5th June 2025  admin  Category :

Maraykanka oo sheegtay in Raashinkii ay siiyeen ciidanka Danab la bililiqaystay , dawladuna wax ka qaban wayday oo dusha ka daawanayso bililiqada socota

ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya kusugan, Tani waa quus wajahaysa AU, waxaana iyana la xaqiijiyey in taageeradoodii ay kaheli jireen Mareykanka lajoojiyey ciidanka DANAB ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa bixin jiray Saadka, Tababarada, Sahayda iyo Mushahaarka ciidanka Danab, balse markii raashinkoodii ay madaxdu dhaceen lana musuqmaasuqay Sahaydooda ayaa labilaabay in lajaro 2024-kii, Madaxda DFS ayaa lagu eedeeyey in aysan taas waxba ka qaban.

“Mareykanku ma dayacayaan Danab ama dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Taageerada Danab waxaa la bilaabay in si tartiib tartiib ah loo yareeyo sannadkii 2024 kadib markii hoggaamiyaasha Danab ay musuqmaasuqeen raashinka loo qoondeeyey, dowladda Soomaaliya-na ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato arrintaas. lacagta Canshuur bixiyeyaasha Mareykanka looma ogolaan karro in lagu sii maalgelinayo musuqmaasuq. Mas’uuliyadda fashilkaas waxay dusha ka saran tahay DANAB”sidaas waxaa sheegay Guddiga Aqalka Senate Mareykanka u qaabilsan Arrimaha dibada.

Washington Post ayaa shaacisay in MW Trump sannadkan qaadanayo go’aano taabanaya Afrika, joogida ciidanka Mareykanka lagu yareynayo, taas oo saameynta ugu badan kuyeelanaysa Amniga Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*