10th October 2024  admin  Category :

Sheekada macallinkii warqad imtixaan ah uu sameeyay darteed gacanta looga gooyay

Sannadkii 2010-kii, macallin  u dhashay dalka Hindiya ayaa waxaa gacanta ka gooyay kooxaha xagjirka ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu diinta Islaamka ku aflagaadeeyay warqad imtixaan ah.

Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa mamnuucday kooxda Muslimiinta ee muranka badan dhalisay ee Popular Front of India (PFI), kuwaas oo xubnahooda ay fuliyeen weerarka. BBC-da ayaa u safartay Kerala si ay isugu diyaariso dhacdada foosha xun iyo kaddib.

Digniin: Maqaalkani waxa ku jira qoraallo laga yaabo in akhristayaasha qaar ay dhibsadaan.

TJ Joseph wuxuu aad u xusuustaa weerarkii lagu soo qaaday 12 sano ka hor.

Waxa ay ahayd subax Julaay oo roob da’ay. Prof Joseph, ayaa markaas ahaa 52 jir dhiga luuqadda maxaliga Malayalam.

In ka yar meel 100 mitir u jirta gurigiisa ayaa gaari yar oo Suzuki ah waxaa lagu gooyay gaarigiisa.

Waxa furmay albaabkii gaariga yar, waxaana ka soo baxday lix nin. Mid ka mid ah ayaa ku soo orday gaarigii Prof Yuusuf. Wuxuu sitay masaar.

Markii uu ninkii u soo dhawaaday albaabka dhanka darawalka oo uu damcay in uu furto, ayaa nin kale oo toorey wata gadaal kaga yimid. Saddex kale ayaa soo gaaray dhanka rakaabka gaariga oo ay fadhiday walaashii.

Ninkii watay masaarta ayaa albaabka gaariga ka furay gudaha waxa uuna bannaanka u soo saaray macallinka oo uu dhulka ku tuuray.

Ha I dilin… fadlan há i dilin,” ayuu ku calaacalay macallinka.

Macallin Joseph

“Ninkii faaska sitay ayaa waxa uu bilaabay in gacanta barafasoorka uu u jaro sida isaga oo qoryo jajabinaya.”

calaacasha gacantiisa bidix ayaa mar hore ka go’ay oo la tuuray. Gacanta midig ayaa si dirqi ah uga laadlaadday jirka intiisa kale.

Prof Yuusuf wiilkiisa iyo xaaskiisa ayaa ka soo orday gurigoodii ka dib markii ay maqleen qaylada iyo dhawaqa naxdinta leh ee muraayadaha gaariga burburay. Wiilkii ayaa goobta ku soo orday oo baangad ku dhuftay ninkii aabihii weeraray.

Raggan ayaa qarxiyay bambaanooyin, waxaana ay dhibanihii oo dhiig ka daadanaya uga tageen goobtii, waxayna ku carareen gaarigii ay wateen.

“Uma maleenaynin, in wax walba ay dhacayay ay dhab ahaayeen,” ayuu Prof Joseph.

Falkaan ayaa loo xiray dad ka badan 30 qof

Dadka deriska ayaa soo qaaday Prof Joseph oo u kaxeeyay isbitaalka. Gacantiisa oo go’an ayaa laga helay meeshii uu jiifay, bac ayuu ku riday oo si gaar ah loola cararay isbitaalka. 

Xaaladiisa caafimaad ayaa aad u liidatay, waxaana uu isbitaalka ku jiray 35 maalmood si loo dabiibo dhaawaciisa.

“Dambigeygu wuxuu ahaa in aan imtixaan arday aan ka qaadayay oo ay ku jirtay su’aal ay dadka qaar u maleeyeen in ay aflagaadeyso diinta Islaamka,” ayuu Prof Joseph ii sheegay.

Ku dhowaad afar bilood ka hor weerarka, Prof Joseph waxa lagu toosiyay taleefoon 26-kii Maarso.

Wicitaanka waxa uu ahaa ahaa maamulaha kulliyadda Newman, oo ay maamusho kaniisadda Roman Catholic ee maxalliga ah.

Mar uu Prof Joseph ka sheekeynayay sheekada, maamulaha ayaa u sheegay in garoonkii kuliyada ay buux dhaafiyeen ciidamo boolis ah, ayna wanaagsan tahay in uu ka fogaado.

“Sabab?, ma aanan samayn wax khalad ah,” Prof Joseph ayaa waydiiyay.

Maamulaha ayaa u sheegay in “hadalku uu ahaa nebiga oo la caayay “.

Su’aasha gefka ah waxay ahayd layli uu Prof Yuusuf ka soo amaahday sheeko male-awaal ah oo dhexmartay “Ilaah iyo nin waalan” oo laga soo qaatay buug ku saabsan riwaayadaha shaashadda ee uu qoray filim sameeyaha PT Kunju Muhammed.

Waa maalintii uu ka baxayay Isbitaalka

Wuxuu u qoraalka ka bixiyay “ninka waalan” oo waxa uuna ku baddalay Muxamed.

“Muxamed waa magac guud oo Muslimiinta la baxdo, maskaxdayda kuma soo dhicin in qofna uu khalad u fahmo oo u fasirto Nebi Muxamed NNKH,” ayuu yiri Prof Yuusuf.

32 arday oo ay ku jiraan afar muslimiin ah ayaa imtixaanka u fadhiistay. Midkoodna ma uusan diidin; marka laga reebo gabar aradayad ahayd oo xoogahaa walaac ka muuujisay”.

Iyada oo xiisaddu kor u sii kacday, booliisku waxay joojinayeen dibad-baxayaasha agagaarka albaabada kulliyadda. Kooxo ayaa ku qasbayay in la xiro dukaamada magaalada. Kulliyada ayaa si degdeg ah ugu dhawaaqday in macalinka shaqada laga joojiyay.

Waxaan dareemay sida qof marada ka dhacday,” ayuu yiri Prof Joseph.

Prof Yuusuf  iyo qaar ka mid ah ehelladiisa

Prof Yuusuf waxa uu ka codsaday xaaskiisa Saloomi in ay soo xirato nooc kale ah, waxaanu bas ka raacay magaalada.

Dhawrkii maalmood ee xigay, waxa uu u socdaalay magaalo kale, isaga oo ku noolaa hoteelo raqiis ah, TV-yadana ka daawanayey riwaayaddii soo shaac baxday ee imtixaankiisa la xiriiray.

Booliska ayaa sameeyay afar kooxood si ay u soo qabtaan, waxayna xitaa xabsiga u taxaabeen wiilkiisa oo 22 jir ah si ay u soo saaraan macluumaadka ku saabsan halka uu aabihiis ku sugan yahay.

Lix maalmood ka dib, Prof Yuusuf wuxuu isku dhiibay booliska.

Waxaa lagu dhex tuuray qolka xabsiga isaga iyo 15 kale, oo ay ku jiraan rag lagu eedeeyay dilal iyo iibinta khamriga sharci darrada ah.

Booliska ayaa gurigiisa ku booqday, waxayna ka qaateen baasaboorka, dukumentiga bangiga iyo warqado kale oo rasmi ah. Tan ugu muhiimsan, waxay isaga ku eedeeyeen “inuu Ilaah caayay”.

Kulliyadda Prof Joseph ayaa soo saartay raaligelin dadweyne.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*