7th September 2024  admin  Category :

Puntland oo Biyo xireen kale ka hirgelinaysa gobolka Haylaand

Hay’adda  American Refugee Committee (ARC) iyo Wasaarada Degaanka iyo duurjoogta Puntland,  ayaa Magalada Bali-busle ka dhagax dhigay biyo Xireen Qaadaya 45,000 Afartan iyo Shankun oo Birmiil,  kaas oo laga bilaabay Maanta gelinkii dame duleedka Magaalada Balibusle Ee Gobolka Haylaand .

Dhagaxdhigii Mashruucan Ee Maanta Waxaa ka soo qaybgalay Xubno ka Socda Maamulka Wasaarada,   Isuduwaha Wasaarada Degaanka iyo duur joogta,Badhasaabka Gobolka Hayland,  kan Degaanka Balibusle Ee Gobolka Hayland iyo Masuuliyiinta Hay,adda ARC.

Biyo Xireenka ayaa kufadhiya dooxa Wayn oo balaceedu aad u balaadhanyahay taas oo fursad siinaysa Xiliyada roobka In looga faaideysto biyaha roobka oo Xiliyo badan lugu baahi beelidoono.

Ugu horeyn Waxaa goobtan ka hadlay, Isla markaana ka hadlay ahmiyada iyo fa’iidiyinka Haradan Casriga ah u leedahay bulshada Mandaqada C/weli Aadan oo ahaa Masuulka ka socdey Hay’ adda   American Refugee Committee (ARC)  ,Wuxuu sheegay In mashruucani oo yahay mid uga baahan bulshada Degaanka In la ilaashado oo aan la dayacin marka la dhamaystiro.

Haradan Waa mid Casriya oo ah Plastic dhulka loo goglayo deedna lugu kaydinayo biyaha oo aad u kaafin doona Malayiin Qoys.

Sawirka Maxamed Axmed.

Sawirka Maxamed Axmed.

Xubno ka mida Qandaraas layaasha Mashruuca oo ah Shirka Sanaag Contracture Campny oo fulineysa howshan ayaa sheegay iyo Odayaasha Degaanka iyo bulshadaba kawada shaqayn donaan arrintan.

Gudoomiyaha Gobolka Hayland Mundane Maxamed Cawil C/laahi ayaa uga Mahadceliyey Wasaarada Degaanka ,Masuuliyiinta Hay,adda iyo dhamaan bulshada Degaanka siday uga wadda shaqaynayaan horumarka Biyo xireenkan oo Ahmiyad Weyn ugu fadhiya bulshada Gobolka gaar ahaan goobtan iyo Nawaaxigeeda oo ay ka ag dhow-dhowyihiin Xoola dhaqatada miyimiyigu.

Maxamed Axmed Ciise,  Balisbusle, Soomaaliya

Sawirka Maxamed Axmed.

Sawirka Maxamed Axmed.

Sawirka Maxamed Axmed.

Sawirka Maxamed Axmed.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*