
19th April 2025 admin Category :
Puntland oo sheegtay in guushii ugu waynayd ay ka gaartay dagaalka Daacish
Ciidamada Puntland oo shalay gelinkii dambe howlgal ballaaran ka sameeyay Dooxada Miiraale, ayaa sheegay inay guulo ka soo hoyeen.
War kooban oo kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalyahannada Daacish ee ku sugnaa deegaanka lagu dilay iska horimaad, kaasi oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee dhexmara ciidamada Puntland iyo Daacish tan iyo bishii February.
“Allaahu Akbar, Ciidanka Dowladda Puntland oo maanta hawlgal ka sameeyay aagga Ceelka Togga Miiraale, ayaa laayey argagixiso ku dhuumalaysanaysay Miiraale, iyagoo ka saaray godadkii. Dhammeystirka wejiga 3-aad ee hawlgalka” ayaa lagu yiri warkan oo lagu daabacay bogga wasaaradda amniga Puntland.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo dhankiisa BBC la hadlay ayaa sheegay in muddo ah ay sahminayee toggan Miraale islamarkaana ay imika qeybo ka mid ah qabsadeen.
“Muddo ciidamadu waxay sahminayeen waddooyinka soo gala aagga togga Miiraale muddo badan ayay soo qodox-qaadeen marka shalay dagaal baa ka dhacay oo waxay gaareen godadkii ay gabaadka ka dhiganayeen ciidanka wya kula dagaalameen wayna ka saareen,” ayuu yiri wasiir Ceydiid.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in xalay saqdii dhexe ay Daacish weerar ku soo qaadeen ciidamada Puntland.
“Waxay isku dayeen inay ciidanka soo weeraraan oo ay isku qarxiyaan xalay saq-dhexe, dhamaantood waa la laayay intii soo weerartay,” ayuu intaa ku daray.
Wasiirka warfaafinta Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa xusay in wali ay jiraan meelo ay togga Miiraale kaga harsan yihiin Daacish islamarkaana uu holwgalku wali socdo.
“Toggaas badankiisa meelo badan oo ay saldhigyo ku leeyihiin in badan waa laga soo saaray, ceelasha badankood waa laga so saaray tiro aan badnayn ayaa gacantooda ku haray,” ayuu yiri Mr Ceydiid.
Muhiimad intee dhan ayuu leeyahay Togga Miiraale?

Toogga Miiraale ayaa dadka aqoonta u leh waxay sheegeen in uu yahay mid muhiim ah marka la eego si guud buuraleyda Calmiska.
Toggan waxaa ku yaalla ceelal badan oo biyaha laga cabo iyo buuro dhaadheer oo gabbaad iyo dhufeysyo laga dhigan karo.
Wasiirka warfaafinta Maxamuud Ceydiid Dirir oo aanu wax ka waydiinnay muhiimadda uu toggan leeyahay aya sheegay in ay u arkaan goob istaraatijiyad gaar ah leh.
“Muhiimadda uu dagaalku u leeyahay waa tog dheer oo masaafo aad u dheer ku yaalla buuro dhinac walba kaga harareysan yihiin biyo leh” ayuu yiri Mr Ceydiid.
Waxaa uu intaa ku daray intoggan uu leeyahay dhufeyso iyo qarar waawayn oo ay adagtahay in la galo.
“Waxaa kale oo uu leeyahay qarar wawayn oo dhufeysyo ah oo godad ah, waa meesha ay ku uruureen oo tababarada iyo ay ku qabsan jireen oo ay ku tababaran jireen buu ahaaoo saldhigyada ugu muhiimsan buu ahaa ee ay daggan yihiin” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.
Buurayllada fog ee gobolka ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya ee Puntland, waxa muddo bilooyin ah ka socday dagaal u dhaxeeya ciidammada maamul-goboleedkaas iyo dagaalyahannada ururka Daacish.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland iyo warar ay baahisay dawladda Maraykanku, in badan oo ka mid ah dagaalyahannada ayaa la dilay tan iyo markii uu bilowday hawlgalka loogu magac daray ‘Hillaac’.
Dadka dhintay waxa sida la sheegay ku jira dagaallamayaal shisheeye ah. Sidoo kale hoggaamiyeyaal ayaa la sheegay hawlgallada ay ku dhinteen intii ay socdeen.