Turkiga, Qadar iyo Imaaraadka oo isku haysta garoon diyaaradeed oo dal kale ku yaalla

Turkiga, Qadar iyo Imaaraadka oo isku haysta garoon diyaaradeed oo dal kale ku yaalla

Waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in uu saxiixo heshiis uu kula wareegayo maamulka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Kabul iyo dhowr garoon oo kale oo ku yaalla waddankaas.

Warkan ayaa laga soo xigtay ilo ku dhow wadaxaajoodka u dhaxeeya mas’uuliyiinta Taliban iyo saraakiil ka socda Imaaraadka.

Dhowr isbuuc gudahood ayaa la shaacin doonaa natiijada wadahadalkan, haddii heshiis lagu gaaro.

Dowladda ay dhiseen Taliban oo aan caalamka laga aqoonsanayn ayaa wadahadal la xiriira ciddii garoonka maamulkiisa lagu wareejin lahaa kula jirta awoodaha waaweyn ee gobolka, sida Turkiga iyo Qadar.

Ankara oo kaashanaysa Qadar ayaa markii hore ku tajo waynayd in gacanta loo geliyo howlaha garoonkan go’doonsan oo lagu magacaabo Hamid Karzai.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa tebisay in sidoo kale laga wadahadlay heshiis ay Turkiga, Qadar iyo Imaaraadka si wadajir ah ugu maamuli karaan garoonka ugu wayn waddanka Afghanistan.

Hase yeeshee Taliban ayaa isu diyaarinaysa in ay howsha oo idil u dhiibto Imaaraadka Carabta, oo ah waddankii horay u maamuli jiray garoomada Afghanistan.

Garoonka diyaaradaha ee Kabul

Haddii heshiis laga gaaro arrinta garoonka waxaa la filayaa in maamulka Taliban ay helaan waddo ay go’aanka uga bixiyaan dalka Afghanistan.

Abaaro baahsan, gaajo iyo xasarado dhaqaale ayaa gilgilay waddankan oo caalamka uu kasoo horjeestay markii ay xukunkiisa la wareegeen kooxda Islaamiyiinta ah.

Dhanka kale, Imaaraadka ayaa haddii lagu wareejiyo garoonkan guul kasoo hoyinaya dagaalka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Qadar, oo ay isku hayaan saamaynta gobolka.

Saraakiisha Taliban ayaa bishii May heshiis la saxiixday shirkadda GAAC oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Qodobbada la isku afgartay waxaa ka mid ah in haddii Imaaraadka lagu wareejiyo garoonka ay shaqo siiyaan dadka reer Afghanistan, kuwaasoo loo qorayo shaqooyinka ay xitaa ka mid tahay sugidda amniga.

Shirkaddan ayaa gacanta ku haysay garoonka ka hor inta aysan Taliban xukunka qabsanin bartamihii sanadkii lasoo dhaafay.

Gegida diyaaradaha ee Kabul

Ilo wareedyo aan la magacaabin oo ay soo xigatay BBC-da laanteeda af Turkiga ayaa sheegay inay burbureen wadahadallo ay Turkiga iyo Qadar si wadajir ah ula lahaayeen mas’uuliyiinta Taliban.

Hase yeeshee wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saddexda dowladood ee ku loollamaya la wareegista garoonka Kabul.

Qadar oo saldhig u ah qaar ka mid ah madaxda Taliban ayaa la aaminsanaa in ay heshiiska hesho, waxaana ay garoonkan gacanta ku haystay tan iyo markii ay burburtay dowladdii uu Mareykanka taageerayay.

Afhayeen u hadlay shirkadda GAAC ayaa Reuters u sheegay in shirkaddooda loo ansixiyay inay sii waddo howlaha ay ka qaban jirtay garoonka

Madaxweyne Xasan Culusoow oo si weyn loogu soo dhoweeyey Asmara

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee maanta ka ambabaxay magalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo ay uga billaabatay booqasho qaadan doonta afar maalmood.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Isaga oo casuumad ka helay madaxweyne Isaias Afwerki, madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Asmara ku yimid booqasho afar maalmood ah. Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa waxaa si diiran usoo dhoweeyey madaxweyne Afwerki.”

Madaxtooyada oo galabta qoraal ka soo saartay safarka madaxweynaha ayaa lagu yiri, “Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.”

Mudaaharaadayaal Galay Aqalka Madaxweeynaha

Mudaaharaadayaasha dalka Sirilaanka ayaa gudaha u galay aqalka madaxweeynaha ee dalkaas. Madaxweenaha dalkaas iyo qoyskiisa ayaa dalkaas ka geeystay musuqmaasuq baahsan kaas oo jilbaha dhulka u dhigay dhaqaalihii dalkaas.

Dadka mudaaharaadaya ayaa isku soo sawiray sariirta madaxeeynaha, dharkiisa iyo iyaga dabaal ugu dhaqaaqay barkadda lagu dabaasho. Madaxeeynaha dalkaas ayaa loola cararay meel aan la shaacin, wuxuuna sheegay in xilka uu isaga dagayo.

QM oo sheegtay abaarta dalka ku dhufatay ay tahay tii ugu darneed

Gobolada dalka waxaa ku dhufatay abaar sababtay in dadka Soomaaliyeed ee reer miyiga ah ku waayaan xoollo iyo daaqsinba.

Abaartaan ayaa ah mid saameen ba’an ku yeelatay wax soo saarkii beeraha waxaana hoos u dhac ween ku yimid beerashada dalagyada noocyadooda kala duwan.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in abaarta dalka ku dhufatay ay tahay tii ugu darneed muddo 40 sano ah.

Inta badan Soomaalidu waa xoolo dhaqato, waxayna ku tiirsan yihiin xoolahooda, balse sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ilaa saddex milyan oo xoolo ah ayaa ku dhintay abaarta ka jirta dalka.

in ka badan 805,000 oo qof ayaa ku barokacay abaaraha, halka, ​​rubac milyan qof ay soo food saartay macluul.

7.1 milyan oo Soomaali ah, ku dhawaad ​​kala bar dadka dalka, ayaa wajahaya heerar cunto yari ba’an.

Qaar ka mid ah qoysas ka soo barakacay deegaanka Buulo-Warbo, oo 140-km koonfur-bari kaga beegan caasimadda Muqdisho,isla markaana soo gaaray kaamam ku yaalla degmada Daayniile, ayaa sheegay in afar xilli aysan helin roobab wanaagsan,sidaa daraadeedna ay soo foodsaartay baahi iyo macluul ku qasabtay in ay lug ku soo galaan Muqdisho.

Maaha waqtigii faanka

Siyaasadda Puntland ayaa keentay in madaxda Federaalku noqdaan beesha Hawiye, sidaas awgeed waa khasab in lagala shaqeeyo dawladnimada.

Siyaasad xumadda iyo wada tashi la’aanta siyaasiyiinta Majeerteen ku hogaaminayaan Puntland ayaa keenay in Soomaaliya ay madax ka noqdaan Xasan Culusow iyo Cabdi Shakuur.

Siyaasiyiinta noocaas ahaa, ayaa Manaata ku canbaareenaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka codsaday in madaxda Federaalku degaanada Puntland yimaadaan oo ay arkaan Soomaalida ay abaaruhu saameeyaan.

Lacagta magaca Soomaalida loogu soo qaaraamo ama lagu helo, maaha wax beel iyo degaan gaar ah ay leeyihiin, sidaas awgeed Gudoomiyuhu waa ku sax san yahay in fatooshnimada, faanka siyaasiyiinta Puntland qaarkood uu ka hormario in wax loo qabto Soomalaida baahan ee ku nool degaanada Puntland

Madaxweyne Afrikaan ah: Hay’adaha sirdoonku way i ceebeeyeen”

Madaxweyne Afrikaan ah: Hay’adaha sirdoonku way i ceebeeyeen”

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa sheegay inuu waji gabax kala kulmay hay’adaha sirdoonka dalkaas, kaddib weerarkii lagu qaaday xabsiga Kuje ee magaalada Abuja habeenkii talaadada.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay mar uu Arbacadii shalay ahayd booqday xabsiga, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray afhayeenkiisa Malam Garba Shehu.

“Hay’adaha sirdoonku way i ceebeeyeen, sidee argagixisadu u diyaar garoobi kartaa, oo hubka u qaadan kartaa si ay u weeraraan bar-koontarool oo ay  u baxsadaan?” Waa su’aalihii uu ku canaantay ciidamada asluubta ee xabsigaasi ka shaqeeya.

Madaxweynaha ayaa jeelka joogay ku dhowaad 30 daqiiqo, wuxuuna su’aalo dhowr ah weydiiyay maamulka iyo ciidamada xabsiga.

“Sidee ayay ciidamadu asluubtu ugu fashilmeen in ay joojiyaan weerarka? Imisa maxbuus ayaa ku jirta? Imisa ayaa la raadin karaa? Imisa askari ayaa shaqada ku jiray xilliga uu falku dhacayay? Imisa ayaa sitay hub? Waa su’aalihii uu ku boobay madaxweyne Buhuri ciidamada iyo madaxdooda.

Isagoo u muuqday inuu ka careysan yahay weerarka kooxaha hubeysan ay ku qaadeen jeelka ayuu sii waday su’aalo waydiinta la xiriirta sida ay wax u dhaceen. “Ilaalada xabsigu miyay fuuleen taawarka? Kaamarada ammaanku miyay shaqaynaysaa?”

Madaxweynaha ayaa markii dambe sheegay in loo baahan yahay in warbixin laga siiyo sida ay wax u dhaceen oo faah-faahsan.

Madaxweyne Buhari

Dhanka kale, Weerar ay mintidiin hubeysan ku qaadeen kolonyada madaxtooyada dalka Nigeria ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga falceliyay dadka Nigeria iyo khubarrada dhanka ammaanka, kuwaas oo sheegay in ay taasi calaamad u tahay xaaladda ammaan ee dalkaas oo sii xumaaneysa.

Kolonyada ayay dabley hubeysan weerartay habeennimadii Talaadada ee toddobaadkan, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Daura ee Ismaamulka Katsina.

War-saxaafadeed uu soo saaray Mallam Garba Shehu oo ah afhayeenka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Nigeria uusan la socon kolonyada xilliga uu weerarku dhacayay.

Weerarkii lagu qaaday kolonyada madaxtooyada iyo sidoo kale weerarro is-xigxigay oo lala beegsaday ciidamada ammaanka oo uu ka mid ahaa dilkii taliyihii hore ee booliska iyo guddoomiye ku-xigeenka gobolka Katsina ayaa dhamaantood dhacay isku waqti.

Sidoo kale, waxaa jiray weeraro gaadmo ah oo ka dhacay gobolka Niger, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan dad gaaraya 30 qof. Halka weerarku uu ka dhacay ayaa ah goob macdanta laga qodo, waxaana khubarrada dhanka ammaanka ay ku tilmaamayaan falalkaan is-xigxigay ee dhanka amniga ah arrin muujinaysa sida kooxaha hubeysan ay ugu xoogaysanayaan dalka Nigeria

Xeeldheerayaasha ayaa sheegaya in tallaabooyinkaan ay sameynayaan kooxaha hubeysan ay horseedi karto inay isbidaan awood iskuna arkaan in meesha ayba ka saari karaan dowladda.

Dr Kabiru Adamu, oo ah khabiir dhanka ammaanka ah oo u dhashay dalka Nigeria, ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada ammaanku ay u muuqdaan inay ka tageen xeeladahooda ka-hor-tagga argagixisada ama laga yaabo in qaar aysan fahmin xeeladahaas. Wuxuu sheegay in waxa ciidamada ka maqan ay tahay ururinta xogta shakhsi, la socodka yo isku xirnaanta.

“Dableyda ayaa hore weerarro u soo qaaday, waa ay guulaysteen, mana jirto wax natiijo ah oo ka soo baxay tallaabo kasta oo ay dawladdu qaaddo,” ayuu yiri Mallam Kabiru Adamu.

Wuxuu sheegay in ay jiraan weerarro iyo guulo badan oo ay soo hoyeen kooxahaas, kuwaas oo aan wax tallaabo ah laga qaadin.

Kabiru ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto habacsanaan dhanka xog-ururinta iyo dabagalka ah oo dhanka ciidamada ah.

Dadweynaha Nigeria ayaa falalkaan ugu dambeeyay ee dhanka amniga ah iyaguna kaga falceliyay baraha bulshada, waxayna walaac ka muujinayaan weerarrada isa-soo-taraya ee kooxaha hubeysan ay ka gaysnayaan dalkaas. Dowladda ayay ku booriyeen in ay la timaado qorshe ay wax uga qabanayso.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson oo ku dhowaaqay is-casilaad

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson oo ku dhowaaqay is-casilaad

Boris Johnson ayaa maanta iska casilay xilka hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka ee Britain, taasi oo dhabbaha u xaareysa doorashada ra’iisul wasaare cusub kadib markii wasiiro dhowr ah ay iska casileen dowladdiisa ay fadeexadaha hareeyeen.

“Waa ay cadahay rabitaanka xildhibaanada Conservative-ka ee ah in xisbiga uu helo hoggaamiye cusub, sidaa darteedna ra’iisul wasaare cusub,” ayuu yiri Johnson isaga oo ka hadlaya banaanka xafiiska 10 Downing Street.

Johnson, oo 58 jir ah, ayaa ku dhowaaqay inuu iscasilayo kadib markii xubno badan ay iska casileen dowladdiisa, balse wuxuu sheegay inuu si hayn doono xilka ra’iisul wasaaraha illaa laga helo qofkii beddeli lahaa.

Waqtiga lagu soo dooran doono hoggaanka cusub ee xisbiga Tory ayaa lagu dhowaaqi doonaa toddobaadka soo socda kadib saddex sano oo qalalaase uu hareeyey.

Johnson ayaa sheegay inuu “ka murugsanaa inuu ka tanaasulo shaqada ugu wanaagsan dunida,” wuxuuna qiil u sameeyey inuu u dagaalamayey illaa sacaaddii ugu dambeysay kadib markii shacabka ay doorteen bishii December 2019.

Sacaado kahor ku dhowaaqista Johnson, hoggaamiyaha xisbiga mucaraadka ee Labour-ka Keir Starmer ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka la filayey.

Hase yeeshee Starmer ayaa sheegay “in isbeddel dowlad oo ku habboon,” loo baahan yahay, wuxuuna dalbaday in codka kalsoonida laga qabto baarlamanka taasi oo horseedi karta doorasho guud.

Kadib maalmo uu u dagaalamayey shaqadiisa, Johnson ayaa waxaa faarujiyey waxyar mooyee inta badan xulafadiisa kadib markii fadeexado dhowr ah oo cusub ay jebiyeen rajadoodii aheyd inay taageeraan.

“Is-casilaaddiisa waxay aheyd mid aan la huri doonin,” waxaa sidaas yiri Justin Tomlinson oo ah guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Conservative-ka oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

“Xisbi ahaan waa inaan si deg deg ah u midownaa oo aan diiradda saarnaa waxa muhiimka ah. Waxaan ku jirnaa waqti adag dhinacyo badan.”

Taageerada Johnson ayaa baaba’day intii lugu guda jiray mid ka mid ah 24-kii saac ee ugu qalaalasaha badnaa taariikhda siyaasadda Britain, taasi oo uu tusaale u yahay wasiirka maaliyadda Nadhim Zahawi, oo xilkaas loo magacaabay Talaadadii un, kaasi oo ra’iisul wasaaraha ugu baaqay inuu is-casilo.

Zahawi iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada ayaa xalay tegay xafiiska Downing Street si ay ugu sheegaan Johnson in watqigiisa uu yimid.