9th October 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Hay’adda UNFPA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay wafdi ay hoggaamineysay Agaasimaha Fulinta ee hey’adda UNFPA, Dr Natalia Kanem oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay madaxda hey’adda taageerada iyo hawsha ay mudada dheer ka wadeen Soomaaliya, gaar taageerada ay siiyaan haweenka iyo gabdhaha.

Dhinaceeda ayaa Agaasimaha, Dr Kanem waxa ay sheegtay inay taageersan tahay aragtida Ra’iisul Wasaaraha ee ah in iyada oo la isticmaalayo waxbarashada iyo dhaqaalaha kor loogu qaado doorka haweenka iyo gabdhuhu ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, taasi oo ah qaabka ugu habboon lagu gaarsiin karo horumar la taaban waara.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahayd Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*