Xaqiiqda Miyeey Rabaan Ineey Daboolaan?

Mucaaradka Soomaaliya waxaa halku-dheg u ah “Wixii shanta sano dalkan ka dhacay….”. Bal aan su’aalo ka waydiinno wixii shantaa sano dhacay qaarkood. 

1. Shantaa Sano Madaxwayne Farmaajo ciidamadii ugu tiro iyo tayo badnaa burburkii kaddib saw muuna dhisin? – Haa; laakiin….?

 2. Shan sano oo xidhiidha saw shaqaalaha iyo ciidamada Qalabka sidaa si joogta xuquuqda mushaharaadka uma helayn markii koowaad burburkii kaddib? – Haa, laakiin…? 

3. Baddii Kenya afka loo galiyay saw uma dhabar adaygin oo ma soo dhicin? – Haa, laakiin….? 

4. Hawadii Soomaaliya ee Kenya laga maamuli jiray saw dalka kuma soo wareejin oo maanta Muqdisho lagama maamulo? – Haa, laakiin….? 

5. Kooxdii Xalane (IC) saw sanka tuurrin kama galin oo kama dhex-saarin siyaasaddii arrimaha gudaha ee ay ku dabaalan jireen? – Haa, laakiin….? 

6. Muqdisho amnigeedii saw wax wayn oo wayn iskama beddelin shantaa sano? – Haa, laakiin…? 

7. Qabyaalad uu tolkii iska hareera buuxiyay muyaad ku aragteen shantaa sano? Maya, laakiin…? 

8. Saxaafadda xorta ah iyo siyaasiyiinta maalin iyo habeen magiciisa jeex-jeexa uma uba hanjaba miyuu xidh-xidhaa? – Maya; laakiin….? 

9. Musuq iyo tuuganimo maku haysaan oo guryo cad-cad (sida raggii ka horreeyay) maka dhistay dhaqaalah dalka, dhulkii danta guudna mala boobay? – Maya, laakiin…? 

10. Dibu-habayn xooggan maku sameeyay dhaqaalihii dalka oo Barnaamijkii dayn cafisku meel gabo-gabo ah ma marayaa? – Haa, laakiin…? 

11. Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee daafaha caalamka xabsiyada ka buuxay masoo daad gureeyay oo dalkooda hooyo maku soo celiyay? – Akh! Haa; laakiin….? 

12. Mucaaradka maalin iyo habeen Makarafoonada kor haysta, miyuu juuq u yidhaahdaa ama dawladdiisa u jawaaba ku yidhaahdaa? – Maya; laakiin….? 

13. Doorasho qof iyo coda dalka ha laga qabto ma yidhi oo sharcigeedii ma sexeexay kaddibna idinku (Mucaaradka) ma diideeen? – Haa, laakiin…? 

14. Heshiis walba oo Doorashada dad’ban laga gaadhay idinku (MM + PL iyo JL) ma diidayseen kaddib markaad Kenya iyo Imaaraadka kasoo laabataan? – Haa, laakiin….? 

15. Doorashada maamulkeeda wareeji oo Rooble u dhiib ma tidhaahdeen oo ma idinka yeelay? – Haa, laakiin….? 

16. Halkii sano ee la soo dhaafay xukuumadda iyo Doorashada ba saw maydaan idinku maamulayn oo xafiiska R/Wasaaruhu gacantiina kuma jirin? Haa, laakiin…? 

17. Wixii fool-xumo, dulmi iyo is dar-darin doorasho ku sheegta ka dhacay saw maydaan daawanayn kana aamusin? – Haa, laakiin…? 

18. Saw maydaan hub iyo ciidamo urursan oo magaaladan Muqdisho ee quruxda badan dadkeedii qixin, anigoo awood ciidan iyo sharciyad maamul haystana gacmaha iskama xidhin si aan qofna innooga dhiman? – Haa, laakiin…? 

19. Laakiin… Hee? – Waannu ka masayray hab maamulkiisa!

W/Q Ismaaciil Cali Ismaaciil.

Soomaalida Canada oo ciidda sannadkan meel fagaare ah ku tukanaysa ka dib markii la qaaday xayiraaddii COVID19

CANADA – Soomaalida dalka Canada ayaa maalinta Isniinta u dabbaal-degaya ciidda, iyadoo laga qaadey dalkaasi xayiraaddii xanuunka Covid19. Soomaalida ayaa qorshaynaya inay salaadda ciidul fidriga isugu tagaan goob uu u diyaariyey maamulka masaajidka Khalid Bin Waliid ee magaalada Toronto oo ah masaajid ay maamulaan Soomaalidu.

Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida

Madaxda iyo shucuuubta dalalka dunida ee ku bahoobay ama ku mideysan hey’adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegay munaasabadda 1-da May oo ku beegan xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida ILO (International labour Organisation) .

 1-da May waa maalin weyn oo caalamka oo dhan ay u dabbaaldegaan munaasabadda maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii  ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameystiran oo lagu wadaago shaqada.

Sh. Aadan Madoobe oo ka hadlay doorashada madaxweynaha, xildhibaanada Gedo, qodobo kale

MUQDISHU – Sheek Aadan Maxamed Nuur (Sh. Adan Madoobe) ayay xubnaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ay mar kale u doorteen inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka 28-kii April ee sanadkan, waxaana uu xilkaasi si rasmi ah ula wareegay Sabtidii shalay.

Haddaba wareysi gaar ah oo uu Sh. Aden Madoobe siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu uga hadlay waxa ay uga dhigan tahay in xilka guddoonka baarlamaanka mar kale loo doorto, howlaha ugu waaweyn ee horyaala ee mudnaanta u leh, doorashada madaxweynaha Soomaaliya, wax laga yeelayo xildhibaanada 32-ka ah ee ka socda gobolka Gedo, iyo arrimo kale.

Shariif Sheekh Axmed oo ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP146

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#146 ee BFS oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Shariif ayaa isla maanta Jowhar lagu guddoonsiiyey shahaadada murashaxnimo ee kursigaas, waxaana kula tartamiyay musharax lagu magacaabo Shariif Abuukar Axmed.

Hambalyo Raisal wasaraha somalia Mohamed Hussein Roble:

Hambalyo Raisal wasaraha somalia Mohamed Hussein Roble: Doorkii hir gelinta doorashada aqalka sare iyo golaha shacabka.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Raisal Wasaaraha Somalia Mohamed Hussein Rooble, Raisal wasaare waxaad muujisay hogaamin siyaasadeed ,hal adaygnimo, hawl kar masuuliyadeed, halbeeg umadeed iyo hufnaan xil gudasho, ka dib markii aad ku guulaysatay hir gelinta doorashada aqalka sare iyo golaha shacabka iyo sidoo kale doorashadii adkayd ee gudoonada iyo ku xigoonadoodaba.

Duruufo qalafsan ayaa ku gedaanaa doorashadan taas oo aan hadal iyo qoraal midna lagu soo koobi karin..Waxaa dalka ka dhacay khilaaf sayaasadeed oo uu madaxweynu hogaan ka ahaa in aan doorasho dhicin ee muddo kororsi la sameeyo taas oo golihii shacabkuna ku dhex milmay siyaasadii muddo laba sanno ahna lagu darsaday.

Waxay taasi keentay in dalkii khatar weyn galo oo dagaal bilaabmo iyada oo laysku adeegsanaayey hubka culus.

Runtii habeenkaas ramadan ayey aheed waxaanan joogay hotel dayax guri u dhow, xaaladu siday aheedna aniga uun baan qiyaasi kara.Raisal wasaaraha waxaan ku bogaadinaynaa doorkii uu ku lahaa.

Doorashooyinka xildhibaanadda iyo xulista ergooyinka maamul goboleedyadaGo,aankii uu ka qaatay dilkii ikraan tahliilShaqo joojintii uu ku sameeyey Fahad yassinQaboojintii dagaalkii ka dhashay muddo kororsigaIsku wadkii iyo wadatashigii aad sida joogtada ah ula yeelanaysay golaha madasha qaranka.

Isku soo dhoweentii iyo abuuristii jawi wadashaqayneed ee Gud.Abdi hashi iyo Dpy mahdi oo gardarro badan ku shaqaynayey isaga oo farmajo u adeegayey.

Dulqaadkii aad muujisey markii lagaa hor istaagay in aad xafiiskiiskaagii ku shaqeeyso oo ciidamo kaa hor istaageen. Kuwaas oo fowdo waday.

Cafiskii aad u sameeyeysay dhamaan saraakiishii ku lugta lahaa is hortaaga in Raisal wasaraha qaranku xafiiskiisa tago.La wareegidii masuuliyadda amniga qaranka iyo doorashooyinka oo aad si degan iyo odaytinimo iyo taxadar leh ku maamushay, hir gelinta doorashooyinka qaranka.Goaankii aad ka qaadatay 16 xildhibaan ee gedo, in ceelwaaq lagu doorto iyo aanay codayn maadaama la rabo in fowdo dhacdo.

Cayrintii taliyaha amisom oo faraha kula jiray arimo xasaasi ah oo nabad gelyada ka soo horjeeda.Soo celintii xiriirkii Imaaraadka oo noqday talaabo taariikhi maadaama imaraadka ay inaga dhaxayso xiriir dhaqan iyo dhaqaale soo jireen ah.

Dib u celintii lacagtii laga xayiray imaaraaka kadibna farmajo diiday.Fasaxadii lacagtii $11.7 million ee world bank ugu talo gashay mashariicda somaliland taas oo loo wareejiyey taakulaynta ganacsatadii ku hanti beelay dabkii suuqa waaheen.Iyo wax badan oo kale oo mudadii koobnayd aad qabtay oo aanan halkan ku soo koobi karin.

Iyadoo la eegayo wax qabadkaagii iyo daacadnimadadii masuuliyadeed iyo samata bixinta doorashooyinka qaranka ee aad ku guulaysatay waxaan ilaahay marka hore kaaga baryayaa in Alle subhanahu watacala jazaa Al khayr kaa siiyo.

Marka labaad waxaan leeyahay Raisal wasaare Mohamed Hussein Rooble waa ninka keliya ee qarankan hogaamin kara isla markaa waa in madaxweyne laguu doortaa doorashada soo socota.Is sharax mudane raisal wasaare ilaahay idankii waad helaysaaye.

Guulayso Raisal Wasaare, waad ku mahadsan tahay hawsha aad qaranka u qabatay.Taariikhda ayaa ku xusi doonta insha allah.

Qore aqoon yahanAbdirizaq NurLondon\

Buuq hareeyay baarlamaanka ka dib markii ay soo xaadireen xildhibaanadii Garbahareeyay iyo Ceelwaaq

Buuq hareeyay baarlamaanka ka dib markii ay soo xaadireen xildhibaanadii Garbahareeyay iyo Ceelwaaq

Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegaya in maanta buuq xoogan uu hareeyey ka dib kulan ay halkaas ku leeyihiin xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomalaya.

Buuqa ayaa bilowday, kadib markii ay hoolka gudaha u galeen xildhibaanadii lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo oo kala ah deegaan doorashada koobaad iyo deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay arrintan, waxayna sheegeen in lasoo xareeyey xubno aan wadan kaararka aqoonsiga.

“Dad aan sharci aheyn oo aan heysanin kaarka aqoonsiga ayaa gudaha la soo geliyay waaana qaskii baarlamaanka laga waday 5 santiii sano ee la soo dhaafay,” ayey tiri mid ka mid ah gabdhaha xildhibaanada oo la yirahdo Faadumo Faarax Aadan deegaan doorashada labaad ee Ceel-Waaq.

Dhanka kale qaar ka mid ah xildhibaanada kale ee laga soo doortay Garbahaarreey ayaa iyanaga warbaahinta maxalliga ah u sheegay inay si sharci ah ku ku soo galeen baarlamaanka hase yeeshee weli ma cadda sida ay arrintan ku dhamaan doonto.