Waan la Xisaabtami Doonaa Kuwa Ugaaska is Hortaagay

Madaxweeynaha iyo ku xiggeenka Awdal State ayaa cambaareeyey ugaas maalin dhaweed laga celiyey inuu soo gallo magaalada Boorama, waxeeyna ku sheegeen arrintaas lagula kacay ugaaska ineey aheed mid aad u xun. Waxeeyna kaloo sheegeen kuwa arrintaas kulla kacay ugaaska maalin uun in lala xisaabtami doono. Waxeeyna gabagabadii ku booriyeen dhalinyarada in ay ku soo dabba feelaan maamulka Awdal State si dadka iyo dhulka loo xoreeyo.

Cisbitaalka Xidda

Bulshada Xiddda ayaa u istaagay sidii ay ku dhisi lahaayeen cisbitaal uu yeesho deegaankaas. Cisbitaalka ayaa lagu dhisayaa si iskaa wax u qabso ah, balse shacabku waxeey ka codsanayaan dawladda dhexe, maamulka iyo shacabka Puntland in lagala qeeyb qaato dhameeystirka cisbitaalkaas.

Maamul goboleedyada oo soo dhoweeyey shirkii Garowe

Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofurgalbeed oo soo dhoweeyay Shirkii Garowe

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug Axmed Qoor-qoor,Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo dhoweeyay go’aanadii ka soo baxay shirkii Garowe ay ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Shir dhinaca Taleefanka ah oo saddex Madaxweyne maanta yeesheen ayay sidoo kale ku soo dhoweeyeen in shir u dhexeeya madaxda Puntland,Jubbaland iyo dowlada Dhexe ka dhaco Muqdisho.

War Saxaafadeed ay si wadajir ah saddexdan Madaxweyne u soo saareen ayay ku sheegeen inay diyaar u yihiin inay fikirkooda ku biiriyaan sidii xal loogaga gaari lahaa khilaafyada dhinaca siyaasada ah ee jira.

Kuuma iman karno madaxweyne

Madaxweyne Farmaajo oo ay ku adkaatay in beelaha Hawiye uu kala soo dhex baxo Ra’isul waasre

Casuumad uu madaxweyne Farmaajo udiray Xildhibaanada Beelaha Hawiye ugu jira Baarlamaanka Fadaraalka ayeey ku gacan sayreen waxayna shuruud uga dhigeen inuu marka magacaabo Ra’isalwasaaraha.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo dalbaday xildhibaanada HAWIYE maalinta Khamiista habeenka Jimcuhu soo galaayo oo taariikhdu tahay 27/08/2020 8:00 Fiidnimo inay isugu yimaadaan xarunta madaxtooyada villa somaliya.

Farmaajo ujeedka casuumadiisa waxay daarnayd in Xildhibaanada Hawiye laga dhaadhiciyo taageerida codsi uu Baarlamaanka horgayn lahaa oo ku aadan Mahdi Guuleed mudada hartay in uu sii hayo xilka Ra’isalwasaaraha.

Sida muuqata Farmaajo waa ku dhici la’a yahay in uu beesha Hawiye kasoo xusho shaqsigii buuxin lahaa kursiga awood qaybsiga ku fadhiya ee Khayre laga takhantakhiyay.

Safiir kale oo la magcaabay

Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ee safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Danjire Jamaal Maxamed Barrow.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada dalka Nigeria ayaa lagu soo dhaweeyay Safiirka u Soomaaliya u magacowday dalka Nigeria Danjire Jamaal Maxamed Barrow, ayada oo ciidamada Qaranka wadanka Nigeria uuka qaatay salaam qaas ah ay siiyeen safiirka.

Intaasi kadib Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria ambassador Jamaal Maxamed Barrow, isagoo xusay inay xoojin doonaan xiriirka ka dhexeeya Labada dal.

Qado sharaf loo sameeyey wafdigii Jubbland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Kulan Qado Sharaf ah u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan Garoowe.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Madaxweyneyaashii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas , Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Goleeyaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland .