16th September 2024  admin  Category :

Ciidamo laga qaaday Tukaraq oo la geeyey Gaalkacayo si ay ula dagaalamaan Wiilasha Kufsiga iyo dilka ka wada degaanadaas oo ciidan tiro badan halkay ay horay u joogeen

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi la geeyay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo laga keenay dhinaca gobolka Sool.

Cutubyo ka tirsan guutada lagu magacaabo “Caana-ka’dhan” ee ciidamada Daraawiishta Puntland oo ka soo baxay degaanka Bixin ee gobolka Sool ayaa saaka gaadhay xaafado kamid ah waqooyiga Gaalkacyo sida ay sheegeen suxufiyiin ku sugan magaalada.

Dowladda Puntland ayaa la sheegay in ay ciidanka ku amartay in ay hawlgallo culus ka bilaaban Gaalkacyo si loo soo celiyo amniga oo todobaadyadii u dambeeyay sii xumaanayey.

Sarkaal ka tirsan ciidanka halkaa la geeyay ayaa warbaahinta  u xaqiijiyay in qorshuhu yahay soo celinta iyo sugidda amniga oo uu sheegay in haatan aan booliis wax ka qaban karin.

Ciidamada Gaalkacyo la geeyay ayaa ka soo dagaallamay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo horraantii 2018 dagaallo qaraar ku dhex mareen ciidamada Puntland iyo SNM

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*