8th September 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dowladda Qatar kala hadlay inay garab ku siiso ciribtirka Khawaariijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulankooda kaga wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ciribtirka Khawaariijta, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar sida ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dhismaha jidadka, xarumo dowladeed iyo taageerada dhismaha ciidamada qalabka sida.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Sheekh Doodishe iyo masuuliyiin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*