Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda caalamiga ah ee International Renewable Energy Agency (IRENA), ayaa waxaa lagu falanqeeyay muhiimadda Tamarta iscusbooneeysiisa, sida ugu habboon oo looga faaiideeysan karo iyo weliba sida loola jaanqaadi karo geediga cusub ee dunidu uga guureeyso isticmaalka Matoorada iyo Tamarta ku dhisan noocyada Shidaalka.
Wasiirka ayaa warbixin Ka siiyay Dowladaha iyo Hay’adahs caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay heerka ay mareyso Soomaaliya ee arrimaha Tamarta (korontada), waana kulankii sadex iyo tobnaad ee golaha hay’adda.
Shirweeynahaan oo socon doona illaa iyo 18 ka January 2023, ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno waa weyn oo dhaxalgal ah, kaas oo ku aadan hanaanka cusub ee dunida ugu guureyso tamarta laga dhaliyo qoraxda dabeeysha iyo Tamarta munaasabka la ah Bii’ada (Environmental friendly Energy)
Dhanka kale, wafdi wasiirka ayaa kullamo doceedyo la qaatay madax ka kala socota Dowlado iyo weliba Hey’ado ka shaqeeya arrimaha Tamarta iyo qaababka loo hormariyo ee casriga ah.
In South Sudan, 6 Journalists have been arrested on suspicion of recording a video of President Salva Kiir urinating on himself in public. pic.twitter.com/J7YQzQmCkp
Dowladda Soomaaliya ‘oo heshay xog ku saabsan Al-Shabaab’ iyo magacyada dadka u qaabilsan dhaqaalaha
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in uu faah faahin ka bixin doono tobaneeyo ka mid ah xisaabaadka Al-Shabaab ee Bangiyada iyo laacagaha teleefoonnada loo adeegsado oo ay dowladdiisu xannibtay.
Madaxweyne Xasan oo shalay khudbad ka jeedinayay bannaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho ayaa uga digay shacabka ku nool caasimadda inay bixiyaan wax uu ugu yeeray “lacago baad ah oo ay siiyaan kooxda”.
“Lacag malaayiin ah ayaa xisaabaadka iyo telefoonnada Al-shabaab ku xayiran maantadan aan idinla hadlayo, dowladdu way soo bandhigi doontaa,” ayuu ku yiri khudbadda uu madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay dibadbaxa ka dhacay Muqdisho.
Madaxweynaha, Ra’iisul wasaare ku xigeenka, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo boqolaal ka tirsan shacabka Muqdisho ayaa ka qeyb galay banaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.\
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah shacabka gobolka Banaadir ugu boorriyay in aaney ka cabsan Al-shabaab oo aaney dhaqaale u siin cabsi darteed maadama sida uu sheegay lacagaha laga qaado shacabka lagu sameeyo qaraxyada.
“Qaraxu carro maahan dhulka laga soo qaaday warshado lagu sameeyo qaraxa ma qabno waa la soo dhoofiyay, haddii la soo dhoofinaya doolar ayaa lagu keenay,” ayuu madaxweyne Xasan.
Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan sagaal weerar oo kala duwan ay ku qaadeen xarumaha ammaanka ee magaalada Muqdisho saacado kadib markii la soo afjaray isu soo baxaasi.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weeraradooda ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse ma aysan bixin faah faahin intaas ka badan.
Waaxda maaliyadda ee dowladda Mareykanka ayaa bishii Oktoober shaacisay inay heshay xogta ku saabsan dad ka tirsan shabakad isku xiran oo dhanka fududeynta dhaqaalaha u qaabilsan Al-Shabaab, kuwaasoo lasoo bandhigay magacyadooda.
Qoraal lasoo dhigay xilligaas bogga internet-ka ee Waaxda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in dadka la magacaabay ay door hoggaamineed ku leeyihiin Al-Shabaab ayna u shaqeeyaan sidii xiriiro muhiim ah oo u dhexeeya kooxda iyo shirkadaha maxaliga ah ee Soomaaliya.
Shabakaddan ayaa ku howlanayd soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo hawlo la xiriira qorista dadka ku biiraya al-Shabaab.
Liiska magacyada la shaaciyay ayaa kala ah:
ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab. Jeeri waxa uu Mareykanku ku tilmaamay madaxa qeybta hub soo iibinta ee Al-Shabaab, isagoo u qaabilsan hubka laga iibiyo suuqyada maxalliga ah iyo kuwa dibadda, oo intiisa badan laga keeno Yemen
KHALIF ADALE – oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn
HASSAN AFGOOYE – oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda. Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan.
ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE – oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate
ABDI SAMAD – oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda.
ABDIRAHMAN NUREY – oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay
Saddex qof oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas)
Dadkan magacyadooda la sheegay ayaa lagu soo rogay xayiraad dhanka dhaqaalaha ah.