Shirkadda Coastline Richard Anderson

Dawladda Soomaaliya ayaa horey u qaadday tallaabooyin ay ku baabi’inayso heshiiska bishii Febraayo 15-keedii ay magaalada Istanbul ku saxiixeen Wasiirka shidaalka dawladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo shirkadda Coastline Exploration oo horey loo oran jiray Soma Oil & Gas.

Xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya Madaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roole ayaa waxay labaduba rasmi ahaan u shaaciyeen in heshiisaas uusan xalaal ahayn.

Hase yeeshee shirkadda Coastline Exploration ayaa ku gacansayrtay, waxayna sheegtay in heshiiska uu yahay mid sharci ah, ayna ka rajo-qabaan in loo fasaxo kadib baaritaanka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Barnaamijka Galka Baarista ee toddobaadkan ayaa ku saabsan mowduucaas, waxaana waraysi uu la yeeshay madaxa shirkadda Coastline Richard Anderson oo xilliga uu waraysigan bixinayey ku sugnaa dalka Britain. Haaruun Macruuf ayaa soo jeedinaya.

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta lagu soo dhoweeyay Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa ku soo dhoweeyay Muqdisho Mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda,  inta badan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Muqdisho iyo xubno ka tirsan Gobolka Banaadir.

Wafdiga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  iyo qaar ka mid ah goleyaasha Puntland, Aqoonyahanno iyo waxgarad kale.

Dhagaysiga kiiska kursiga lagu murmay ee Fahad oo ka billaabatay Maxkamadda Sare

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa bilowday dhagaysiga dacwad uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Hiragalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kadib markii ay waxba kama jiraan ku sheegeen natiijada kursi xildhibaan oo horey ugu guuleystay doorasho ka dhacday Beledweyne.

Dooda Maxkamadda oo hadda socota ayaa xafiiska Garyaqaanka Guud oo difaacaya Guddiga Hiraglinta Doorashooyinka Heer Federaal, waxay ku doodayaan in Maxkamaddu aanay xaq u lahayn qaadista dacwaddan, maadaama heshiiskii 17 kii September ay ku cadeyd habraacyada lagu maamulayo doorashada, laguna xalinayo haddii murano ay ka yimaadaan doorashada.

Dhinaca kale qareenka u doodaya Fahad Yaasiin ayaa ku adkeysanaya in dooda xafiiska Qareenka Guud sharciyad ay dacwadda ku hor’istaagto aanay haysan sidaa daraadeedna ay Maxkamaddu horey u wado qaadista kiiska.

Inkastoo ay wali socota dooda Maxkamadda, haddana lagama filayo isla maantaba ay xukun rido.

Guddiga doorashada guddoonka Aqalka sare oo maanta billaabaya diiwaangelinta musharaxiinta

Guddiga doorashada guddoonka Aqalka sare oo maanta billaabaya diiwaangelinta musharaxiinta

Guddiga doorashada guddoonka golaha aqalka sare ayaa manta oo Talaada ah billaabaya diiwaangelinta musharaxiinta guddoonka golaha Aqalka sare.

Qoraal kasoo baxay xalay guddiga ayaa lagu yiri ” Maalinta Barri ah 19 April 2022, guddiga doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS wuxuu billaabayaa diiwaangelinta murashaxiinta u tartamaya xilka guddoonka golaha Aqalka Sare”.

Allaha u naxariiistee Abwaan Badal Jaamac oo lagu dilay Kaxda

Allaha u naxariistee waxaa caawa degmada Kaxda lagu dilay Abwaan Bedel Jaamac Xirsi kadib markii dhagarqabayaal bistoolado ku hubeysan ay Abwaanka toogteen xilli uu ka soo baxay Majsaajid ku yaalla degmada Kaxda oo salaadii Makhrib uu ku soo dukaday.

Cidamada ammaanka oo gaaray goobta uu falka dilka ah ka dhacay ayaa wada baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan kooxihii falka geystay.

Maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab ayaa inta badan waxa ay caado ka dhigteen beegsiga dadka shacabka ah, waxaana Allaha u naxariistee uu abwaanka ka soo baxay Masjid uu salaadda maqrib ku soo tukaday.

Dhismaha xarunta cusub Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha xarunta cusub Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,

May be an image of 9 people, people standing and outdoors

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo marti sharaf kale.

May be an image of 10 people, people standing and outdoors
May be an image of 8 people, people standing and outdoors
May be an image of 9 people, people standing, suit and outdoors
May be an image of 1 person, car and road

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cambaareeyey Falalka Argagixiso ee lagu carqaladaynayo howlaha Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cambaareeyey Falalka Argagixiso ee lagu carqaladaynayo howlaha Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.

Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu bogaadinayaa dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.

Ra’iisul Wasaaruha oo bogaadinaya shaqada naf hurnimada ah ee Ciidamada Qaranka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka.

La Wadaag