16th September 2024  admin  Category :

Wasaarada Caafimaadka Dawladda Puntland Saciid Jaamac Qorsheel ayaa hoyga uu ka daganyahay Gaalkacyo ku qaabilay waxgaradka Galmudug, wasiirka oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha ee gaaray Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa waxgaradka ,aqoonyahanka iyo dhalinyarada Galmudug kala hadlay Nabadeynta beelaha Walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay kal hore galbeedka iyo bariga gobolka Mudug.

Wasiirka iyo waxgaradka ayaa kawada hadlay muhiimada ay leedahay Nabadda iyo wada Noolaanshaha Bulshada ku nool gobolka Mudug ayna lagama maarmaan tahay in la xalliyo colaadaha gobolka ku soo laa-laabanaysay mudooyinkii dambe.

Ugu danbeyntii Nabadoonadii ayaa Wasiirka Cimaamaday oo hadiyad gudoonsiiyay, Wasiirka ayaa la wadaagay waxgaradka sida ay oga go’antahay Dawladda Puntland ka shaqaynta Nabadda gobolka Mudug iyadoo dhawaanna dib u furmi doono shirka Nabadaynta Galbeedka iyo Bariga gobolka Mudug.
Shiine Abdi Ahmed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*