16th September 2024  admin  Category :

Puntland oo qabatay Xubno loo malaynayo inay Daacish/Al-Shabaab yihiin iyo hub aan hore loo aqoon

Maamul goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen xubno ay ku tilmaameen inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ama Daacish, iyo hub Soomaaliya ku cusub oo la sheegay inay wadeen.

Xubnaha la sheegay ayaa ah ilaa todoba xubnood oo ciidamada amaanku sheegeen inay gacanta ku hayaan.

“Dadkan laga shakisan yahay ayaa la soo qabtay, ka dib markii la helay xog ciidan oo ah inay hub sidaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxda ciidamada amaanka ee Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Xubnaha ayaa la sheegay in qaarkood lagu qabtay dayaaradaha bilaa duuliyaha ah, gaar ahaan nooca is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze.

Xayeysiin

Dayaaradahaas bilaa duuliyaha ah oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay ka soo galeen dhanka magaalada Boosaaso, waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday magaalada Gaalkacayo

Sarkaalkaas ka tirsan madaxda ciidanka Puntland wuxuu intaa ku daray in dayaaradaha iyo dhowr qof oo siday lagu qabtay inta u dhaxaysa Garowe iyo Gaalkacyo.

“Markii aan dabagal ku samaynay ka dib waxaan gacanta ku soo dhignay tiro kale oo ah dad looga shakisan yahay inay fal dambiyeedka ku lug lahaayeen” ayuu yiri sarkaalka.

Dayaaradaha bilaa duuliyaha ah oo tiradooda lagu sheegay 5 dayaaradood waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka amniga ee Puntland, waxayna sheegeen in sidoo kale ay gacanta ku hayaan 7da qof ee la tuhunsan yahay, kuwaasoo baaritaan lagu wado.

Sarkaalka ka tirsan madaxda ciidanka Puntland faahfaahin kama uusan bixin baaritaanka.

Haddaba maxaan ka naqaan daroonka is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze.

Kamikaze Drone

Dayaaradaha noocan ah waa kuwo ku cusub goobaha dagaallada, waxaana hadda aad u isticmaala Ruushka iyo Ukraine, iyo Xuutiyiinta Yemen, inkastoo ay jiraan dalal iyo kooxo haysta, waxaana dalalka haysta ama samaysta ka mid ah Israa’iil, Maraykanka, Kuuriyada koofureed, Turkiga, shiinaha iyo Iiraan.

Waa dayaarado xajmi ahaan yar, xawaarahoodu gaabiyo, joogga ay ku duulaanna uu yahay mid aan la arki karin, masaafo ahaanna duuli kara maylal badan, waxayna sidaan qaraxyo. Waxay awood u leeyihiin inay ka dhuuntaan Radarka.

Waxay dul heehaabaan bartilmaameedka, marka la cayimo bartilmaameedkana way ku dhacaan, ayadoo qaraxyadana ay burburiyaan bartilmaameedka. Waxaa kale oo loo yaqaan “Daroonta is burburisa”.

Waxaa inta badan loo isticmaalaa in ay ka talaabaan safka hore ee dagaalka oo ay cadawga gadaal ka maraan, ayna halkaa ka faltamaan, sidoo kale waxaa loo adeegsadaa in lagu weeraro gaadiidka iyo barta taliska ciidanka.

Tusaale ahaan Ruushka wuxuu adeegsadaa daroonta Iran ay samayso ee Shahed-136, taasoo baalasheedu gaaraan 2.5 mitir. Noocan waxaa qaban kara Radarka.

Dagaalka Ukraine ka hor ayey Iran siisay Ruushka tiro aan badnayn. Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa ku eedeeyey Iiraan inay si joogto ah u siiso dayaaradahaas Ruushka.

Markii ugu horreysay ee Ruushku uu isticmaalo Shahed-136 wuxuu u isticmaalay inuu ku weeraro bartilmaameedyo militari oo ku yaalla gobolka Kharkiv ee dhinaca bari bishii Siteembat 2022.

Maraykanka ayaa isna Ukraine siiyey daroonnada loo yaqaanno Switchblade Kamikaze Drone, laakinse wax badan lagama oga sida baahsan ee loo isticmaalay.

Inkastoo qiimahoodu uu kala duwan yahay, haddana waxay wax badan ka raqiisan yihiin daroonnada gantaallada qaada. Tusaale ahaan Switchblade waxay u dhaxaysaa $60,000 – $80,000, halka Shahed-136 lagu qiyaaso $48,000.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*