin isbedal buuxo.

Hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa tilmaamay in loo baahan yahay cududa siyaasiyiinta ka soo carooday xisbiga talada haya ee AKP, si looga guulaysto hogaamiyaha awoodda badan.

Ali Babacan

Waa dhaqaale-yahan muddo 13 sano ah Turkiga ka hayay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin wasiirka dhaqaalaha, wasiirka arrimaha dibedda, ra’iisal wasaare kuxigeen iyo madaxa wadaxaajoodka Midowga Yurub.

Waxaa lagu ammaanay inuu gacan weyn ka geystay horumarka dhaqaale ee xisbiga AKP uu gaarsiiyay Turkiga, isagoo saaxiib dhaw la ahaa Madaxweyne Erdoğan.

Ali Babacan

Sanadkii 2019 ayaa iska casilay AKP, waxaana uu samaystay xisbi lagu magacaabo DEVA oo haatan ka tirsan isbahaysiga mucaaradka ah.

“Dimuqraadiyadda ayaa guulaysan doonta. Waxaa rejo weyn naga qaba dimuqraadiyiinta caalamka oo dhan. Waxaan Madaxweyne u dooran doonnaa Kemal Kılıçdaroğlu,” ayuu u sheegay taageerayaashiisa mucaaradka.

Habka doorashada Turkiga

Turkiga ayaa sanadkii 2018 ka wareegay hannaanka baarlamaaniga, waxaana uu qaatay nidaamka madaxtooyada. Codbixiyayaasha ayaa si toos ah u dooran doona Madaxweynaha, waxaana meesha laga saaray xilka ra’iisal wasaaranimada.

Musharraxii helaa kala bar codadka la dhiibtay ayaa noqonaya Madaxweynaha Turkiga. Haddii la waayo musharrax hela codadkaas, labada musharrax ee ugu codadka badan ayaa 14 cisho ka dib ku tartamaya doorasho kala bax ah.

Sidoo kale codbixiyayaasha ayaa dooranaya xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 600 oo kursi.

Arrimaha ugu waaweyn doorashadan

Dhaqaalo xumida haysata Turkiga ayaa kamid ah arrimaha ugu waaweyn ee hareeyay doorashada dhacaysa 14-ka May.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya ee AKP in uu Turkiga u horseeday sicir barar sanadkii tegay gaaray 85.5%.

Taageerayaasha Erdoğan ayaa ku doodaya in Madaxweynaha uu horumar baaxad leh gaarsiiyay Turkiga, oo xitaa laga arki karo deegaannada ay hilmaameen dowladihii ka horreeyay.

Dhulgariirradii is xigay ee Turkiga ka dhacay horraantii February ayaa sababay dhimashada in ka badan 50 kun oo qof iyo bur baaxad leh.

Qiyaastii 14 milyan oo qof oo u dhiganta 16% tirada shacabka Turkiga ayay saameeyeen dhulgariirradaas, waxaana xukuumadda lagu eedeeyay in aanay u dedaalin sidii laga filayay.

Musharraxa mucaaradka

Kemal Kilicdaroglu oo ah musharaxa isbahaysiga mucaaradka ah ayaa sheegay in haddii uu doorashada ku guulaysto uu Turkiga ka dhigo doono dal “xor ah oo dimuqraadi ah.”

“Da’ yartu waxa ay rabaan dimuqraadiyad. Ma doonayaa in booliska ay subixii guryaha ku soo garaacaan iyagoo loo haysto wax ay Twitter-ka ku qoreen,” ayuu Kilicdaroglu u sheegay BBC.

Waa ninka loolanka ugu adag uu kala kulmayo Madaxweyne Erdoğan, waxaana ra’yi ururintii u dambeysay ay muujinaysaa inuu codad kooban kaga guulaysan karo hogaamiyaha rug-cadaaga ah.

Waxaa loo badinayaa in doorashada la isla aadi doono wareeg labaad oo aanu jiri doonin musharax hela codadka looga baahan yahay.

Madaxweyne Erdoğan ayaa dhaliilay Kilicdaroglu oo uu ku tilmaamay nin aan xitaa “hogaamin karin xeyn ido ah”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*