Maxaad ka ogtahay taariikhda Markabkii Culya 1 ee ka qeyb qaatay difaaca badaha Puntland ,ka hortagga falalka burcad badeednimada iyo

Maxaad ka ogtahay taariikhda Markabkii Culya 1 ee ka qeyb qaatay difaaca badaha Puntland ,ka hortagga falalka burcad badeednimada iyo
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la shiray Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii adkaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta, xoojinta dowlad-wanaagga iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda ee salka ku haya doorashada tooska ah, waxa uuna soo bandhigay qaban-qaabada qabsoomidda wadatashiga qaran iyo tallaabooyinka xasilinta siyaasadda dalka.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan, midnimada, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
Dhul hodon ah , dahab , buuro , beero , beeyo , bad ,xoolo , bahalo , ugaadh intuba waa ku nool yihiin wana Cal-cad , Laasqoray, Sanaag ,
Xildhibaan Kuluc oo u jawaabay Hogaamiyaha Khaatumo ee taraaraxay.
Hogaamiyaha Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa sheegay hadal ka yaabiyey dad badan oo ka soo jeeda beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli, kaas oo ahaa in shacabka Warsangeli iyo Dhulbahante ay isku duruufo yihiin..
Shacabka Beesha Dhulbahante, oo muddo tobon sano ah ay u soo socdeen shirar ay ku doonayeen inay maamul ku samaystaan oo aan cida ku wehelin , hase ahaatee maanta ku guulaystay inay maamul ay gooni u leeyihiin helaan, waa qaadan kari waayeen in lagu yiraahdo isku duruuf ayaa tihiin Dad aan waxba ku darsan maamulkooda iyaga oo maanta haysta maamul ay dawladda dhexe ee federaalku aqoonsatay oo uu dhowaan soo booqday R’aisul wasaaraha Soomaaliya
Dhanka kale Beesha Warsangeli, oo aan marna lagu casumin shirarkii beesha Dhulbahante qabsan jireen , laguna xusi jirin war murtiyeedeedaddii shirarkaas ka soo bixi jiray in mustaqbalka ay maamul wada samaysanayaan Sanaag iyo Sool, ayaa fajac iyo amankaag \ ku noqotay in maamul dhisan oo dhamaystiran oo la aqoonsaday oo hadda ku guda jira dhamaystirka Dastuurkiisa, oo dawladda federaalka kala hadlaya soo saarista Khayraadkooda inuu hogaamiyaheedu yiraahdo isku duruuf ayaanu nahay, isaga oo ka wada inay Ku soo BIIRAAN maamulka Khaatumo . Maamulka Isaaq land ee xag jirka ah marna ma isticmaalin mana isticmaalaan Eryga Ku biirida , halka kooxda Khaatumo hadda hogaanka u ahyaa ay dhaqan ka dhigtaan
Shacabka labada gobol waa dad walaalo ah oo aan meelna kala aadayn, hase ahaatee Khaatumada Firdhiye iyo Xildhibaan Timacade iyo Sanaagta Xildhibaan Kuluc ee Puntland isku duruuf maaha. Xildhibaan Kuluc ayaana xaqiiqda u dhow.
Kenya oo maxkamad soo taagtay rag dhoofinayay quraajo qaali ah oo Bariga Afrika uun laga helo
Maxkamad ku taalla Kenya ayaa maanta dhegeysatay kiis safrinta xayawaannada oo heerkiisu sarreeyo, kaasoo ku lug leh dhoofinta sharci-darrada ah ee kumannaan kun oo quraanjo nool ah.
Eedeysanayaasha—oo kala ah wiilal dhalinyaro kasoo jeeda Biljamka oo lagu kala magacaabo Lornoy David iyo Seppe Lodewijckx, mid Vietnam u dhashay, Duh Hung, iyo qof Kenyaan ah, Dennis Ng’ang’a—ayaa qirtay inay dhoofinayeen in ka badan 5,000 oo quraanjada nooca Messor cephalotes ah, oo sidoo kale loo yaqaanno Giant African Harvester Ants, kuwaasoo la dhex-geliyay ilaa 2,200 tubooyin ah si ay usii noolaadaan inta safarka lagu jiro.
Quraanjadan oo keliya laga helo Bariga Afrika, ayaa la doonayay in lagu iibiyo suuqyada Yurub iyo Aasiya, halkaasoo hashii quraanjo ay ka joogto ilaa $130.
Maxkamadda ayaa xukunka raggan u dib dhigtay 7-da May.
Waaxda Adeegga Duur-joogta Kenya (KWS), oo aad looga bartay ilaalinta noolaha waaweyn, sida libaaxa iyo maroodiga, ayaa arrintan ku tilmaantay “dhacdo taariikhi ah”.
Kiisku wuxuu muujiyay “isbedel naxdinleh oo ku yimaaday qaababka ka ganacsiga [noolaha] – laga bilaabo naasleyda caanka ah ilaa noocyada aan caanka ahayn ee muhiimka u ah isku dheellitirnaanta deegaanka”, ayay tidhi Waaxda Adeegga Duurjoogta ee Kenya.
Tuhmanayaashu waxay ku qariyeen noolayaashan la qabtay “tubbooyin la farsameeyay oo si gaar ah loo hagaajiyay iyo silingooyin” kuwaas oo awood u siin lahaa cayayaanka inay sii noolaadaan laba bilood, ayay tidhi KWS.
Waxaa kale oo jiray “isku day la xisaabiyey oo lagu doonayay in lagaga gudbo nidaamyada amniga” iyadoo la qarinayo waxa ku jira tuubooyinka.
Sawirro laga soo qaaday rarista sharci darrada ah ee ay Waaxda Adegga Duurjoogta ee Kenya shaacisay ayaa muujinaya boqolaal silingooyin ah oo ay ka buuxaan suufaf oo mid walba ay ku jirto labo ama saddex qudhaanjo.
Tirada saxda ah ee cayayaanka la dhoofinaayay ayaa wali ku socotaa qiimayn laakiin afhayeenka KWS Paul Udoto ayaa BBC u sheegay in tani ay tahay kiiskii ugu horreeyay ee “burcadnimo” oo dalka gudahiisa ka dhacda oo heerkan ah.
Afarta qof ee la tuhunsan yahay oo kala ahaa labo u dhashay dalka Belgian, Vietnamese iyo Kenyan – ayaa la xidhay ka dib waxa ay hay’adda KWS ku tilmaantay “howlgal qorshaysan oo sirdoonku hogaaminayey”.
Waxaa la aaminsan yahay in meelaha loogu waday qudhaanjooyinkaan ay ahaayeen suuqyada xayawaanka ee Yurub iyo kuwa Aasiya
KWS ayaa sheegtay in baahida loo qabo noocyada cayayaanka dhifka ah ay sii kordheyso. Soo ururiyeyaashu waxay ku hayaan degaanno gaar ah, oo loo yaqaanno foricariums – oo ah sanduuq xidhan oo lagu sameeyo darsidda qudhaanjada iyo dhismaha deegaanadooda.
Qudhaanjada waaweyn qadhaabsata ee dhalatuuga Afrikaanka ah – ama Messor cephalotes – waa tan ugu weyn noocyadeeda waxayna kori kartaa ilaa 20mm, iyadoo boqoraddu ay korto ilaa 25mm.
Pat Stanchev, oo ah maamulaha guud ee website-ka ka ganacsada cayayaanka ee Best Ants ee UK, ayaa sheegay in ay tahay “xajmiga weyn ee quruxda badan” taas oo ka dhigaysa mid soo jiidasho leh kuwa doonaya in ay u haystaan sidii xayawaan guri.
Isagu ma iibiyo qudhaanjada weyn ee Afrikaanka ah ee qadhaabsata balse waxa uu BBC-da u sheegay in uu ka warqabo dadka isku dayaya in ay u gudbiyaan cayayaanka sida sharci darrada ah loo keeno.
Dalka Kenya, qudhaanjada waxaa ilaaliya axdiyada kala duwanaanshaha noole ee caalamiga ah, ganacsigooduna aad buu u nidaamsan yahay.
“Xeer ilaalintan waxay diraysaa farriin adag oo ah in Kenya ay dhaqan galin doonto amaro… waxayna calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday dagaalka ay Kenya kula jirto dambiyada aan caadiga ahayn ee duurjoogta,” ayay Waaxda Adeegga Duur-joogta Kenya (KWS).
Afarta nin ayaa lagu wadaa in la xukumo maalinta Talaadada ah.
War murtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka Puntland
Waxaa si ramsi ah loo soo xidhay Shirweynaha Maalgelinta Caafimaadka Puntland 2025 oo ay qabatay Wasaaradda Caafimaadka Puntland, shirka oo socday muddo labo maalmood ah 21 iyo 22-ka bisha afraad waxaa ka soo baxay war murtiyeedkan.
Sababta booliska Australia ay toogasho ugu dileen nin Soomaali ah oo Afrikaanka Melbourne ay ka caroodeen
Booliska Australia ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen nin ka mid ah Soomaalida ku nool magaalda Melbourne oo ay sheegeen in uu middi ku hubaysnaa. Arrintaan waxaa aad uga carooday Soomaali iyo Afrikaan kale oo ka banaanbaxay dilkaas.
Ninka Soomaaliga ah ee ay booliska toogteen ayaa waxaa la yiraahdaa Cabdifataax Axmed, waxaana la sheegay inuu la tacaalayay xanuunka dhanka maskasxda ah.
Dadka bannaanbaxa dhigayay waxaa ka mid ah Fartuun Axmed oo ku sugan magaalada Melbourne ka tirsan ururrada Jaaliyadda ee ka dhisan dalkaas. Waxay BBC-da u sheegtay in sababta ay u bannaanbaxeen ay tahay inay ka dhiidhiyaan dhibaatadii iyo dilkii loo geystay Cabdifataax.
“Waxaan halkaan isugu soo baxnay anagoo ah Jaaliyadaha Soomaalida ee Victoria iyo kuwa Afrikaanka ahba inaan inaan ka hadalno oo aan ka mudaaharaadno dhibaatadii iyo dilkii foosha xumaa ee loo geystay walaalkeen Cabdifataax Axmed taas oo dhammaanteen argagax iyo shoog nagu riday” ayay tiri Fartuun Axmed.
Waxay intaas ku dartay in falkaasi aysan marnaba ka filayn booliiskii ay doonayeen inay nabad-gelyadooda ilaaliyaan.
Waxaan farriin dheer u direynaa dowladda Australia iyo gaar ahaan dowladda Victoria inay arrintaas tallaabo ka qaadaan oo ay arrintaas sida ay ku dhacday oo cadeynteeda leh nala wadaagaan haddii aanu nahay jaaliyadaha ka dhisan Victoria.
Dhanka kale waxaa BBC-da la hadashay Ubax Xaanshi oo dukaan ku leh meel aan ka fogeyn goobta lagu toogtay Cabdifataax, kana mid ahayd dadkii soo qaban-qaabiyay mudaahaaradka.
“Waxaan degganahay meesha lagu dilay agteeda oo aan dukaan ku haystaa, marka arrinta aniga aad bay ii taabatay sabtaas ayaana igu kalliftay inaan kaco oo aan Soomaalida abaabulo oo aan muddaaharaadno, oo aan xaqa wiilkaan walaalkeen ah iyo xaqeenaba ka soo dhacsano, marka umadda Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inay midoobaan oo dad inay yihiin la arko iyo inaan dhisano jaaliyad adag oo keliya shaqeysa daneheena xitaa haddii aysan dowladda dhaqaale siinin anaga aan iska aruurino dhaqaale la siiyo si carruurteena iyo nafsadeenuba u badbaaddo”, ayay tiri Ubax.
Booliska Victoria ayaa weli wada baaritaanno la xiriira dilka toogashada ay u geysteen ninkan Soomaaliga ah ee 35 jirka ah oo ay sheegeen inuu ku hubeysnaa torreey. Cabdifataax ayaa waxaa la dilay habeenimadii Khamiistii la soo dhaafay.
Sarkaal u hadlay booliska ayaa sheegay in la soo wacay oo markii ay goobta soo gaareenna ay arkeen ninkan oo toorrey ku hubeysan kuna amreen inuu dhigo toorreyda.
Sarkaalka booliska ayaa sheegay in labada askari ay rasaasta wada fureen maadaama sida ay la sheegay aysan wadan aaladaha kale sida sunta ka ilmeysiisa iyo korontada qofka gariirisa, waana sababta Soomaalida iyo Afrikaanka kaleba ka careeysiisay oo dibadbaxaan boqollaalka qof ka soo qeyb-gashay loogu qabtay halka lagu dilay Cabdifataax Axmed.
Meydka Cabdifataax weli lama aasin, waxaana haya booliska, baaritaano ayayna wadaan iyadoona la filayo in toddobaadkaan dhexdiisa ay war ka soo saaraan dilkiisa isla markaana ay fasaxaan si loo aaso.
Dhanka kale BBC-da ayaa la hadashay Dr Aweys Cumar oo ka hawlgala mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada uu ka soo guuray wiilka la dilay ee galbeedka Australia, waxaana la weydiiyay waxa ka suuroobi kara dadka qaba xanuunada dhimirka ee maskada.
“Jawaabta waxay tahay wax-walba ayaa ka suurtoobi-kara, caruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan aniga gacanta ku hayo ama aan daweeyo waxay qabaan xanuuno dhanka dhimirka ah, qaarkood waxay isticmaalaan daroogo. Waa ay ahayd in booliska aysan dilin oo ay ku furaan sida waxyaabaha korontada oo kale ah”.
Waxa uu Dr Aweys sheegay in Soomaali badan ay qabaan xanuunnada dhanka dhimirka ah loona baahan yahay in isha lagu hayo.
RW Xamze oo Xamze oo doonaya inuu kala qybiyo Bulshada Sanaag
Warbixin iyo talo jeedin
Dhamaan madashada waa salaaman tihiin si kal iyo laab ah magacayga waxa la yiraahdaa cali maxamed , nta aan i garanayn waxaan ka mid ahaa odayaashii ka yimi Maakhir(Sanaag) oo laascaanood yimid , qofba wuxuu doono hanaga aaminsanaadee, waxaan u nimi maslaxad guud oo ah inaan raysul wasaaraha iyo wefdigiisa oo uu ku jiro wasiir Geesood kala hadalo degaanka Maakhir iyo waxay dawladu la qaban karto W
axayna noo sheegeen inaanay maamul gaar isu taaga noqon karin Maakhir, nidaamka dawladnimo ee Soomaaliyana uu wax la qaban karo maamul goboleed (state) keliya, sidaa darteed ay dawladu danaynayso inaad Khaatumo wax wada dhisataan isku duruufna waa tihiin dhul lagu muransan yahayna (dispute area) waxaad kaga bixi kartaan maamul idiin gaara haddii aad samaysataan labadiina gobol oo keliya, kala goynta dalkana sidaas baa lagaga hortegi karaa.
Wuxuu kale oo noogu daray inaanay khasab ahayn in reer Maakhir Khaatumo wada noqdo degaan balaadhana Maakhir tahay intii ay wax wada dhisan karaan Khaatumo wax hala dhisato Puntland na kama guuri kartaane ciddii ku jirta u daaya puntland iyo ciddii ku qanacsanba.
Sidoo kale waxaan la kulanay madaxweyne Firdhiye , isimada gobolka intii joogtay iyo siyaasiyiin kaleba waxay noo sheegeen inay inoo baahan yihiin inagoo isku duruuf ahna maamulka diyaar inoola yihiin inaan wada dhisano weliba wax hore aan lasoo qaadayne wax bilaw ah laysugu imanayo. waxaan kale oo is aragnay ergada ka socotey maamulka maakhir oo badhan lagu doortay qaybo ka mid ah waxaan isla qaadanay in si mugleh wax loola dhisto khaatumo khilaafaadka jirana hoos loo dhigo ama loo dhameeyo isku ujeedo iyo isku dana waa u soconey hadaan is waraysanay. waxaan suladaanka guud la hadalsiinay madaxweynaha iyo isimada qaarkood wayna is fahmeen waana balameen intaan ognahay inuu dawladda federalka iyo khaatumoba wada hadlaan TALO SOO JEEDIN
GUNTII IYO GEBAGABADII Waxaan ka codsanayaa dadka madashan ku jira inay ka fogaadaan wixii kala fogaynaya reer maakhir mudane qoraalkaaga iyo codkaaga tolka ku miday laakiin haku kala qaybin ilaahayna uga baq. Madasha dhaliil badan bay leedahay dadkii aan ugu imi iyagoo ka talinaya golaha badankoodii waa isaga bexeen in badanina waxay ka xishoodeen inay madasha tolka ka baxaan laakiin way iska aamuseen markay arkeen sida wax uga socdaan qolyaha maamulkana dhawr goor baa lala hadlay. ALLAH AYAA MAHAD DHAMAANTEED LEH
aaliyada Maakhir ee dalka Belgium waxay kulankoodii sanad laha ahaa ku yeesheen Magaalada Leuven, kulanka waxa kasoo qaybgalay gudoonka, gudida joogtada ah, aqoonyahanka, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada reer Maakhir ee dalka Belgium.
Sanadkan waxa kulan jaaliyada kala soo qaybgalay dhalinyaro aqoonyahano ah oo ka kala socda jaaliyadaha Maakhir ee dalalka Germany, France, Canada , USA, Italy , Nederland iyo dalalka Scandinavianka, isbarasho kadib kulanka, aqoon iyo aragtiba waa la isku weydaarsaday.
Puntland oo sheegtay in guushii ugu waynayd ay ka gaartay dagaalka Daacish
Ciidamada Puntland oo shalay gelinkii dambe howlgal ballaaran ka sameeyay Dooxada Miiraale, ayaa sheegay inay guulo ka soo hoyeen.
War kooban oo kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalyahannada Daacish ee ku sugnaa deegaanka lagu dilay iska horimaad, kaasi oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee dhexmara ciidamada Puntland iyo Daacish tan iyo bishii February.
“Allaahu Akbar, Ciidanka Dowladda Puntland oo maanta hawlgal ka sameeyay aagga Ceelka Togga Miiraale, ayaa laayey argagixiso ku dhuumalaysanaysay Miiraale, iyagoo ka saaray godadkii. Dhammeystirka wejiga 3-aad ee hawlgalka” ayaa lagu yiri warkan oo lagu daabacay bogga wasaaradda amniga Puntland.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo dhankiisa BBC la hadlay ayaa sheegay in muddo ah ay sahminayee toggan Miraale islamarkaana ay imika qeybo ka mid ah qabsadeen.
“Muddo ciidamadu waxay sahminayeen waddooyinka soo gala aagga togga Miiraale muddo badan ayay soo qodox-qaadeen marka shalay dagaal baa ka dhacay oo waxay gaareen godadkii ay gabaadka ka dhiganayeen ciidanka wya kula dagaalameen wayna ka saareen,” ayuu yiri wasiir Ceydiid.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in xalay saqdii dhexe ay Daacish weerar ku soo qaadeen ciidamada Puntland.
“Waxay isku dayeen inay ciidanka soo weeraraan oo ay isku qarxiyaan xalay saq-dhexe, dhamaantood waa la laayay intii soo weerartay,” ayuu intaa ku daray.
Wasiirka warfaafinta Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa xusay in wali ay jiraan meelo ay togga Miiraale kaga harsan yihiin Daacish islamarkaana uu holwgalku wali socdo.
“Toggaas badankiisa meelo badan oo ay saldhigyo ku leeyihiin in badan waa laga soo saaray, ceelasha badankood waa laga so saaray tiro aan badnayn ayaa gacantooda ku haray,” ayuu yiri Mr Ceydiid.
Toogga Miiraale ayaa dadka aqoonta u leh waxay sheegeen in uu yahay mid muhiim ah marka la eego si guud buuraleyda Calmiska.
Toggan waxaa ku yaalla ceelal badan oo biyaha laga cabo iyo buuro dhaadheer oo gabbaad iyo dhufeysyo laga dhigan karo.
Wasiirka warfaafinta Maxamuud Ceydiid Dirir oo aanu wax ka waydiinnay muhiimadda uu toggan leeyahay aya sheegay in ay u arkaan goob istaraatijiyad gaar ah leh.
“Muhiimadda uu dagaalku u leeyahay waa tog dheer oo masaafo aad u dheer ku yaalla buuro dhinac walba kaga harareysan yihiin biyo leh” ayuu yiri Mr Ceydiid.
Waxaa uu intaa ku daray intoggan uu leeyahay dhufeyso iyo qarar waawayn oo ay adagtahay in la galo.
“Waxaa kale oo uu leeyahay qarar wawayn oo dhufeysyo ah oo godad ah, waa meesha ay ku uruureen oo tababarada iyo ay ku qabsan jireen oo ay ku tababaran jireen buu ahaaoo saldhigyada ugu muhiimsan buu ahaa ee ay daggan yihiin” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.
Buurayllada fog ee gobolka ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya ee Puntland, waxa muddo bilooyin ah ka socday dagaal u dhaxeeya ciidammada maamul-goboleedkaas iyo dagaalyahannada ururka Daacish.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland iyo warar ay baahisay dawladda Maraykanku, in badan oo ka mid ah dagaalyahannada ayaa la dilay tan iyo markii uu bilowday hawlgalka loogu magac daray ‘Hillaac’.
Dadka dhintay waxa sida la sheegay ku jira dagaallamayaal shisheeye ah. Sidoo kale hoggaamiyeyaal ayaa la sheegay hawlgallada ay ku dhinteen intii ay socdeen.