8th October 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Xarunta la Qabsiga Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka ee IGAD, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya, Magatte Guisse iyo La Taliyaha gaarka ee UNHCR ee Isbeddelka Cimillada. Andrew Harper.

Waxay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka isbeddelka cimiladu ku heyso gobolka iyo qaabkii wax looga hortagi lahaa iyada oo diiradda la saarayo in xal waara laga gaaro abaaraha soo noqnoqda, taasi oo ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo urur gobolleedka IGAD.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen qaabka looga bixi karo ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadanimo, isla markaana loo sameyn lahaa mashaariic lagu horumarinayo nolosha shacabka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimillada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*