Karaash oo wasiiro magcaabay

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash Karaash ayaa shaqadii ka eryey sadexddii wasiir oo aad ugu dhowaa madaxweyne Deni

Wsiiradan ayaa kka soo kaal jeeday Cumar Maxamuud, Ciise Maxamuud iyo Cali Saleebaan, waana kuwii diidanaa in Puntland ay noqoto Saldanad Burhan iyo Ilmo diyaano siday doonaan ka yeelaan

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa xilka ka qaaday wasiirkii amniga , gudaha iyo Maaliyadda , wuxuuna magcaabay kuwo cusub.

1.CabdiqaniBumbo;Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

2. Axmed Xaaji Bakiin;Wasiirka Amniga.

3. C/risaaq Gaawiido;Wasiirka Maaliyada.

Aadan Madoobe oo amar siiyey taliyeyaasha ciidamada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida.

Sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta golaha shacabka u uku leeyahay Facebook, kulanka ayaa waxaa diiradda saaray xaaladda amniga doorashada dalka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in saraakiisha ciidanka looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne.

Ma cadda waxa ay saraakiisha uga jawaabeen hadalka guddoomiyaha.

Kulankan ayaa imanaya ayada oo la filayo in dhowaan lagu dhowaaqo xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo la filayo inay noqoto daba-yaaqada bishan.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa horey u hareeyey Murano la xiriira amniga ayada oo ay ugu dambeysay tii guddoonka golaha shacabka, oo taliyaha booliska Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar uu codsaday in dib loo dhigi balse lagu gacan sayray.

Xaqiiqda Miyeey Rabaan Ineey Daboolaan?

Mucaaradka Soomaaliya waxaa halku-dheg u ah “Wixii shanta sano dalkan ka dhacay….”. Bal aan su’aalo ka waydiinno wixii shantaa sano dhacay qaarkood. 

1. Shantaa Sano Madaxwayne Farmaajo ciidamadii ugu tiro iyo tayo badnaa burburkii kaddib saw muuna dhisin? – Haa; laakiin….?

 2. Shan sano oo xidhiidha saw shaqaalaha iyo ciidamada Qalabka sidaa si joogta xuquuqda mushaharaadka uma helayn markii koowaad burburkii kaddib? – Haa, laakiin…? 

3. Baddii Kenya afka loo galiyay saw uma dhabar adaygin oo ma soo dhicin? – Haa, laakiin….? 

4. Hawadii Soomaaliya ee Kenya laga maamuli jiray saw dalka kuma soo wareejin oo maanta Muqdisho lagama maamulo? – Haa, laakiin….? 

5. Kooxdii Xalane (IC) saw sanka tuurrin kama galin oo kama dhex-saarin siyaasaddii arrimaha gudaha ee ay ku dabaalan jireen? – Haa, laakiin….? 

6. Muqdisho amnigeedii saw wax wayn oo wayn iskama beddelin shantaa sano? – Haa, laakiin…? 

7. Qabyaalad uu tolkii iska hareera buuxiyay muyaad ku aragteen shantaa sano? Maya, laakiin…? 

8. Saxaafadda xorta ah iyo siyaasiyiinta maalin iyo habeen magiciisa jeex-jeexa uma uba hanjaba miyuu xidh-xidhaa? – Maya; laakiin….? 

9. Musuq iyo tuuganimo maku haysaan oo guryo cad-cad (sida raggii ka horreeyay) maka dhistay dhaqaalah dalka, dhulkii danta guudna mala boobay? – Maya, laakiin…? 

10. Dibu-habayn xooggan maku sameeyay dhaqaalihii dalka oo Barnaamijkii dayn cafisku meel gabo-gabo ah ma marayaa? – Haa, laakiin…? 

11. Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee daafaha caalamka xabsiyada ka buuxay masoo daad gureeyay oo dalkooda hooyo maku soo celiyay? – Akh! Haa; laakiin….? 

12. Mucaaradka maalin iyo habeen Makarafoonada kor haysta, miyuu juuq u yidhaahdaa ama dawladdiisa u jawaaba ku yidhaahdaa? – Maya; laakiin….? 

13. Doorasho qof iyo coda dalka ha laga qabto ma yidhi oo sharcigeedii ma sexeexay kaddibna idinku (Mucaaradka) ma diideeen? – Haa, laakiin…? 

14. Heshiis walba oo Doorashada dad’ban laga gaadhay idinku (MM + PL iyo JL) ma diidayseen kaddib markaad Kenya iyo Imaaraadka kasoo laabataan? – Haa, laakiin….? 

15. Doorashada maamulkeeda wareeji oo Rooble u dhiib ma tidhaahdeen oo ma idinka yeelay? – Haa, laakiin….? 

16. Halkii sano ee la soo dhaafay xukuumadda iyo Doorashada ba saw maydaan idinku maamulayn oo xafiiska R/Wasaaruhu gacantiina kuma jirin? Haa, laakiin…? 

17. Wixii fool-xumo, dulmi iyo is dar-darin doorasho ku sheegta ka dhacay saw maydaan daawanayn kana aamusin? – Haa, laakiin…? 

18. Saw maydaan hub iyo ciidamo urursan oo magaaladan Muqdisho ee quruxda badan dadkeedii qixin, anigoo awood ciidan iyo sharciyad maamul haystana gacmaha iskama xidhin si aan qofna innooga dhiman? – Haa, laakiin…? 

19. Laakiin… Hee? – Waannu ka masayray hab maamulkiisa!

W/Q Ismaaciil Cali Ismaaciil.

Soomaalida Canada oo ciidda sannadkan meel fagaare ah ku tukanaysa ka dib markii la qaaday xayiraaddii COVID19

CANADA – Soomaalida dalka Canada ayaa maalinta Isniinta u dabbaal-degaya ciidda, iyadoo laga qaadey dalkaasi xayiraaddii xanuunka Covid19. Soomaalida ayaa qorshaynaya inay salaadda ciidul fidriga isugu tagaan goob uu u diyaariyey maamulka masaajidka Khalid Bin Waliid ee magaalada Toronto oo ah masaajid ay maamulaan Soomaalidu.

Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida

Madaxda iyo shucuuubta dalalka dunida ee ku bahoobay ama ku mideysan hey’adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegay munaasabadda 1-da May oo ku beegan xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida ILO (International labour Organisation) .

 1-da May waa maalin weyn oo caalamka oo dhan ay u dabbaaldegaan munaasabadda maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii  ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameystiran oo lagu wadaago shaqada.

Sh. Aadan Madoobe oo ka hadlay doorashada madaxweynaha, xildhibaanada Gedo, qodobo kale

MUQDISHU – Sheek Aadan Maxamed Nuur (Sh. Adan Madoobe) ayay xubnaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ay mar kale u doorteen inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka 28-kii April ee sanadkan, waxaana uu xilkaasi si rasmi ah ula wareegay Sabtidii shalay.

Haddaba wareysi gaar ah oo uu Sh. Aden Madoobe siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu uga hadlay waxa ay uga dhigan tahay in xilka guddoonka baarlamaanka mar kale loo doorto, howlaha ugu waaweyn ee horyaala ee mudnaanta u leh, doorashada madaxweynaha Soomaaliya, wax laga yeelayo xildhibaanada 32-ka ah ee ka socda gobolka Gedo, iyo arrimo kale.

Shariif Sheekh Axmed oo ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP146

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#146 ee BFS oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Shariif ayaa isla maanta Jowhar lagu guddoonsiiyey shahaadada murashaxnimo ee kursigaas, waxaana kula tartamiyay musharax lagu magacaabo Shariif Abuukar Axmed.