16th September 2024  admin  Category :

Rooble oo xarunta Nabadsugida ugu tagay Taliyaha NISA Fahad Yaasin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu kulan kula qaatay Xarunta Nabadsugida ee magaalada Muqdisho Taliyaha ciidamada nabad sugidda NISA Fahad Yaasiin.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqashadiisa waxa ay ahayd markii labaad oo uu ka soo baxo Madaxtooyada, tan iyo markii uu Xafiiska la wareegay.

Ammaanka wadada isku xirta taalada daljirka dahsoon illaa xarunta nabad sugidda ayaa la xirey iyadoo loo diiday gaadiidka dadweynaha inay maraan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo quseeya xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhismaha Golaha Wasiirada iyo arrimo kale oo la rumeysan in Fahad door weyn ku leeyahay.

Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo inta badan dhaq dhaqaaqiisa kooban yahay, isla markaana aan ka soo muuqan kulamada amniga Qaranka ayaa Mas’uuliyiinta dowladda iyo Madaxda qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada ay ugu tagaan Xarunta Nabad Sugidda oo ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulankan hase yeeshee waxaa loo arkaa inuu yahay mid soo dedejin kara magacaabista golaha wasiirada xukuumada federalka oo laga sugayo ra’iisul wasaare Rooble.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*