18th October 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Xamse oo adkeeyey hufnaanta Maamulka arrimaha Xajka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta kormeer ku yimid Xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay xarunta Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka ayaa si wadajir ah uga dhageystay guddiga Tartanka adeega Xajka warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka, maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeega adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed iyo jaan-gooynta qiime aan culeys ku noqonayn dadkeenna doonaya in ay soo gutaan waajibaadka Xajka sanadkan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay inay hufnaan ku maamusho, isla markaana korjoogteyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka sanadka 1444/2023.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*