Dil ka dhacay Milxo

Wiil dhalinyaro ah ayaa lagu dilay degaanada Dahabka laga qoto

Allah ha u naxariistee Cali Maxmud Salad Wayrax (Cali Madobe) ayaa lagu dilay degaanka Milxo ee Buuraha Calmadow oo ah, halka Dahabka laga qoto.

Dilalka ka dhaca degaankan Milxo ayaa aad u soo badanyey sanadahan danbe, mana jiraan ilaa hadda cid isu xil qaantay inay wax ka qabtaan wiilashan isku dilaya degaanka

Aadan Madoobe oo ku guulaystay Gudoomiyaha Baarlamaanka

Natiijada wareega kowaad ee Doorashada Guddomiyaha Golaha Shacabka :

1. Xasan Abdinur 98 cod

2. Shiekh Adan Madobe 74 cod

3. Abdulaahi Black 33 cod

4. Sharif Mohamed 13 Cod

5. Aadan Saransoor 23 cod

6. Abdirashid Xidig 6 cod

7. Saadiq 5 cod

Musharax Aadan Maxamed Nuur Saransoor iyo musharax Cabdulaahi Axmed Black ayaa ka tanaasulay tartanka doorashada Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS.Wareegga 2aad ayaa waxaa ku tartamay Sheekh Aadan Madoobe iyo Xasan Cabdinuur.

Doorasho ka dhacday caawa Xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa wareegga ugu dambeeyay ku tartamay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Xasan Cabdi Nuur.Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada oo loo kala helay sidaan.Xasan Cabdinuur oo helay 89Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe 163.

Booliiska Toronto oo Gacanta ku soo Dhigay Shakhsi Soomaali ah

Booliiska Toronto ayaa gacanta ku soo dhigay gacan ku dhiigle lagu magacaabo Abdilaziz Mohamed kaas oo kamid ahaa dadka aadka loo raadinayey. Sida ay booliiska sheegeen Abdilaziz ayaa dil u geeystay shaqsi lagu magacaabo Craig MacDonald oo jira 43 sanno.

Hadaba Cabdiaziz ayaa ka mid ah shakhsiyaad gaaraya 25 qof oo aad loo raadinayo. Booliiska ayaa dul dhigay $250,000 oo dollar ciddii soo sheegta meesha uu ku sugan yahay Cabdulaziz, balse waqti yar kadib waxaa booliiska la soo xiriiray qof sheegay inuu hayo macluumadd ku saabsan meesha uu ku sugan yahay Cabduaziiz, waxaana booliiska ay soo xireeyn shalay. Sidoo kale waxaa liiska ku jira shakhsiyaad kale oo Soomaali ah oo iyana loo heeysto dilal.