25th October 2024  admin  Category :

Hindi Cabsan ayaa ka dhabeeyey maah maahdii Soomaaliyeed ee oranaysay ” Qaniinyo Qaniiyaa ka reebta.

Raj Kumar ayaa isaga oo “khamri ku cabaya gurigiisa” oo ku yaal Uttar Pradesh ,Hindiya ayaa waxa qaniinay Mas, isaguna Maskii qaniinay ayuu Qaniiyo ku dilay oo ilkihiisa ku goo gooyey, sida uu sheegay aabihiis

Qoyskii dhalay Raj Kumar ayaa ula cararay Cusbataalkii ugu dhowaa oo hadda lagu daweenayo.

Dhakhtarkii daweenayey oo warbaahinta lahadlaya ayaa sheegay inuu horay loogu keeni jiray qof mas qaniinay,,lakiinse uuna weligiis arag qof mas qaniiyo ku dilay oo bac ku wata.

Sida dhaqanka Hindudu yahay Maskii la dilay waxa aasay qoyska uu ka soojeeday willka qaniinyada ku dilay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*