16th September 2024  admin  Category :

Ra’isulwasarahi Bangladesh Sheekh Xasina oo dalka isaga carartay

Ra’iisul-wasaaraha dalka Bangladesh Sheikh Hasina ayaa Isniinti shalay is casishay kaddibna dalka isaga carartay, kaddib laba todobaad oo ay Bangladesh ka socdeen dibadbaxyo uu dhiig badan ku daatay oo looga soo horjeeday dowladda.

Mudaaharaadyada ayaa kaddib marki ay shacabka gaar ahaan dhalinyarada ka caroodeen, xeer dowladda kasoo baxay oo dhigayay in 30% shaqooyinka ka bannaan dowladda la siiyo, qoysaska iyo ehellada dadki ka qeybgalay dagaalki ay Bangladesh uga xorowday Pakistan ee dhacay sannadki 1971-ki.

Sheekh Xasina ayaa waxyar kaddib marki ay xilka ka dagtay u carartay dalka Hindiya, tallaabadaas oo soo gaba gabeysay xukunkeedii Bangladesh ee 15-ki sano ee lasoo dhaafay.

Inkasta oo aanan wali la ogaan halka ugu danbeysa ee ay ku wajahantahay, haddana wariyaasha VOA-da ayaa ku soo warramaya, in iyada iyo walaasheed kaga baxeen caasimadda Dhaka diyaarad helikobter ah oo uu millatarigu leeyahay, kaddibna ka dageen caasimadda India ee New Delhi.

Kumannaan ka mid ah shacabka ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda, qaarkood ayaa gudaha u galay guriga Sheikh Hasina, kaddibna soo bili-kiqeystay.

Kuwo kale ayaa ayaa koray taallada Sheikh Hasina aabaheed, Sheikh Mujibur Rahman oo ah aas-aasaha qaranka Bangladesh.

Sheekh Xasina 00 76 jir ah, ayaa laba jeer oo kala duwan soo xakuntay Bangladesh 20-ki sano ee lasoo dhaafay. Waxay sidoo kale 30-ki sano ee lasoo dhaafay madax u aheyd urur xiyaasadeed oo ay ka dhaxashay aabaheed, oo lagu dilay afganbigi Bangladesh ka dhacay sannadki 1975-ki kaas oo lagu laayay inta badan xubnihi qoyska ra’isulwasaare Sheikh Mujibur Rahman.

Taliyaha ciidanka millatariga Jeneral Waakirul-Zaman oo shacabka kala hadlay telafishinka, ayaa sheegay in milatariga uu soo dhisi doono dowlad ku meel gaar ah.
Bangladesh oo ah dal ku yaalla koofurta Asiya ayaa waxaa ku nool shacab gaaraya 170 milyan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*