16th September 2024  admin  Category :

” Muhiimadu maaha in aan Deni amaano, laakiin waxaan ogahay baahida ay Puntland u qabto ciidan loo dhanyahay”

Madaxweynayaashii Puntland soo maray waxay ku guuldaraysteen inay dhisaan ciidan loo dhanyahay oo laga dhaxlo marka laga reebo AHN. Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo dhisay ciidan adag walow uu Muqdisho la aaday.

Amni xumada, Gobolada maqan, cashuurtii oo aan sidii la rabay loo qaadin, colaadaha beelaha iyo mushkilad kasta oo maanta haysta Puntland waxa sabab u ah maqnaanshaha ciidan adag oo la isku halayn karo.

Inkasta oo aanan xiliga cayimayn, waxaan Garoowe joogay iyada oo Madaxweyne cusubi xilka la wareegay oo markii uu waayey gaadiid dagaal oo ku filan sugida amnigiisa ay dantu ku khasabtay inuu Beel laba gaari oo tikniko ah ka gato.

Hadii la i weydiin lahaaa in aan xuso wuxuun Madaxweyne Deni qabtay, kama xishoodeen in aan qiro shaqada fiican ee uu ka qabtay dhismaha ciidanka iyo dadaalada uu ugu jiro sidii loo heli lahaa Xoogag dhab ah.

Waxaan arkay dad badan oo aaminsan ciidanka dhowrka jeer tababarada loogu xiray Qardho inay la hayb yihiin Madaxweynaha, lama yaabin oo waa wax caadi ahaan jiray, balse waxaan ogahay dufcad kasta oo Xorgoble lagu xereeyo in laga soo qaado Gobolada oo dhan.

Muhiimadu maaha in aan Deni amaano, laakiin waxaan ogahay baahida ay Puntland u qabto ciidan loo dhanyahay, isku dhafan oo la kala dhaxlo.

Sababta ay Puntland u soo ceshan weyday deegaanada ka maqan maaha in aan shacabku rabin ee waa in loo waayey ciidan loogu babac dhigo kan xooga ku haysta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*