Shirkii nabadaynta gobolka Sanaag ayaa beri ka furmaya magaalada Ceel buh

Shirkii nabadaynta gobolka Sanaag ayaa beri ka furmaya magaalada Ceel buh
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐๐๐๐๐ข ๐๐๐ซ๐ซ๐, ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐ฌ๐ก๐จ ๐ญ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐๐ก ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ฒ ๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐๐๐๐ง๐จ๐จ๐
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ahna caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa markii uu ka degay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laascaanood, waxaa halkaas kusoo dhoweeyay masuulliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Saraakiil ciidan iyo boqolaal dadweyne ah oo muujinayey taageeradooda ku aaddan booqashada Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Safarka midnimada ee Raโiisul Wasaaraha iyo wafdigiisa, ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo midnimada dalka iyo horumarinta adeegyada dowladdeed ee ay u baahan yihiin bulshada reer SSC-Khaatumo.
Mudane Xamsa, oo kumanyaal shacabka Laascaanood ah kula hadlay garoonka, ayaa uga mahadceliyey soo dhowaynta milgaha iyo maamuuska leh ee ay ku qaabileen, isaga oo ku tilmaamay in ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed marwalbana ay difaacan Qaranimada.
Nin isagiiba hoobiye & amni dari darteed qolka ugu xiran oo dadka u sheegaya in la qabto Doorashoย qof & cod ah | Weligeey ma arag kan oo kale
Isimada iyo cuqaasha Jig jiga oo fariin udiray isaaq iyo Dhulbahante
Wasiirkii hore ee gaashandhiga oo mar ahaan jiray Alshabaab ayaa taliyihii hore nabad sugidda ku sheegay Amiirka Qurba-Joogta Khawaarijta
Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Baran ee GoboLKa Sanaag ayaa Gudiga Taakulada Ciidamada Puntland ku Wareejiyey Taakulo Xoolo oo dhan 126 Neef taas oo ku Garab Istaagayaan Ciidamadooda Geesiyaasha ee Dagaalka Kula jiro Kooxda Aragagixisada Daacish.
Ceebta qabsatay kooxdoii reer Maakhir soo qoysataye yaa kuu xiiraya?
Kooxdii reer Maakhir ee loo samaystay Burburka Puntland ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo ayna haba yaraatee wax soo dhowayn ah kala kulmin madaxdii Dhulbahante ee Khaatumo iyo kuwii Federaalka ee Xildhibaan Timacade hogaaminayey.
Halka Siyaasiyiintii Hawiye iyo Dir ee Muqdisho ku yimid ee soo gaaray laascaanood lagu soo dhoweeyey caleemo qoyan iyo guryo qurxoon, sida la sheegay kooxdii Maakhir markii ay waayeen meel ay seexdaan waxay dantku ku kaliftay inay sexdaan qaybo ka mid Cisbitaalka dadka waalan ee magaalada Laascaanood.
Maxaan ka ognahay faahfaahinta heshiiska baaritaanka shidaalka berriga ee Soomaaliya iyo Turkiga
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa heshiis ka gaaray baaritaanka shidaalka iyo gaaska ku jira berriga, kaasoo u damaand qaadaya hay’adda tamarta ee dawladda Turkigu maamusho inay hesho xuquuqda baaritaanka ee ay ku samaynayso seddex xirmo oo Soomaaliya ku yaalla sida ay saraakiil sheegeen Khamiistii.
Heshiiska oo lagu saxiixay Ankara ayaa u saamaxaya hay’adda shidaalka ee Turkiga (TPAO) inay billowdo daraasad xagga dhulka ah oo ay ku samayso ugu badnaan 16,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah.
Arrintan ayaa qayb ka ah dadaal balaaran oo ay labada waddan ku sii balaarinayaan iskaashigooda dhinaca tamarta.
“Iskaashiga u dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya waa mid sii kobcaya” ayuu yiri wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ee Turkiga Alparslan Bayraktar isagoo ka hadlayey xafladdii saxiixa.
“Hay’adda TPAO waxay isticmaalaysaa hanaanka baaritaanka lakabyada dhulka oo ah mid aad u sarreeya, si ay u qiimayso meelaha ay ku jiraan hydrocarbon. Natiijada ay xogta keento ayaa lagu salayn doonaa qoditaanka” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka batroolka iyo khayraadka macdanta ee Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa isna ku tilmaamay heshiiska inuu qayb ka yahay iskaashi weli socda. “Maalin taariikhi ah ayey dhamaanteen noo tahay. Haddii sahamintu ay hagaagto, waxaan rajeynaynaa in iskaashi intan ka ballaaran uu sii socdo” ayuu yiri wasiirka.
Wuxuu intaa ku daray in ay jiri doonto koox Soomaaliya loo dirayo si ay u soo sameeyaan qiimayn iyo diyaar garow.
Heshiiska baaritaanka shidaalka berriga ayaa ah mid daba socda heshiiskii baaritaanka badda ee ay labada dal gaareen Maarso 2024.
Waxyaabaha heshiisku dhigayo, inkastoo aan shaaca laga qaadin kharashka ku baxaya, waxaa ka mid ah in seddexda xirmo ee shidaalka laga baarayo ay ku yaallaan maamul goboleedka Koofur galbeed.
“Ka qayb ahaan wejiga xiga, hay’adda batroolka ee Soomaaliya (SPA) waxay diyaarinaysaa inay qaabisho wafdiga 1aad ee ah injineerrada ka socda TPAO, kuwaasoo ujeedadooda ugu horraysa ay tahay inay diiradda saaraan qiimayn xagga amniga ah oo ballaaran, ka hor inta aan la soo dirin kooxda sahanka samayn doonta” ayaa lagu sheegay qoraal ay soo saartay hay’adda batroolka Soomaaliya.
Qoraalku wuxuu intaa ku darayaa in sahankan berriga laga samaynayo uu yahay kii ugu horreeyey ee la sameeyo tan iyo 1985, wuxuuna intaa ku daray in hindisahan ay rumaysan yihiin inuu qayb ka qaadan doono adkaynta amniga ee heer gobol iyo mid maxalli ah intaba, uuna “kobcin doono shaqaaleynta iyo fursadaha shaqo ee bulshada Soomaalida, uuna kaalin ka qaadan doono horumarka wakhtiga dheer ee kheyraadka dabiiciga ee dalka”.
Wasiirka shidaalka ee Turkiga Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Istanbul ay marti gelin doonto shir madaxeed ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah, kaasoo la qaban doono bisha soo socota ee Maajo horraanteeda.
Wuxuu intaa ku daray in markabka sahanka ee Oruc Reis ee hadda ku sugan xeebaha Soomaaliya uu weli wado sahanka lakabyada ee loo yaqaanno 3D.
Markabka ayaa soo afjaray ilaa 78% hawlaha baaritaanka shidaalka sida uu sheegay wasiirka shidaalka ee Turkiga. “Wixii loo gaaro dhamaadka bisha Maajo, waxaan soo gaba gabayn doonnaa baaritaannada sahanka ee halkaa ka socda” ayuu yiri.
Saddexdii bisha Juun 2016 ayey ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya iyo Turkiga ay kala sixiixdeen heshiis is afgarad oo ku saabsan tamarta iyo macdan qodista. Heshiiskan waxaa dib u dhigay afganbigii dhicisoobay ee 15-kii bisha Luulyo 2016 dalka Turkiga ka dhacay, balse mar labaad ayaa is afgaradkaasi yimid miiska ahmiyadda ee Turkiga kadib markii madaxweyne Erdogan uu baarlamaanka dalkiisa horgeeyay si ay u meel mariyaan.
Gudoomiyaha Degmada Bosaaso Mudane Abdifatah Haji Shanle oo ay wehelinayaan Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka iyo Masuuliyiin kale ayaa Daahfuray Barnaamijka iftiiminta iyo Nalaynta Bosaaso si kor loogu qaado bilic iyo Horumarka Magaalada.