Golaha Congress-ka Maraykanka oo markii lixaad ee codayn ah, ku guul daraystay inay doortaan ‘afhayeenka golaha’

Golaha Congress-ka Maraykanka oo markii lixaad ee codayn ah, ku guul daraystay inay doortaan ‘afhayeenka golaha’

Xubnaha cusub ee loo doortay golaha Congresska ee Maraykanka ayaa maalintii shalay ahayd waxay isugu yimaadeen kalfadhigoodii ugu horreeyey. Mudanayaasha ayaa shaqadooda ugu horraysa ay noqotay inay doortaan afhayeenka golaha, waxaana ku tartamaya laba musharax oo ka kala tirsan Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga.

Xisbiga Jamhuuriga waxaa musharax u ah Kevin McCarthy, halka uu xisbiga Dimoqraadigana musharax u yahay Hakeem Jeffrin.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa haysta 222 mudane oo ka mida 435-ka mudane ee uu ka kooban yahay aqalka wakiilladu, halka xisbiga Dimoqraadiguna uu haysto 212 mudane.

Mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga oo haysta aqlabiyadda golaha congress-ka ayaa ku guuldaraystay markii lixaad ee codayn ah, inay doortaan afhayeenka aqalka congresska ee Maryakanka, ka dib markii uu musharaxa Kevin McCarthy uu waayey codad ku filan oo uu ku noqdo afhayeenka golaha.

Illaa lix jeer oo kala duwan ayaa goluhu sameeyey codayn, la doonayey in lagu doorto afhayeenka golaha congresska, hase ahaatee Kevin McCarthy, dhammaan lixdaas jeer ee la codeeyey wuxuu gaadhi waayey 218 cod, oo ah tirada ay tahay inuu helo qofka noqonaya afhayeenka golaha congresska ee Maraykanka.

Musharaxa la tartamaya ee xisbiga Dimoqraadiga Hakeem Jeffrin ayaa isagu u baahan inuu helo illaa 16 cod, si uu u noqdo afhayeenka golaha.

Kevin McCarthy waxaa diidan illaa 20 mudane oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga kuwaas oo u arka inaanu u qalmin inuu jagadaas qabto.

Sharciga u yaalla golaha ayaa dhigaya, in mudanayaashu ay codaynta afhayeenka wadaan, illaa musharax ka mida xildhibaanada goluhu uu helayo 218 mudane oo ka mida 435 xildhibaan ee aqalka wakiilladu ka kooban yahay.

Inta badan, xisbiga hela aqlabiyadda golaha ayaa si fudud u dooran jiran afhayeenka golaha, hase ahaatee, waa markii ugu horraysay, muddo ku siman 100 sannadood, oo musharax u taagan afhayeenka goluhu, uu waayo codad ku filan, codbixinta koowaad.

Kevin McCarthy ayaa isagu wacad ku maray, inuu tartami doono illaa uu ka guulaysanayo.

Lacag maalaayacni loo kharash garaynayo

Barnaamijka Galka Baarista waxa aan toddobaadkan ku faah-faahineynaa miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee uu dhowaan saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah tii ugu badneyd abid ee ay meel-mariso dowladda Soomaaliya.

Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.

Dalkaaga dib ugu laabo

ILhaan Cumar ” waxay igu dhaheen dalkaaga dib ugu laabo aniguna waa aaday, waxay indhahaygu soo arkeen waxay ku farxaan, si fiicana waa laygu soo dhoweeyey”

Gaal jecel iyo Jareer waxba loom qaban

Beelaha Gugundhae, Gaal jecel iyo Jareer, ma doonayaan madaxda Beelaha Xawaadle iyo Abgaal inay alshabaabka ka xoreeyaan

Xildhibaan Macalimuu “Madaxweyne Xasan Sheekh,Cali Guudlaawe iyo Dabageed hal deegaan ayey noqdeen habka ciidanka wax u maamulayaan looma sino,lama xoreyn deegaanada Beelaha Gugundhabe,Gaaljecel iyo Jareerweyne”

Madaxweyne Xasan oo kormeeray ciidanka laga soo celiyey Eritrea

Madaxweyne Xasan oo kormeeray ciidanka laga soo celiyey Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday ciidamada Soomaaliyeed ee dhowaan laga soo celiyey dalka Eritrea, kuwaas oo ku xareysan Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ciidankan faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka dagaalka dalka looga xoreynayo maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ciidanka u sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay rajo ka qabaan in ay dhammeystiraan dagaalka dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab.

“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne ayaa uga mahad celiyay Dowladda Eritrea garab istaagga ay u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa 21-kii December billowday inay dalka kusoo celiso askarta lagu soo tababaray dalka Eritrea oo gaaraya illaa 5,000, waxaana la filayaa in soo celintooda la dhameystiro bartamaha bishan.

Ninkani ma loo aqoonsan doonaa kan ugu dheer adduunka?

Ninkani ma loo aqoonsan doonaa kan ugu dheer adduunka?

Weriyaha BBC ee luqadda Pidgin, Favour Nunoo ayaa ka war doonaya xaaladda nin la sheegay in uu hanaqal taagayo in uu noqda qofka ugu dheer adduunka kaasoo ku nool waqooyiga Ghana, weriyaha wuxuu qaadaa dhigaya xaaladda ninkan, dhibaatada ugu weyn waa sidii lagu ogaan lahaa dhererka ninka gaar ahaan cabbirkiisa saxda ah.

Isbitaal ku yaalla waqooyiga Ghana ayaa u sheegay Sulemana Abdul Samed oo 29 jir ah in dhererkiisa uu gaaraya 9 ft 6in (2.89m) kadib markii baaritaan lagu sameeyay.

Tani waxay ka dhigan tahay ninka ugu dheer adduunka, laakiin rugaha caafimaadka ma xaqiijin karaan dhererkiisa saxda ah, sababta oo ah ma heystaan qalab sax ah oo lagu cabbiri karo.

Sanado ka hor waxaa lagu arkay cudur horseeda in xubnaha jirka ay xowli ah u koraan, Sulemana Abdul Samed wuxuu bil kasta tegi jiray xarumaha caafimaadka si wax looga qabto xaaladda caafimaad ee lasoo deristay.

Kalkaaliye aad u naxsanaa ayaa u sheegay Sulemaan, “Si aad ah ayaa u koreysaa, dhererkaadu wuu kasii darayaa”.

Dadka waxay ugu yeeraan naaneysta “Awuche” oo micnaheedu yahay luqadda Hausa ‘aanu soconno’, sida majaajileyste ayuu ninkan dad badan u yahay.

Kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee deegaanka uu ku nool yahay waxaa ku adkaatay inay soo saaraan dhererkiisa saxda ah iyagoo isku dayay siyaabo kala duwan oo lagu ogaanayo cabbirkiisa.

‘Weli ninka wuu sii dheeraanayaa’

Weriyaha BBC-da oo markii ugu horreysay waqooyiga Ghana kula kulmay Awuche halkaasoo si weyn loo yaqaanno ninkan, ayaa sheegay in xilliggaas uusan heysan qalabka lagu ogaanayo qiyaasta dhererka ninkan, wuxuu qaatay qalab sida dun oo kale ah si uu ula socdo cabbirkiisa- weriyaha wuxuu tagay tuulada Gambaga oo uu ku noola Awuche.

Awuche oo la cabbirayo dhererkiisa
Qoraalka sawirka,Awuche oo la cabbirayo dheereerkiisa

“Sida ay ii cabbiraan ma dhihi karo wax kasta wey saxsan yihiin” ayuu yiri Awuche oo ah ninka ugu dheer deegaankiisa.

Weriyaha oo qalabka dunta ah ku ogaanayay inta uu gaarsiisan yahay dhererka Awuche wuxuu yiri, “Awuche, qalabka wuxuu ina tusay in dhererkaadu yahay 7ft 4in”.

Qofka ugu dheer adduunka ayaa ah nin 40 jir ah oo ku nool dalka Turkiga, sida ku xusan rikoodhka Guinness World Record ee hadda.

“Weli waan sii korayaa, yaa ogaan kara in maalin uun aan gaari karo heerkaas, saddexdii bilood iyo afartii biloodba mar waan koraa… Haddii aanad i arag saddex bilood ama afar bilood oo aad i aragto, waxaad ogaan lahayd inaan koray” ayuu yiri Awuche.

Awuche iyo walaalkii
Qoraalka sawirka,Awuche iyo walaalkii

Carrabkiisa oo dheeraaday

Ninka waxaa la dareemay in xubaha jirkiisa ay korayaan markii uu jiray da’da 22 oo uu ku noolaa caasimadda Ghana ee Accra.

Wuxuu usoo wareegay magaalada oo uu deggenaa walaalkii markii uusoo dhammeeyay dugsiga sare.

Xalaadda caafimaad darro ee uu isku arkay Awuche-waxaa dheeraatay laf-dhabartiisa
Qoraalka sawirka,Xalaadda caafimaad darro ee uu isku arkay Awuche-waxaa dheeraatay laf-dhabartiisa

Wuxuu ka shaqeyn jiray kawaan lagu qalo hilibka, lacagta uu ka qaato halkaas meel ayuu dhigan jiray si uu u barto darawalnimada

Subax ayuu hurdo kasoo kacay isagoo wareersan, “Waxaan xaqiiqsaday in carrabkaygu uu weynaaday isla markaana afkayga ku fiday heer aanan si fiican u neefsan karin,” ayuu yiri.

Waxa uu booqday farmashiye maxalli ah si uu u helo xoogaa dawo ah, si kastaba ha ahaatee maalmo ka dib qeybo kamid ah jirkiisa ayaa bilaabay inay koraan.

Markii qoyskii iyo asxaabtii tuuladiisa ay soo booqdeen magaaladii uu ku noolaa, dhammaantood waxay la yaabeen korriinkiisa, waxayna ahayd markii uu ogaaday inuu si tartiib tartiib ah isu beddelayo oo uu noqonayo qof weyn.

Wuxuu noqday nin dheer oo dadkii ka sare maray-wuxuu raadsaday dawo maaddaama uu korriinka uu dhibaatooyin kale kala kulmay.

Mid kamid ah astaanta ugu weyn uu isku arkay waxaa ka mid ah inay qalloocatay laf-dhabartiisa, xaaladdan waxaa la yirhaadaa, Marfan syndrome-waxayna ku dhacdaa hidde-sidayaasha oo saameeya unugyada isku xira jirka.

Xaaladdan waxay horseedaa in qofka lahaado addimo dhaadheer oo aan caadi aheyn iyo sidoo kale dhibaatooyin dhanka wadnaha ah.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen inuu u baahan yahay in qalliin dhanka maskaxdiisa ah lagu sameeyo si loo joojiyo korriinka.

Awuche wuxuu doonayay in uu noqdo darawalk dheereekiisa dartii- ma kaxeyn karo baabuur
Qoraalka sawirka,Awuche wuxuu doonayay in uu noqdo darawalk dheereekiisa dartii- ma kaxeyn karo baabuur

Laakiin adeegga caymiska daryeelka caafimaadka dadweynaha ee Ghana ma dabooli karo baahida dadka qaba cudurka, kaliya waxaa adeegsan kara bukaannada qaba cudurrada kale ee caadiga ah.

Mar kasta uu ninka isbitaal booqdo waxaa laga qaadaa $50 doolar.

Dhibaatada caafimaad ee soo wajahday ayaa ugu dambeyntii ku qasabtay inuu ku laabto xaafaddii uu ka yimid lix sano ka hor oo uu ka tanaasulo riyadiisa ah inuu noqdo darawal.

Wuxuu sheegay in xitaa uusan kaxeyn karin baabuur maaddaama dhererkiisa xad dhaafka ah uusan u saamaxeyn in uu galo gudaha shirka gaariga- haatan wuxuu la nool yahay walaakii , wuxuuna kala shaqeeyaa goob teleefoonnada lagu iibiyo.

Waa nin bulshada dhexdeeda caan ka ah

Dadweynaha waxay jecel yihiin inay sawirro la galaan Awuche
Qoraalka sawirka,Dadweynaha waxay jecel yihiin inay sawirro la galaan Awuche

Ninka dhibaatada heysa dhulka ma dhigin, wuxuu sawirro la galaa dadka deegaanka, waxaana la arkayay isaga oo farsaxan oo waqti la qaadanaya dadka xilli ay dhererkiisu ku farxayaan.

Waa nin gudaha dalkaas caan ka ah, Dad waayeel ah oo guri ag fadhiyay ayaa salaamay ninkan, carruur ayaa u gacan haadineysay, dumarka qaar baa la kaftamayay.

Dadka qaar waxay jecel yihiin inay sawirro la galaan ninkan xitaa dadka ajnebiga ah waxay ka cosdanayaan inay sawir la galaan si ay u arkaan ninka dheer ee ay baraha bulshada ku arkeen.