Xasan Sheekh: 2023 wuxuu noqonayaa sanad adeeg, waxqabad iyo dib u xoreyn

Xasan Sheekh: 2023 wuxuu noqonayaa sanad adeeg, waxqabad iyo dib u xoreyn

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sannadka cusub ee 2023 uu noqonayo sannad adeeg iyo waxqabad ay la timaado dawladdiisa.

Madaxeynaha ayaa galabta jeediyey khudbad ku aaddan sannadka cusub ee 2023. Waxa uu sheegay in sanandkan uu noqonayo sannadka dib u xiraynta, iyo dhammaystirka dastuurka qabyada ah.

Madaxeynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda amniga ee dalka iyo hawlgalladii bilahan socday ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladdiisu ay hiigsanayso sidii ay mas’uuliyadda amniga waddanka ula wareegi lahayd bisha Decembar sannadka 2024-ka, markaas oo loo qorsheeyey inay dalka ka baxaan ciidamada Midowga Afrika.

Isaga oo ka hadlayey arrimaha dhaqaalaha ayuu madaxwyenuhu sheegay in Soomaaliya ay dhammaystiri doono hannaanka dayn cafinta sannadkan bartamihiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay in Soomaaliya ay sannadkan ku biirto suuqa ganacsiga Bariga Afrika ee Eastern Africa Community, iyo in sidaasi oo kale ay Soomaaliya danaynayso inay qayb ka noqoto suuqa Maraykanka iyo Afrika ee badeeccada canshuur-dhaafka u sameeya wax soo saarka Afrika ee AGOA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Marwo Anita Kiki Gbeho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Marwo Anita Kiki Gbeho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulanka Guddoomiyaha iyo Marwo Anita Kiki, ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh dib-u-heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo xustay inay UNSOM taageereyso dadaalada uu garwadeenka ka yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada argagaxisada go’doomiyeen.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa gunnaanadka kulanka ayuu Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay halka ay mareyso arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed isagoo la wadaagay inuu kulamo la qaatay siyaasiyiinta ka aragti duwan Maamulka Koonfur Galbeed.

Roob Xooggan oo ka da’ay gobollada Bari iyo Sanaag

Roob Xooggan oo ka da’ay gobollada Bari iyo Sanaag

Iyadoo Soomaaliya ay wali ka jirto halis la xiriirta macluul ku dhufata qeyba ka mid ah dalka ka dib abaar ka dhalatay shan xilli roobaad oo roobkii uu baaqday ayaa hadda gobollada qaar waxaa ka bilowday roob lagu diirsaday.

Wararka ka imaanaya gobolka Bari iyo qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ayaa sheegaya in roob mahiigaan ah uu halkaasi ka da’ay.

Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan magaalada Boosaaso inooga soo dirtay.

Dhakhaatiirtu waxay u sheegeen in sannad ka dib uu u dhimanayo xanuun hayay balse hadda wuu ka caafimaaday

Dhakhaatiirtu waxay u sheegeen in sannad ka dib uu u dhimanayo xanuun hayay balse hadda wuu ka caafimaaday

Ninkan oo nolosha ka quustay ayay “fursad albaabkiisa soo garaacaday”  taas oo uu si sax ah uga faa’iideystay.

Waxaa loo soo bandhigay inuu ku biiro tijaabada dawo cusub oo loogu talagalay xanuunka kansarka ka dib markii loo qabtay keliya 12 bilood inuu sii noolaanayo.

Robert Glynn waxaa laga helay nooc ka mid ah kansarka qanjirarrada xameetida sanadkii 2020 ka dib markii uu u tagay xarunta lagu baaro xanuunka isagoo uu hayay xanuun daran oo garabka ah.

51-jirka ayaa sheegay inuu aad u nasiib badan yahay maadaama uu kansarka qabay muddo laba sano ah isagoo aan wax fikrad ah ka haysan.

Mr Glynn, oo ka shaqeeya alxanka, ayaa la sheegay in xanuun daran uu ka dareemay garabka, taasoo keentay inuu seexan kari waayo.

Wuxuu booqday xarunta GP waxaana lagu sameeyay baaritaanno dhanka dhiigga ah.

‘Samee wax kasta oo aad awooddo’

Mr Glynn waxa uu sheegay in uu noloshiisii ​​beddelay ka dib markii laga helay cudurka, isaga oo lumiyay ilaa 31kg,  uuna hadda rajaynayo mustaqbalka wanaagsan
Qoraalka sawirka,Mr Glynn waxa uu sheegay in uu noloshiisii ​​beddelay ka dib markii laga helay cudurka, isaga oo lumiyay ilaa 31kg, uuna hadda rajaynayo mustaqbalka wanaagsan

Maalin ka hor dhalashadiisa 49aad, ee Ogosto 2020, waxaa loo sheegay inuu qabo kansarka qanjirrada, kaas oo heer sare gaaray kuna faafay qanjiraada loo yaqaan adrenal.

Qiyaastii 1,000 qof ayaa sannadkii laga helaa kansarka noocaas ah sannadkaas gudaha UK.

Waxa loo gudbiyay The Christie halkaas oo lagu soo bandhigay fursad uu kaga qaybqaato tijaabada caafimaad ee daawada difaaca jirka ee tijaabada ah ee aan la magacaabin, oo ay weheliso kiimoterabiga caadiga ah.

Daawaynta ayaa keentay in buro beerka kaga soo baxday ay ka soo yaraato 12cm ilaa 2.6cm, halka midda qanjirrada adrenal-ka ku jirta ay hoos u dhacday 7cm ilaa 4.1cm.

Tani waxay la macno tahay in Mr Glynn ay u suurogashay in uu qaliin maro bishii April.

Intii lagu guda jiray qalliinka, dhakhaatiirta qalliinka ayaa waxay arkeen kaliya unugyo aan nooleyn, taas oo ka dhigan in daaweyntu ay dishay dhammaan unugyada kansarka.

Mr Glynn ayaa sheegay markii “la siiyay fursad uu kaga qayb qaato cilmi-baarista, ay ahayd mid aan la beerdaryn karin”.

“Waxaad samaynaysaa wax kasta oo aad noloshaada ku bad-baadin karto,” ayuu yiri.

“Aad ayaan u nasiib badanahay maadaama aan kansarka qabay laba sano oo aan wax fikrad ah ka haysan, markaa inaan si cad u ogaado waxay ahayd mid xad dhaaf ah.

“Maanta halkan ma joogi lahayn haddii aysan tijaabada ahaym.”

Tan iyo markii uu qalliinka galay, ma helin wax daawayn ah oo dheeraad ah, waxaana baaritaankii saddexda bilood ahaa ee lagu sameeyay ay muujinayeen inuu gabi ahaanba ka nadiif yahay kansarka.

Tijaabada ayaa waxaa maamulayay The Christie’s Prof Juan Valle, kaas oo sheegay in natiijada cilmi-baarista iyo daraasad kale oo weyn ay “si weyn u sugayeen asxaabta adduunka oo dhan sababtoo ah waxay horseedi kartaa isbeddel ku yimaada sida aan ula macaamilno bukaannada sida Robert mustaqbalka”.