11th October 2024 admin Category :
Su’aasha ay is weeydiinayaan shacabka reer Sanaag ayaa ah, Puntland daacad maka tahay dagaalka ay soo qaadeen beesha Isaaq?
Waxaan la soconaa xaaladii ay soo martay gobolka Sool, sida loo soo socdayna in la soo fadhiistay magaalada Tukaraq.
Hadaba, maanta filimkii mid la mid ah ayaa ka soo socda goblka Sanaag, dadka gobolkana waxeey diyaar u yihiin in ay iska celliyaan duullaanka ay soo qaadeen beesha Isaaq.
Haddii maamul Hargeeysa uu isagu u soo diyaar garoobay dagaal, maxaa maamulkii la midka ahaa ee Puntland la gudboon in ay sammeeyaan. Ma in ay daawadaan inta la imanayo laamiga Ceel-daahir iyo Qardho?
Dad badan ayaa is weeydiiya maalin kasta sababta keentay in Caare oo berri reerkiisa ku noqon doona loo siiynayo hub iyo saanad, iyadoo dadkii kalle ee dalka wax ku lahaa aan la rabbin in loo hagar baxo.
Maanta waxeey noqon doontaa arrinta ka socota gobolka Sanaag mid tijaabadii ugu danbeeysay ku ah maamulka Puntland iyo jiritaankiisa. Soomaalidana waxeey tiraahdaa, “Ninkii walaalkiis loo xiirayoow, adna soo qooyso.”
Waxaana iman doonta maalin ay noqoto furinta dagaalka laamiga dheer, iyadoo welliba la adeegsanayo dadka caado qaatayaasha ah. Hadaba, miyeeysan habbooneen in maamulka Puntland ay maanta xaaladda wax ka qabtaan inta aysan iman xaalkii Sayidka oo kalle ee ahaa, “Xagee Daarood ka raadshaa.”
Waxaa dhici karta in dadka qaarkiis ay iska dhaadhiciyeen maanta idinka waa idinkugu jirtaa oo waxaad heeysataan wax walba, haddii la soo qabsado gobolada Sool iyo Sanaag idinku barwaaqada aad ku jirtaan ayaad ku jireeysaan kana bixi meeysaan, laakiin dadka saa u fakiraya waa in ay oggaadaan in dalka Soomaaliya uusan welli ka dhamaan dagaalkii qabiilka, balse qayilaad la isugu maqan yahay.
Allsanaag.com