24th October 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee uga dambeeyay, ee  amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka.

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in loo saaray guddi isku dhaf ah oo baaritaan ku soo sameeya weerarkii dhawaan lagu qaaday xerada Afisyooni, kuwaas oo warbixin u soo celin doona Ra’iisul Wasaaraha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa tilmaamay in shirka sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga doorashooyinka oo heer gabagabo ah maraya.

Sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa AMISOM Danjire Fransisco Madiera, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin falalkii argagixiso ee u dambeeyay ee Muqdisho iyo Baladweyne ka dhacay, isagoo sheegay in guddiga wadajirka ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay ay isla berriba howl bilaabi doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*