24th November 2024  admin  Category :

PUNLAND HOGAAMIYIHII CADAALADA IYO HORMARKA KU SOO DABAALI LAHAA OO U ISTAAGAY DOORASHADA 2019

Sida aynu kabaranay taariikhda waayaha aduunku soomaray,waxaynu dhaxalay in bulshooyinka aduunka ku kala dhaqan qaaradahiisa  iyo dalalka kala duwani uu mid waliba lee yahay taariikh dhaqan,mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedaba. Hadii dhanka kale laga eegana aadamuhu in badan waa isaga mid marka loo eego in yaroo ay kukala duwan yihiin.Waxaana tusaale u ah bulsho ama dawlad kastaa way u baahan tahay cadaalad,sinaan iyo hormar,markay arin halkaa marayso oo dhabtu sidaa tahay macno ma samaynayso luuqad iyo midab ay kukala duwan yihiin marka laga hadlayo baahidaa kor ku xusan.

Sidaa daraadeed inagoo ka duulayna dhaqankeena soomaaliyeed macno inoo samayn mayso tuulo ku mashquul san tuulo kale,degmooyin isku mash quulsan,gobolo isku mashquulsan iyo beelo wada ehel ah oo isku mashquulsan.Dadkeena iyo dalkeenu dunida ayuu kamid yahay,waxaana larabaa in loo jeexo wado dunida aan ku cusbayn laakiin inaga soomaalida ah inagu cusub,oo ah in dadka laga raro halka ay kusugan yihiin mudo dheer loona raro in ay helaan laba arimood oo keena waxa dunidu uugu yeerto hormar. waa in lahelaa dalkeena cadaalad iyo sinaan waana laba kala duwan isuna dhaw.

Caadaladu waa in sharcigu sareeyaa qaban karaana qof kasta oo muwaadin ah ama kunool dalka si isku mid ah.Adoo madaxwayne dal ah hadii wiilkaagu dulmiyo wiil kale,ama isagaba la dulmiyo cadaaladu waxaa weeye in sharciga la horkeeno la eego sharcigu waxa uu ka qaba xaladaas oo lagu kala saaraa sharciga,maha kana madaxwaynee dhalay kana waa miskiin ee hala xaqiro.cadaaladu waa dhawrida sharciga iyo ku dhaqankiisa ku fulin dalka sisiman.

Sinaan waa xuquuqda dalka ee wadani nimo oo loo siman yahay,sida shaqda dalka laga bilaabo kan dhulka xaaqa ilaa heer madaxwayne inta u dhaxaysa in loo siman yahay,xujaduna tahay uun yaa ka bixi kara shaqada oo u leh xirfad iyo aqoon.Hantidada dalka taal waxaa iska leh muwaadiniinta dalka sisiman qofna gaar uuma cantoobsan karo waxa ka dhexeeya umada ee lawada leeyahay si garbo siman ah.hantida dalka waa loo siman yahay,difaaca dalka waa loo siman yahay,canshuurta dalka waa loo siman yahay. sinaan waa in lahelaa.

Hormar  Kani waxa uu dhashaa marka labadaa hore lahelo cadaalad iyo sinaan.waxaa imanaysa waxbarashada oo kor looqaado,dhaqaalaha oo la kobciyo amaankoo la sugo,intaa kadib dadku waxay helayaan mustaqbal wanaagsan iyo hormar qofeed,mid deegaaneed,iyo mid guud oo dal ahaaneed intaba.

Hadaba waxaa jira si arimahaas dalkeena loogu soo dabaalo in ay u baahantahay rag aragtidaas leh, leh aqoonteedii iyo kartideedii inay dalka u sameeyaan ku duwid aragtidaas dawlad waliba ku hormariyasay dadkeeda.Dalwalbaa hormakra maanta ka muuqda waxaa gaar siiyay rag aqoon leh iyo aragti dheer,hadee dalkii arimahaas ku guul daraystayna waa ka muuqataa dib u dhaca iyo baaba sanantu.

Professor Abdirisaaq waa khabiir ruug cadaaya,waa nin leh aragti dheer iyo garasho leh xirfadii dal lagu gaarsiin lahaa hormar.Professorku waxa u soo shaqeeyay dalkiisa inbadan,waxa bare sare ka ahaa jaamacadaha dalka soomaaliyeed.waxa uu kasoo shaqeeyay hay ado kala duwan dal iyo dibadba waxa uuna aqoontiisii kasii korodh saday dalka maraykanka oo uu mudo dheer ku noolaa. waxa uu si joogta ah utagaa dalka oo lasocodaa xaalidiisa. Professor cabdirisaaq waxa uu kasoo jeedaa qoys leh aqoon dadka soomaaliyeedna ku dhex leh sumcad iyo sharaf wayn,gaar ahaan puntland. Waxaa dhalay mid kamid ah halgamayaashii soomaaliyeed ee S.Y.L ee u halgamay xoriyada iyo madax banaanida umada soomaaliyeed.

Professor cabdirisaaq waa hogaamiye leh aragti hogaamineed oo ka duwan mid dhawaanahan kashaqaynaysay puntland.sifaadkiisa gaarka ah ee lagu yaqaan waxaa kamid ah aragti dheeri,go aan,daganaansho,geesinimo,fahmo iyo aqoon sare,dabeecad wanaag.waxaana ka go an in uu sameeyo isbadal dhab ah oo ay uugu horayso in puntland ay hesho cadaalad iyo sinaan si hormar loogaaro.waa run puntland ragbaa soo dhisay,rag baa soomaamulay, ragbaa soo gaarsiiyay heerkaa ay maanta joogto,waana mahadinaynaa balse waxaa loo baahan yahay in halkaa laga sii anba qaado laga kabo halka ay ka liidato lana gaarsiiyo hormar iyo in shacabku helaan shaqo iyo xasilooni keenaysa in ay dalkooda ku raaxaystaan qaniga ah. waan ku faraxsanahay soona dhawaynaynaa musharax professor cabdirisaaq oo u istaagay xilka madaxwayne ee puntland 2019 si looga sii hormariyo puntland halkay maanta taalo.

Dalwalba aqoon yahankiisa iyo mufakirkiisa ayaa hormariya,isbadalkuna waa kan aduunyadu ku hormartay,sidaa daraadeed puntland iyo soomaaliya oo dhamiba waa in ay ku aaminaan talda iyo hogaaminta dalkooda dadka waxtarka leh aqoonta leh geesinimada leh ee wax soo kordhinkara sida professor Abdirisaaq.Hadii aynu udoorano cid aan u qalmin hogaamin kursiga madaxwane nimo sidii inbadan ka dhacday dalkeena waxaa inooga soobaxaya uun hormar la aan iyo wax ina dib dhiga uun oo aan ina faraxad galin.

Taabadalkeeda hadii ama ha ahaado madaxwaynaha fadaraalka ama ha ahaado kan dawlad goboleedkee hadii umada soomaaliyeed sifiican isaga hufaan ciday wax u dhiibanayaan,oo ku doortaan kartidiisa iyo aqoontiisa iyo garashadiisa ninka saxda ah waxaa hubaal ah in dalkeenu lamid ahaanayo wadamada xasiloon oo gaaray hormarka. Puntland hore ayay ugu soo guulaysatay in ay umada soomaaliyeed u horseedaan wanaaga,loogana daydo sidaa daradeed waxaan filayaa in hadana markale ay u horseedayso puntland qaybaha kale ee dalka in ay doortaan hogaan sax ah oo keena cadaalad sinaan iyo hormar,mid walbaana ma waayin aqoon yahan ka dhashay oo leh sifahaas professor Abdirisaaq oo hogaamin doona puntland 2019 hadii illaahay idmo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*