laba nin oo Somali ah oo lagu eedeeyey inay ku biirayeen ISIS oo lagu maxkamadaynayo Maraykanka

laba nin oo Somali ah oo lagu eedeeyey inay ku biirayeen ISIS oo lagu maxkamadaynayo Maraykanka

Xafiiska xeer ilaalinta ee gobolka Arizona ee dalkan Maraykanka ayaa faahfaahin ka bixiyey laba muwaadin oo u dhashay Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyey inay doonayeen inay ku biiraan ururka ISIS sannadkii 2019, hase ahaatee hay’adaha ammaanka ee Maraykanka ayaa ka warhelay, waxaana xabsiga la dhigay, xilli ay doonayeen inay diyaarad ka raacaan magaalada Tucson ee ay deganaayeen.

Labadan nin oo lagu kala magcaabo Axmed Mahad Maxamed oo 26 jir ah iyo Cabdi Yemeni Xuseen oo 25 jir ah, ayaa la sheegay inay qirteen dembiga lagu soo oogay, waxaana la filayaa in maxkamad la soo taago bisha October 11-keeda ee sannadkan 2024.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in labadan eedaysane ay qaateen heshiis maxkamadeed, kaas oo dhigaya in dalka Maraykanka laga masaafuriyo, isla markaana loo diro Soomaaliya oo ay asal ahaan ka soo jeedaan, taas bedelkeeda ay halkaas ku qaataan xabsigooda ama xukunka lagu rido.

FAAHFAAHINTA SHEEKADOODA

“Laga soo bilaabo dabayaaqadii sannadkii 2018 illaa laga soo gaaro bishii July 26-keedii ee sannadkii 2019, oo ahayd markii la xiray, Axmed iyo Cabdi, waxay maleegayeen ama qorshaynayeen sidii ay ugu socdaali lahaayeen dalka Masar, si ay uga barbar dagaalamaan kooxda ISIS ee ka dhisnayd gacanka Sinai” Sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta.

Sida uu sheegay xafiiska xeer ilaalintu, bilawgii bishii August ee sannadkii 2018, Axmed wuxuu baraha internetka ka dhex raadiyey xubnaha taageersan ururka ISIS, isaga oo xilligaas la wadaagayey inuu rabo, inuu u safro deegaanada ay maamusho ISIS, si uu u noqdo “ninka dadka madaxa ka gooya” ka dibna uu doonayo inuu shahiido.

Axmed ayaa intaas ku daray, in hadafkiisa ugu weyni uu ahaa inuu maruun u safro dalka Syria, si uu ugu biiro kooxda ISIS, isla markaana uga qayb qaato jihaadka, isaga oo sidoo kale tilmaamay in saaxiibkiisna uu sidaas si la mid ah rabay inuu isna u safro debedda, si uu ISIS ugu biiro.

Axmed iyo Cabdi ayaa sannadkii 2019, u kulmay si fool ka fool ah, si ay uga wada xaajoodaan qorshayaashooda. Axmed ayaa ku adkaysatay in hadafkoodu ahaa inay ISIS uga dagaalamaan wadamada debedda. Sidoo kale Cabdi ayaa u sheegay Axmed, inay tahay inay kala doortaan laba arrimood, oo kala ah, ama inay gaadhaan, dhulka ay ISIS ka taliso, ama inay xabsi galaan”, wuxuuna soo jeediyey, in haddii laga hor istaago inay debedda u safraan, inay weeraraan Aqalka Cad ama madaxtooyada Maraykanka.

Bishii June ee sannadkii 2019 ayaa Axmed iyo Cabdi waxay bilaabeen qorshaha safarkooda debedda, si ay ISIS ugu biiraan. Labadooduba waxay iska iibiyeen gaadiidkii ay lahaayeen, iyaga oo gatay tigidho diyaaradeed oo ka baxaya magaalada Tucson ee gobolka Arizona ee ay deganaayeen, iyaga oo ku jihaysnaa magaalada Qaahira.

Subaxnimadii hore ee bishii July 26-keedii ee sannadkii 2019, waxaa labadan eedaysane ay tageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Tucson, iyaga oo ka gudbay baadhista amniga, waxayna gaadheen albaabka diyaaraddu ka duusho.

Axmed waxa uu xilligaas sitay lacag gaadhaysa illaa $10,000, taasoo qorshohoodu ahaa, in isaga iyo Cabdi ay ku isticmaalaan safarkooda, qaybna ay hub ku iibsadaan.

Qorshaha Axmed iyo Cabdi ayaa ahaa, marka ay gaadhaan magaalada Qaahira, inay la heshiiyaan mukhalasiinta, si loogu tahriibiyo dhulka ay maamusho ISIS.

Inkasta oo ay qorshahooda dejisteen, haddana waxaa dusha kala socday hawlaha ay ku dhex jiraan, laamaha ammaanka ee Maraykanka. Albaabka diyaaradda laga raacona, waxaa ku sii sugayey saraakiin ka tirsan hay’adda dembibaadhista ee Maraykanka ee loo yaqaano FBI, iyaga oo xabsiga dhigay, markii ay is yidhaahdeen diyaaraddii fuula.

Labadan nin ayaa lagu soo oogay, dembi ah inay maleegayeen shirqool lagu taageerayo urur argagixiso, haddii dembigaas lagu helona waxaa xukunkiisu yahay illaa 20 sano oo xadhiga ama $250,000 ama labadooda oo la isku daray.

Labada eedaysane ayaa qaatay heshiis maxkamadeed, oo ah in dalka laga masaafuriyo, oo ay la socoto inay xabsigooda halkaas ku qaataan.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeerka doorashooyinka dalka

Golaha Wasiirrada, ayaa maanta ansixiyey, Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, oo Shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirka Golaha Wasiirada, ayaa lagu ansixiyay labo xeer oo muhiimad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo kala ah Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Labadan sharci ayaa hagi doona hanaanka doorasho ee dalka, waxayna shacabka Soomaaliyeed u suurtagelinayaan inay doortaan madaxda matali doonta qaranka.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka hadlay muhiimada ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin xeerarka maanta goluhu ansixiyey ayaa yiri:

“Xeerka doorashadu waxa uu farayaa in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah oo dalka oo dhan ka dhaca, muwaadin kastaa waxa uu xaq u siinayaa in uu u codeeyo qofka doonaya in uu qabto hogaanka dalka”.

Afheyeenka ayaa intaa ku daray in xeerarka maanta la ansixiy ay dalka ka gudbin doonaan hanaankii hore ee doorashooyinka ee dadbanaa oo mudada dheer lagu soo caana maaliyay dalka

Midawga Afrika oo sameeyey hawlgal cusub iyo Masar oo ciidamo ku biirinaysa

Midawga Afrika oo sameeyey hawlgal cusub iyo Masar oo ciidamo ku biirinaysa

War murtiyeed ka soo baxay Midowga Africa ayaa lagu sheegey inuu Midawga Afrika soo dhoweynayo sameynta howlgal qaabilsan dhinaca xasilinta oo loo bixiyey howlgalka taageerada iyo xasilinta ee Soomaaliya kaas oo loosoo gaabiyo AUSSOM.

Howlgalkan oo bedeli doona kan haatan jira ee ATMIS ayaa loogu talo galey inuu taageero dedaalada dowladda federaalku ugu jirto la dagalaanka Alshabaab iyo xasilinta dalka.

Midowga Africa ayaa soo dhaweeyey dalalka Masar iyo Djibouti oo iyagu ku yaboohey in ay ciidamo ku biirin doonaan howlgalkan.

Howlgalgan ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doona nabadeynta iyo xasilinta goobaha laga xoreeyo Al-shabaab.

Ka mid noqoshada Masar ee howlgalkan ayaa ku soo beegmaysa xili ay xiisadi ka dhex taagan tahay Somalia iyo Ethiopia, taasoo ka dhalatey heshiis isfaham oo ay Ethiopia la gashey Somaliland. Dhan kalena Masar iyo Ethiopia ayaan xiriirkoodu wanaagsaneyn ka dib is afgaranwaagii ka dhashey sida loo qeybsanaayo biyaha wabiga Nile oo labada dalba mara.

Maxaad ka taqaan hogaamiyaha cusub ee Bangladesh ee haysta abaalgudka Nobel

Maxaad ka taqaan hogaamiyaha cusub ee Bangladesh ee haysta abaalgudka Nobel

Ninka heysta billadda nabadda Muhammad Yunus – oo muddo dheer ay siyaasadda isku hayeen raysal wasaarihii baxsatay ee Bangladesh Sheikh Hasina – ayaa loo magacaabau hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee dalkaas.

Ninkan 84 jirka ah ayaa la magacaabay maalin kadib markii Ms Hasina ay ka carartay dalka iyadoo ay socdeen dibadbaxyo toddobaadyo qaatay oo dhiig u uku daatay, isla markaana sababay inay is casisho.

Inkastoo Prof Yunus lagu ammaanay dhanka dhaqaalaha, haddana Ms Hasina ayaa u arkeysay inuu cadow ku yahay bulshada, haatan damaanad ayuu banaanka ku joogaa, isagoo racfaan ka qaatay xabsi lix bilood oo lagu xukumay kaasoo u uku sheegay in lasoo abaabulay.

Ardayda hoggaanka u heysay dibadbaxyada ee xukunka ka tuuray Ms Hasina ayaa diiday inay aqbalaan dowlad uu militarigu hoggaamiyo waxayna gadaal ka riixayeen maamul ku meel gaar ah oo uu madx u noqdo Prof Yunus.

Go’aanka Prof Yunus loogu magacaabay madaxa dowladda ku meel gaarka ah ayaa waxaa ka dambeeyay kulan dhex maray Madaxweyne Mohammed Shahabuddin, hoggaamiyeyaasha militariga iyo hoggaanka ardayda.

Prof Yunus ayaa sheegay inuusan diidi karin dalabka ardayda uu sheegay inay sameeyeen nafhurnimo.

Go’aanka Prof Yunus loogu magacaabay madaxa dowladda ku meel gaarka ah ayaa waxaa ka dambeeyay kulan dhex maray Madaxweyne Mohammed Shahabuddin, hoggaamiyeyaasha militariga iyo hoggaanka ardayda.

Prof Yunus ayaa sheegay inuusan diidi karin dalabka ardayda uu sheegay inay sameeyeen nafhurnimo

Yunus

Wuxuu ku laabanayaa Dhaka isagoo haatan ku sugan magaalada Paris halkaasoo xaalad caafimaad uu u joogo, sida uu sheegay afhayeenkiisa.

Dibadbaxyada Bangladesh ayaa billowday horraantii July iyadoo ardayda jaamacadaha ay dalbanayeen in isbeddel lagu sameeyo shaqooyinka adeegga rayidka, balse waxay isu beddeleen dhaqdhaqaaqyo ballaaran oo dowladda ka dhan ah.

Guud ahaan, 400 oo qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen isku dhac dhex maray ciidamada dowladda iyo dibadbaxayaasha – badankoodna waxay ahaayeen rayid uu booliisku toogtay.

Isniintii keliya, in ka badan 100 ayaa ku dhintay gudaha dalkaas, waxayna noqoneysaa maalinta keliya ee dadka ugu badan ay ku dhinteen dibadbaxyada. Boqollaal xarumaha booliiska ah ayaa sidoo kale la gubay.

Saacado kahor inta aysan dibadbaxayaashu gelin xatooyana u geysan dhismaha rasmiga ah ee raysal wasaarihii hore oo ku yaalla caasimadda Dhaka, Ms Hasina ayaa is casishay waxayna u qaxday dalka deriska ah ee Hindiya. Taasi ayaa keentay isbeddel soona afjartay xukunkeedii ku dhowaad 15-ka sano.

Inkastoo xitaa dhaqaalaha Bangladesh uu kobcay tobankii sano ee lasoo dhaafay, raysal wasaarihii hore ayaa waxaa aad loogu cambaareeyay aamusiinta dadka kasoo horjeeda iyo inay xabsi ku gurtay mucaaradkeeda siyaasadda.

Qaarkood, sida raysal wasaarihii hore Khaleda Zia iyo Ahmad Bin Quasem oo xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa, ayaa la sii daayay wax yar kadib markii ay dalka ka baxsatay Hasina.

Ms Zia ayaa hoggaamisa xisbiga mucaaradka ugu weyn Bangladesh ee Nationalist Party, kaasoo qaadacay doorashooyinkii sanadkii 2014 iyo mar kale sanadkan 2024, iyagoo sheegay in inta ay Hasina xukunka hayso aysan suurtogal ahayn doorasho xor ah.

Haweeneydan 78 jirka ah ayaa xabsi la dhigay sanadkii 2018 iyadoo lagu eedeeyay musuqmaasuq – eedeymahaas, oo ay sheegtay, in siyaasad ahaan lasoo abaabulay.

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay sheegay in Mr Quasem la xiray 2016, uuna ka mid ahaan boqollaal qof oo la waayay intii ay Hasina xukunka haysay.

Bangladesh

Prof Yunus, oo bishii January lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah sababo la xiriira jebinta xeerarka shaqaalaha, ayaa sheegay inuu dhibbane u ahaa xukunkii Hasina.

Hore ayuu u wajahay eedeymo kale, marka dib loo raaco sanadkii 2011 markaasoo lagu eedeeyay inuu meel uga dhacay sharafta siyaassiyiinta Bangladesh.

Sanadkii 1983, wuxuu aasaasay Grameen Bank, oo bixiya deymo muddo gaaban iyo kuwo dheer si dadka looga caawiyo inay sameystaan ganacsiyo – hannaankaasoo wixii intaa ka dambeeyay ka hirgalay adduunka.

Waxaa lagu eedeeyay inuusan canshuur bixin iyo inuu kasii howlgalayay Grameen Bank isagoo gaaray da’da howlgabnimada, kuwaasoo horseeday in xilka laga qaado – balse Prof Yunus ayaa ku adkeystay inay eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal lahayn.

Isaga, iyo bankiga, ayaa waxaa sanadkii 2006 la guddoonsiiyay abaal-marinta Nobel Peace Prize oo u uku muteystay muujinta in “xitaa kuwa ugu saboolsan ay shaqeyn karaan si ay horumar u gaaraan”.

Waxaa caalamka looga aqoonsaday “ninkii bankiga ee dadka saboolka ah”, balse Ms Hasina ayaa ugu yeeri jirtay “dhiigya-cabka” saboolka waxayna bankigiisa ku eedeysay inuu dadka ku soo dallacay ribo saa’id ah.

Weligeed ma caddeyn halka ay kasoo bilaabatay xurgufta u dhaxeysay isaga iyo Hasina, balse qaar badan ayaa aaminsan inay ahayd dadaalladiisii guul-darreystay ee uu ku doonayay inuu ku aasaaso xisbi siyaasadeed.

Ms Hasina ayaa weli ku sugan Hindiya balse weli ma cadda in halkaasi ay kusii negaaneyso. Dadka falanqeeya arrimaha dalkaas ayaa aaminsan inaysan taasi suurtogal ahayn inkastoo ay xulafo dhow yihiin raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Hindiya, oo xudduud 4,096-km (2,545-meyl) ah la wadaagta Bangladesh, ayaan haatan dooneyn inay kasoo horjeesato dowladda cusub ee Dhaka.

Delhi ayaa ciidamo dheeraad ah geysay xadka, sida uu sheegay wasiirkeeda arrimaha dibadda S Jaishankar.

Shèegoow, Qanyare iyo Fiidoow oo safiiro loo magcaabay

Muqdisho, Talaado 6 Agoosto 2024 – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlayey qaraxii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay.

Golaha ayaa ku dhawaaqay caawa in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada ayaa caawa ansixiyay magacaabista Danjireyaal dalkeena uga hawlgali doona dibedda si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay caalamka.
Waxaana ay kala yihiin:

Cabdiqaadir Cabdullaahi Xaashi-(. Leelkase)

2. Dr. Hodan Cismaan Cabdi(Dhulbahante)

3 iIlyaas Xasan Cali) digil mirifle Eelay)

4 Sakawdiin Mustafa Maxamed(Digil Iyo Mirifle)

5. Faysal Axmed Salaad-(.Hg.Sacad saciid )

6 Maxamed Abuukar Subeyr(Jareer Wayne)

7 Abiib Muuse Faarax(Gudubursi)

8 Jaamac Xasan Khaliif(Dhulbahante)

9 Fardowsa Maxamed Qanyare(Murursade)

10 Ibraahim Cumar Sheegow- (Tuni)

11 Sheekhnuur Maxamed Xasan(Biyamaal)

12. Cabdinuur Daahir Fiidow(Duduble)

Turkiga iyo Masar oo sheegay in ay isku raaceen ilaalinta madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya

Turkiga iyo Masar oo sheegay in ay isku raaceen ilaalinta madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya

Kualan ka dhacay magaalada Qaahira oo ay yeesheen wasiirada arimaha dibadda ee Turkiga iyo Masara Hakan Fidan iyo Badr Abdelatty ayaa waxa ay sheegeen in ay isku afgarteen sidii loo ilaalin lahaa madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Kulanka oo ajandahiisa guud ahaa heshiiska xabad joojin Gaza ee dhawaan ka dhici doona Masar ayaa markii uu dhamaaday kadib waxay labada masuulba qabteen shir jaraa’id, kaas oo ay ku sheegeen in ay muhiimad leedahay midnimada Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Masar oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu yiri: “Waxaa muhiimad noo leh ilaalin midnimada Soomaaliya, dawladda Masarna waxay si dhamaystiran u diidaysaa wax walba oo taabanaya midnimada iyo madaxbanaanada dhuleed ee Soomalaiya,”.

Waxa uu sheegay wasiirku in horay sidaas oo kale ay u sheegeen arrintaan, haatanna ay ku celinayaan.

Dhanka kale wasiirka Arimaha dibadda Turkiga ayaa waxa uu sheegay in dawladaha Ankara iyo Qaahira ay isku afgarteen in la ilaaiyo madaxbanaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya, sida ay daabacaday wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Dawladda Soomaaliya ayaa dhankeeda uga mahadcelisay dawladda Masar, sida ay u garab taagan tahay.

War kooban oo lagu daabacay wakaaladda warar ee Soomaaliya, SONNA ayaa lagu yiri: “Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya waxa uu uga mahadcelinayaa dawladda Masar garab istaageeda aan wax loo dhigaa jirin iyo mawqifka cad ee ay ka qaadatay arrinta la xiriirta xoriyadda iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Muuse iyo Abiy

Tan iyo bilowgii sanadkaan ayaa waxaa khilaaf ka dhaxeeyay dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo bilowday kadib markii dawladda Itoobiya ay heshiis is afgarad oo ku saabsan in laga kireeyo dhul xeebeed 20 kilimitir ay la saxiixatay Somaliland.

Heshiiskaas ayaa waxaa ka carooday dawladda Soomaaliya, waxayna ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxaa dhacay kulamo dhawr ahaa kuwaas oo la isku dayayo in lagu xalliyo khilaafkaas, kuwaas oo ka kala dhacay Addis Ababa iyo Kampala, kuwaas oo ay kala qabteen Midowga Afrika iyo IGAD, balse natiijo wax ku ool ah kama aysan soo bixin dhamaantood.

Balse bilowgii bishii June ayaa dawladda Turkigu waxay bilowday dadaalo xal looga gaarayo khilaafka labada dal, iyada oo magaalada Ankara isugu keentay wufuud ka kala socday Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulankaas ayaa waxaa ka soo baxay natiijo ah in la isku madalsado kulan kale oo ka dhici doono Turkiga marka la gaaro bisha Septemper, kaas oo looga wada hadli doono khilaafka labada dal.

Bulshada caalamka ayaa waxay bogaadisay doorka ay dawladda Turkigu ka ciyaarayso ukala dabqaadista labada dal.

Ka hor kulanka ka dhacay Qaahira wasiirka Arimaha DIbadda ee Turkigu wuxuu safar ku soo maray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo kala madaxda dalkaas arrimo la xiriira shirka la filayo in uu September gudaha Turkiga ku dhex maro Soomaaliya iyo Itoobiya.

Booqashadaas ayaa waxay sheegtay dawladda Turkiga in ay qayb ka tahay dhexddhexaadintii ay dawladdu Turkigu ka dhex waday wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Fidan iyo Abiy

Turkiga iyo Soomaaliya

Toban sano kahor, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarreysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya ayaa waxay taasi indhaha caalamka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay dalkaas.

Markii uu sare u kacay xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya Turkiga iyo soomaaliya waxaa lagama maarmaan noqtay in la helo qaab badeecoyiinka Turkiga lagu geeyo gudaha soomaaliya.

Waxaa abuurmay shirkado badan oo dhanka tasiilaadka iyo alaabaha sidii lagu geyn lahaa Soomaaliya.

Balse bilowgii sanadkaan ayaa waxaa wax wayn iska badaleen qaabka iskaashiga labada dal, kadib markii ay kala saxiixdeen heshiis difaac iyo dhaqaale isugu jiray.

Wasaaaradda macdanta iyo tamarta ee Soomaliya ayaa bishii July ee aynu soo dhaafnay waxay dawladda Turkiga la saxiixatay heshiis shidaal qodis ah, kaas oo saddex xirmo oo shidaal ah idan loo siiyay dawladda Turkiga in ay qoddo kadibna soo saarto.

Waa kuma Tim Walz? Xamse warfaa oo la soo shaqeeyey ayaa innoo sharaxaya

Waa kuma Tim Walz? Xamse warfaa oo la soo shaqeeyey ayaa innoo sharaxaya

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Dimoqraadiga Kamala Harris ayaa u dooratey Tim Walz oo ah gudoomiyaha gobolka Minneasota inuu noqdo madaxweyne kuxigeenkeeda.

Tim Walz ayaa kala qeybali doonaa ololaheeda doorasho, iyada oo kan ugu horeeya ee uu kala qeybgalayo uu yahay ololaha ka dhacaya gobolka Pennsynvania.

Haddaba, Xamze Warfaa oo ah Lataliye Sare xukuumadda Biden-Harris, muddo saddex sano ka badana lasoo shaqeeyey Tim Walz ayaa Sahra Cabdi Axmed uga waramay qofka uu yahay gudoomiye Tim Walz.

Ra’isulwasarahi Bangladesh Sheekh Xasina oo dalka isaga carartay

Ra’isulwasarahi Bangladesh Sheekh Xasina oo dalka isaga carartay

Ra’iisul-wasaaraha dalka Bangladesh Sheikh Hasina ayaa Isniinti shalay is casishay kaddibna dalka isaga carartay, kaddib laba todobaad oo ay Bangladesh ka socdeen dibadbaxyo uu dhiig badan ku daatay oo looga soo horjeeday dowladda.

Mudaaharaadyada ayaa kaddib marki ay shacabka gaar ahaan dhalinyarada ka caroodeen, xeer dowladda kasoo baxay oo dhigayay in 30% shaqooyinka ka bannaan dowladda la siiyo, qoysaska iyo ehellada dadki ka qeybgalay dagaalki ay Bangladesh uga xorowday Pakistan ee dhacay sannadki 1971-ki.

Sheekh Xasina ayaa waxyar kaddib marki ay xilka ka dagtay u carartay dalka Hindiya, tallaabadaas oo soo gaba gabeysay xukunkeedii Bangladesh ee 15-ki sano ee lasoo dhaafay.

Inkasta oo aanan wali la ogaan halka ugu danbeysa ee ay ku wajahantahay, haddana wariyaasha VOA-da ayaa ku soo warramaya, in iyada iyo walaasheed kaga baxeen caasimadda Dhaka diyaarad helikobter ah oo uu millatarigu leeyahay, kaddibna ka dageen caasimadda India ee New Delhi.

Kumannaan ka mid ah shacabka ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda, qaarkood ayaa gudaha u galay guriga Sheikh Hasina, kaddibna soo bili-kiqeystay.

Kuwo kale ayaa ayaa koray taallada Sheikh Hasina aabaheed, Sheikh Mujibur Rahman oo ah aas-aasaha qaranka Bangladesh.

Sheekh Xasina 00 76 jir ah, ayaa laba jeer oo kala duwan soo xakuntay Bangladesh 20-ki sano ee lasoo dhaafay. Waxay sidoo kale 30-ki sano ee lasoo dhaafay madax u aheyd urur xiyaasadeed oo ay ka dhaxashay aabaheed, oo lagu dilay afganbigi Bangladesh ka dhacay sannadki 1975-ki kaas oo lagu laayay inta badan xubnihi qoyska ra’isulwasaare Sheikh Mujibur Rahman.

Taliyaha ciidanka millatariga Jeneral Waakirul-Zaman oo shacabka kala hadlay telafishinka, ayaa sheegay in milatariga uu soo dhisi doono dowlad ku meel gaar ah.
Bangladesh oo ah dal ku yaalla koofurta Asiya ayaa waxaa ku nool shacab gaaraya 170 milyan.