18th October 2024  admin  Category :

RaiisulWasaaraha Soomaaliya oo ka Tacsiyeeyey Geeridii Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo Xalay ku dhintay Garowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa tacsi Qaran u diray qoyska, ehelada, qaraabada iyo shacabiweynaha Soomaaliyeed geeridii ku timid alle u naxariistee Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle.

“Xildhibaan Daahir wuxuu ahaa shaqsi dadaal badan oo howlaha Qarankana si sharciga waafaqsan u guta, waxaana alle baryeynaa inuu jannadiisa geeyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tacsi u diray xubnaha golaha Baarlamaanka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa dhawaan loo doortay Mudane ka tirsan Baarlamaanka F. Soomaaliya, isagoo horeyna uga mid ahaa Baarlamaankii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*