Shirkii Deyn-Cafinta Soomaaliya iyo IMF oo lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi

Shirkii Deyn-Cafinta Soomaaliya iyo IMF oo lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta soo xiray shir muddo toddobaad ah uga socday Magaalada Nairobi qaar kamid ah hey’addaha Dowladda,hey’adda Lacagta Adduuunka iyo Bangiga Adduunka.

May be an image of 9 people, people standing and people sitting

Shirkaan ayaa muddadii uu socday waxaa diiradda lagu saaray dhammaan wixii ka qabsoomay fulinta shuruudaha deyn-cafinta oo qoddobka ugu muhiimsan uu yahay dib-u-habeynta maaliyadda iyo ku dhaqmidda shuruucda,shirkan ayaa Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa gaaaridda natiijada barta loo yaqaano ‘kama-dambeysta deyn-cafinta’ taas oo la rajeynayo in la gaaro dabayaaqada Sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka.

Ciyaaryahan Maraykan ah oo Turkigu uu ku daray liiska argagixisada

Ciyaaryahan Maraykan ah oo Turkigu uu ku daray liiska argagixisada

Dawladda Turkiga ayaa liiska argagixisada ee la baadi goobayo ku dartay ciyaaryahan ka tirsan kooxaha kubadda kolayga ee dalka Maraykanka oo lagu magcaabo Enes Freedom. Dawladda Turkiga ayaa dul dhigtay abaal marin lacageed oo gaadhaysa $500,000 (10 milyan oo lacagta Turkiga ah) madaxa ciyaaryahanka Enes Freedom.

Illaa haatan ma cadda goorta uu Turkigu liiska argagixisada ku daray ciyaaryahankan, hase ahaatee ciyaaryahanka Freedom ayaa u sheegay telefiishanka Fox News inuu arrintan ka warhelay, xilli uu ciyaarta kubadda kolayga u joogay xarunta Vatican, markaas ka dibna uu la xidhiidhay hay’adda FBI, iyaga oo kula taliyey inuu dib ugu laabto dalka Maraykanka.

“Tani waa markii ugu horeysay ee dhab ahaantii ay dowladda Turkiga ay madaxayga dul saarto abaal-marin oo ay i geliso liiska argagixisada ee loogu doonista badan yahay, sababtoo ah waxaan ka hadlaa qaar ka mid ah xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo maxaabiista siyaasadeed ee ka dhacaya Turkiga,” ayuu yidhi Enes Freedom xilli uu la hadlayey telefishanka Fox News, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey. “Waad la socotaan, anigu keligay ma ihi. Waxa liiskaas ku jira suxufiyiin badan, aqoonyahanno, macalimiin iyo dad caan ah.”

Ciyaaryahankan ayaa si ba’an u dhaleeceeya madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo weliba dhacdooyinka xuquuqda aadanaha ee dalkaas ka dhaca, wuxuuna ugu baaqay maamulka Biden iyo hoggaamiyayaasha kale ee reer Galbeedka oo ay ku jirto NATO inay tallaabo qaadaan.

Dambiile ku jira xabsiga Mareykanka oo farriin warbaahinta qabsatay u diray madaxweyne xil haya

Dambiile ku jira xabsiga Mareykanka oo farriin warbaahinta qabsatay u diray madaxweyne xil haya

Joaquín “El Chapo” Guzmán, oo ka mid ahaa dadka sida aadka ah loo doon doonayay ee daroogada ka ganacsada, ayaa billaabay codsi gargaar ah oo uu u dirayo madaxweynaha Mexico.

Mid ka mid ah qareennada “El Chapo’s”, José Refugio Rodríguez, ayaa sharaxay in macmiilkiisu u sheegay xaaladaha uu ku nool yahay xabsiga ADX Florence oo ah xabsiga ugu sarreeya ee gobolka Colorado, ee galbeedka Maraykanka.

Waxaana uu faray inuu la kulmo madaxweynaha Mexico si loo eego suurtagalnimada in uu ku laabto xabsiga Mexico.

“Xaaladiisa waa mid la xiriirta dhanka maskada sababtoo waxaa lagu xiray qol gaar ah,” Rodríguez ayaa u sharaxay raadiyaha Mexico ee Formula.

“Wuxuu ku dhawaaqayin arrintan ay tahay ku xad-gudubka xuquuqdiisa bini’aadminimo wuxuuna iga codsaday inaan u dagaallamo ku soo laabashadiisa Mexico.”

Hase yeeshee Wasiirka Arimaha Dibada ee Mexico Marcelo Ebrard, ayaa yiri:  “ma jirto wax fursad ah oo la xiriirta in Guzman dib loogu celiyo dalkiisa inta uu xukunka ku qaadanayo gudaha Mareykanka.

Laakin Lopez Obrador: “Marka ay xaaladda la xiriirta xuquul insaanka , waxaa jira waddooyin loo maro xiriirka caalamiga ah.”

.

Guzman ayaa lagu ciqaabay xabsi daa’in gudaha Mareykanka ka dib markii lagu helay dambiyo la xiriira ka ganacsiga daroogada sharci darrada ah.

“El Chapo” waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda Sinaloa, mid ka mid ah urrurada ugu haslista badan Mexico kaas oo loo haysto dilka tobannaan kun oo qof 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

“Muddo 6 sano ah qorrax ma arag”

Qareen Rodríguez oo ah Guzman u qaabisan Mexcico ayaa sheegay inuu helay farriin kaga timid El Chapo” Guzmán sannadkii 2021-kii.

“Waxa uu sheegay in muddo 6 sannadood ah oo uu joogay Mareykanka uusan arag wax qorrax ah” ayuu Qareen Rodríguez ku yiri wareysi uu siiyay raadiyaha Formula.

Waxa uu sidoo kale Rodríguez sheegay in macamiilkiisa uu u xaqiijiyay inuu “xanuunsaday” oo ilig laga hayay oo baddalkii laga daaweyn lahaa laga saaray iliggii si uusan mardambe uga sheegan.

Kaliya 6 goor ayay u oggolaadeen inuu waco kuwaas oo kala ah qareenkiisa, gabdhihiisa, walaashii iyo walaalkii. Waxay sidoo kale u oggolaadeen in 3 qof ay soo booqan karaan.

Waxa uu sidoo kale ka andacooday in cuntada la siiyo ay tayadeeda aad u liidato. Qareenka waxaa kale oo uu tibaaxay in Guzman aanan loo oggolayn inuu la hadlo maxaabiista kale ama uu isticmaalo luuqadda Spanish-ka oo ah luuqadda keleya ee uu garanayo.

𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗙𝗦 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝗺𝗮𝗿𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗵𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺 𝗮𝗵

𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗙𝗦 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝗺𝗮𝗿𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗵𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺 𝗮𝗵

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa maanta waxaa shir guddoomiyey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedka dhawrista maal-gashadatada iyo maal-gashiga.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale meel mariyey heshiiska is af-garad ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee dhawaan ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo qayb wayn ka qaadan doona dib u dhiska hay’adaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhinaca kale wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo tododbaadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta.

Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada ayaa golaha Wasiiradda u qaybiyey siyaasadda qaran ee maaraynta deegaanka, hindise sharciyeedka maaraynta deegaanka iyo heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ee Bariga Afrika.

Maleeshiyaadka Xamdi ee Garoonka Muqdisho

Muwaadinkii Soomaaliyeed ee dalka xooga looga musaafuriyey oo hadlay.

Jamaal Maxamed Cismaan, oo ah weriye Soomaaliyeed oo caalami ah, una shaqeeya mid ka mid ah warbaahinta loogu daawashada badan yahay, ayaa mar uu dhowaan soo gaaray Soomaaliya si u diyaariyoo barnaamijyo ka hadlaya tacadiga Dumarka ayaa Garoonka Muqdiho waxa isbaaro u dhigatay Taliye Xamdi oo ku magcaaban Taliyaha nabad sugidda garoonka Muqdisho. Ciidanka ay Xamdi qoriga u qaaday maaha ciidan Qaran ee waa Maleeshiyo beeleed ka dhisan Muqdisho

https://allsanaag.com/hag-ma-musaafurin-karaan-soomaali-kale/

Imaaraadka oo deegaanka Soomaalida ka hirgelinaya mashruuc koronta lagu dhalinayo

Imaaraadka oo deegaanka Soomaalida ka hirgelinaya mashruuc koronta lagu dhalinayo

Dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa ku heshiiyey mashruuc cadceedda koronta looga dhalinayo.

Masruucan korontadaha qorraxda looga dhalinayo oo ay ku kaceyso miisaaniyad dhan 400 malyan oo doolar oo ay Imaaraadka maalgelineyso deegaannada Itoobiya oo laga hirgelinayo waxaa ka mid ah Soomaalida iyo Cafarta.

Waxaana deegaannadaasi laga dhalinayaa tamar gaareyso 400 oo mega wat.

Wasiirka maaliyadda Itoobiya oo warbaahinta dalkaasi la hadlay wuxuu sheegay ‘mashruucan inuu qayb ka yahay heshiisyada iskaashi oo ay labada dhinac qalinka ku duugeen Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Isu tagga Imaaraadka Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Mashruuca dhismahiisa waxaa hirgelineyso shirkadda weyn ee Tamarta oo laga leeyahay dalka Imaaraadka ee ‘Masdar.’

Guud ahaan mashruuca Imaraadka ay ka fulineyso Itoobiya oo ay qorraxda koronta uga dhalineyso ayaa celcelis ahaan soo saaraya koronta dhan 4,000 oo mega wat.

Culusoow iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo kulmay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Baydhaba kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka ee mucaaradka ah.

Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha ee Soomaaliya Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo), oo dhammaantood ka mid ah xubnaha mucaaradka.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulanka uu ahaa mid miro dhal ah, inkasta aan lagu bixin faah-faahin intaas dheer.

Sida qoraalka lagu sheegay, madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay nabadda, wadajirka iyo horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay madaxda ka qayb galeysa in ay shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Baydhaba ka furay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee u maamulka iyo mucaaradka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xubnaha mucaaradka ayaa isku haya qabashada doorashada madaxweynaha, ayada oo mucaaradku sheegeen in muddo xileedka madaxweynaha uu ku ekaa December 2022, balse maamulka uu ku doodayo inay jirto muddo kordhin uu baarlamanka u sameeyey.