Fahad yaasiin oo sheegay inuu ixtiraamayo qaraarkii ay maxkamaddu soo saartay

Fahad yaasiin oo sheegay inuu ixtiraamayo qaraarkii ay maxkamaddu soo saartay
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo digniin u diray xubno katirsan guddiga
Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal FEIT waxaa uu baaq u dirayaa xubin walba oo guddigan FEIT ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aankii guddiga ee kor ku xusan ay ku sifoobi doonaan kuwo caqabad ku ah hanaanka geedi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka, cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda iyagu qaadi doonaan.”
Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal FEIT ayaa sidaas Ku sheegay war qoraal ah oo ay soo saareen.
Maxkamadda Sare oo go’aan ka soo saartay kiiskii Fahad Yaasiin
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ay iska diiday qaadista dacwadda uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ku saabsanayd kursiga HOP086.
Maxkammadda sare waxay aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqida cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad.
Go’aanka waxa saxiixay sedexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, horeyna u soo noqday agaasimaha hay’adda sirdoonka ayaa kursigaas loogu doortay 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan magaalada Beledweyne, waxaa se doorashadiisa ku gacan seyray guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal oo sheegay in aan la marin habraacyadii doorashada u dagsanaa, taasina waxay abuurtay jahwareer iyo khilaaf cusub, waxayna markii dambe uu Fahad Yaasin dacwad u gudbiyay maxkamadda sare.
Qaramada Midoobay oo ka digtay musiibo kusoo fool leh 20 milyan oo qof oo ku nool Geeska Africa
Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dad lagu qiyaasay 20 milyan oo qof oo ku nool qaybo ka mid ah Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo ay abaaruhu saameeyeen in ay la kulmi karaan musiibo ay gaajadu ka mid tahay, haddii gobolka ay ku dhufato abaar sannadkii afraad oo xiriir ah.
Roobabka ayaan sidii la filayay uga da’in Geeska Afrika xilli-roobaadkan, waxaana saddexdii sano ee la soo dhaafay ay abaartu geysatay khasaare lixaad leh. Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in baaqashada dalagyadii ka soo go’ay dalka Itoobiya ay sababatay in 7.2 milyan oo qof ay ku la soo gudboonaatay macaluul ba’an, isla markaana ay dileen in ka badan hal milyan oo xoolo ah.
Xaaladda dalka Kenya ayaa ah mid aan ka rooneyn tan Itoobiya, iyadoo abaarta ka sii daraysa ay keentay in inka badan saddex milyan oo qof ay cunto la’aan ku dhacdo, kuwaasoo ay ku jiraan nus milyan qof oo ay soo food saartay heerar gaajo ah oo degdeg ah.
Soomaaliya gudaheeda, WFP waxay sheegtay in lix milyan oo qof, ama 40 boqolkiiba dadweynaha, ay haysato cunto yari, iyadoo in ka badan 80,000 ay qarka u saaran yihiin macaluul.
Isagoo ka hadlayay caasimadda Kenya ee Nairobi, ayaa agaasimaha WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford, waxa uu sheegay in tirada dadka gaajeysan ay u gudbi karto dad lagu qiyaasay 14 milyan ilaa 20 milyan, haddii roobabku ay dib u di’i waayaan.
Ilma Diyaano, markii xilka laga qaaday oo ay diideen sida Agaasimyaasha beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli,marka xilka laga qaado ay xilka uga degaan ayaa khasaarihii ay ka gaysteen magaalada Boosaso wuxuu gaaray Milyan doolar ku dhowaad, welina maxkamad looma soo taagin.
Dawladda Soomaaliya ayaa horey u qaadday tallaabooyin ay ku baabi’inayso heshiiska bishii Febraayo 15-keedii ay magaalada Istanbul ku saxiixeen Wasiirka shidaalka dawladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo shirkadda Coastline Exploration oo horey loo oran jiray Soma Oil & Gas.
Xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya Madaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roole ayaa waxay labaduba rasmi ahaan u shaaciyeen in heshiisaas uusan xalaal ahayn.
Hase yeeshee shirkadda Coastline Exploration ayaa ku gacansayrtay, waxayna sheegtay in heshiiska uu yahay mid sharci ah, ayna ka rajo-qabaan in loo fasaxo kadib baaritaanka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.
Barnaamijka Galka Baarista ee toddobaadkan ayaa ku saabsan mowduucaas, waxaana waraysi uu la yeeshay madaxa shirkadda Coastline Richard Anderson oo xilliga uu waraysigan bixinayey ku sugnaa dalka Britain. Haaruun Macruuf ayaa soo jeedinaya.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta lagu soo dhoweeyay Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa ku soo dhoweeyay Muqdisho Mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda, inta badan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Muqdisho iyo xubno ka tirsan Gobolka Banaadir.
Wafdiga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah goleyaasha Puntland, Aqoonyahanno iyo waxgarad kale.
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa bilowday dhagaysiga dacwad uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Hiragalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kadib markii ay waxba kama jiraan ku sheegeen natiijada kursi xildhibaan oo horey ugu guuleystay doorasho ka dhacday Beledweyne.
Dooda Maxkamadda oo hadda socota ayaa xafiiska Garyaqaanka Guud oo difaacaya Guddiga Hiraglinta Doorashooyinka Heer Federaal, waxay ku doodayaan in Maxkamaddu aanay xaq u lahayn qaadista dacwaddan, maadaama heshiiskii 17 kii September ay ku cadeyd habraacyada lagu maamulayo doorashada, laguna xalinayo haddii murano ay ka yimaadaan doorashada.
Dhinaca kale qareenka u doodaya Fahad Yaasiin ayaa ku adkeysanaya in dooda xafiiska Qareenka Guud sharciyad ay dacwadda ku hor’istaagto aanay haysan sidaa daraadeedna ay Maxkamaddu horey u wado qaadista kiiska.
Inkastoo ay wali socota dooda Maxkamadda, haddana lagama filayo isla maantaba ay xukun rido.
Guddiga doorashada guddoonka Aqalka sare oo maanta billaabaya diiwaangelinta musharaxiinta
Guddiga doorashada guddoonka golaha aqalka sare ayaa manta oo Talaada ah billaabaya diiwaangelinta musharaxiinta guddoonka golaha Aqalka sare.
Qoraal kasoo baxay xalay guddiga ayaa lagu yiri ” Maalinta Barri ah 19 April 2022, guddiga doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS wuxuu billaabayaa diiwaangelinta murashaxiinta u tartamaya xilka guddoonka golaha Aqalka Sare”.
Duqayntii TALEEX iyo Jabkii DARAAWIISH . Taxane saddex qayboodle ah. -Taariikhdu waa marag.